Fawdada iyo Jaah-wareerka ka dhasha Nidaamin La’aanta Hab-maamuuska Goobaha Xafladaha Qaranka lagu qabto

– Bulshada  Somali-laan,  waa  Dad  intooda  badani,  ay ka habaaran yihiin  amase  ay ku adag  tahay,  dhawrista  iyo  u haggaansanaanta,  Nidaamka   fadhiyada  Xafladaha  laysku  marti-qaado,  iyadoo  la raacaayo   Hannaanka,  kala danbaynta,  kala   sarraynta iyo  Awaamiirta  tusmeynta   soo-dhoweeye-yasha( ushers ),  iyadoo  laga duulaayo  hagaajinta Hab-Maamuuska Bulshada  dhexdeeda, si  qayb kastaba  loo fadhiisyo  goobta ay mudan tahay, haddii  uusan  fadhigu markaas ahayn mid guud ee isku-dhex-siideysan (protocol la’aan), kala sooca Ragga iyo Dumarka, mooyaane.

–  Si looga baxo dhibaatooyinka  cabashooyinka ka soo if-baxa  ka qayb-galka  xaflaadaha   Munaasabadah  Qaranka,  waxaa loo baahan ayahay, in wax looga  qabto,  sidatan:-

(1)- In  Xafladaha  lagu  qabto  goobo  waasac  ah( spacious) ee koox kastaba  Raalli-gelin karta  oo aan Alla-ka-jeed  ahayn!

(2)- in Dadka loo xil-saaro  soo diyaarinta  liiska iyo qaybinta kaadhadhka  qaybaha  Bulshada  ee la  marti-qaadaayo, ay ahaadaan  Dad   Aqoon u leh  Acyaanta  iyo wax-garadka  Bulshada  ee mudan  in marti-qaadka  loo fidiyo, amase loogu yeeedho  Madasha

(3)-  In mar-kastaba laga fogaado Qof jeclaysi amase koox toocsi nacayb ku salaysan, lana  marti-qaadi waayo  Dad mudnaa!!

(4)- In kaadhaadhka marti-qaadka loo qaybiyo, si miisaaman oo wax-ku-oolnimo ku dhisan, iyadoo qayb kastaba ay tahay in halkeeda loogu geeyo, laguna Maamuuso.

(5)-  In soo dhoweeye  kastaba la qaabil- siiyo  jaho cayiman, lana siiyo liis qoraal ah ee qaybta Bulshada la marti-qaaday, kana  ahaado kor-jooge oo kale safka uu Martida fadhiisiyey, si aysan  isugu  dhicin iyaga iyo Ciidanka  ilaalinta amniga ee Xafladda,  Qof kastaaba wuxuu jecel yahay  habeenkaas, inuu  Madaxdiisa arko oo Salaamo, taasoo aan ku oollin  maanka Amni-sugaha (Security) ee  lasocodka dhaq dhaqaaqa Bulshada, diiddan Habeenkaas isaga ah.

(6)- Inaan  sinaba loo halmaamin  Dadkii  usoo halgamey Dalkan iyo kuwa ku dhaawacmay  Difaaciisaba, lana fadhiisiyo  meel u gaar ah oo  ay ka muuqdaan!

(7)- Inaan Tafaftirayaasha Wargeysyada waaweyn aan iyagana laga illaawin  Casuumaada ee la siiyo tixgelinta ay leeyihiin.

(8)- In cilladaha Samaacadaha,maykaro-foonada iyo korontada Nalka laga feejignaado iyo in sidoo kale loo tooga-hayo Baabuurta Dhaawaca qaadda (Ambulance),  loona haaado heegan Caafimaad iyo Dab-damis oo ah lagama  maarmaan.

(9)-  In Dadka la marti-qaaday  ee soo gelaaya Xafladaha la mariyo  baadhis  saddex Jaran-jaro ah.

(10)- In Sawir-qaadasaasha  la siiyo  goob u gaar ah oo aysan  dib-udhicin, inay  Daawadaasha ku sameeyaan  isku-gudubb iyo is-hortaag!!

(11)- In Barnaamijyada Xafladaha Qaranka, ay Daa-di-hiyaan wasiirrada  Madaxtooyada, warfaafinta iyo Hiddaha iyo Dhaqanka, midkood, amse loo tusmeeyo Mas’uul kale ee lagu yaqaan  Cod-karnimo  iyo  fasaaxad, qoto dheer!!

Waa Billaahi tawfiiq

Qalinka: Xaaji Saalixi Al-Rashiidi)