FARSHAXANNIMADA FOOSHA XUN !

================= ======= ====

· Suugaan mug wayn baan sidaa, seefo xoog badane

· Niman samuhu seegaan lahaa, sawtka maqashiiye

· Saabaalin kala daalayoo, diide suluxiiye

· Samihiyo Islaamnimo ka tage, surinkii toosnaaye

· Sun bay qeybiyaan waa beryiyo, saacadaha layle

· Sallidkii fircoon iyo ka daran, sixirradiisiiye

· In badan baa wanaag lagu sasabey, samiyo fiicnaane

· Solmi waaye laakiin illeyn, waa lax sawracane

· Indho sumal ku yaalaa marnaba, samo ma eegaane

· Marka gawrac loo seexiyey, sare u taagmaane

· ————

Way mahadsan yihiin mudane, ‪#‎Kamaal‬ ‪#‎Shaacir‬, ‪#‎Xamse‬ FX, ‪#‎Bootaan‬ iyo akhyaarta kale ee sida kulul uga fal celiyey qormadii uu dhowaan odeyga la magacaabay ku dedefaynayey jiritaanka shakhsiyadeed ee Nebi Muxamed (SCW), haa jiritaanka shakhsiyadeed ee Nebi Muxamed SCW ! waayo sunnada Nebigu (SCW) waa xaqiiqada jiritaanka rasuulka, sunnadu waa falkiisii, hadalkiisii iyo hab dhiskiisii dhalasho iyo dhaqan.

Mashruuca duridda Islaamka, Nebiga iyo cid kasta oo loo aanaynayo difaaca labadaasi, waa mashruuc guun ah oo weligii jiray, waana sunne kawni ah, waa is caabinta alle ugu talo galay aduunkan.

Midhaha is caabintaas iyo loolankaas ayuu Allena abaal wanaagsan ama xun ku bixinayaa, qof waliba halka uu ka galo ayuu midhaheeda goosan doonaa.

Afeefta uu odeygu qormadiisa ka horreysiiyey wax macno ah oo ay sameynaysaa ma jirto, waxay ka turjumaysaa ku talogalka baqasho ee ku jirta qoraaga, waxayna la mid tahay afeeftan, : nin khamriile ah baa yidhi : “Quraaraddaas khamriga ah baan cabayaaye imikaba khamri buu cabay oo wuu sakhraansan yahay hay odhanina hadhowto”!

Dhinaca kale qaabka jawaab celinta waxaan qabaa in wax laga bedelo:

1- Alle mahaddii fahamka diinta ee dhalinyartu wuu fiican yahay, tusaalena waxa kuugu filan commentska laga bixiyey qormada odeyga, waase hubaal inay jiraan dad aan lahayn sees fiican oo aqoon diineed ah amaba kuwo mashruuca qayb ka ah oo u sacbiya mararka qaarkood, waxa markaas muhiim ah in aqoonta diinta la xoojiyo, fahamka saxda ahna la baahiyo, si shubuhaadka sumeysan looga gaashaanto.

2- Inagoon ula dan lahayn ayeynu baahinta qoraallada sumaysan ka qayb qaadanaa, hadal haynta iyo ku qaylinta ficilladda xun xun mararka qaarkood waxay sababaan inay sii baahaan oo cid aan kaba warhayn aynu gaadhsiino, sidaa awgeed, in fikradda la naqdiyo iyadoon cidda aaminsan iyo meesha lagu xusay toona la sheegin ayaa ila fiican, sidaasi waa manhajka quraanka iyo qaabkii uu Nebigu wax u sixi jiray, aayadda quraanka ah ee suurat Annuur ku jirta ee tirsigeedu yahay 16 waxa ay leedahay “Markii aad maqasheen maxaad u odhan waydeen: nooma cuntanto inaanu waxaas ku hadallo, Allow adigaa xumo oo dhan ka nasahane taasi waa beer abuur wayn”, isla suuraddaas gaar ahaan aayadda 19 waxay leedahay:’kuwa jecel in xumaantu ku baahdo dadka muuminiinta ah dhexdooda, waxa ay la kulmi doonaan cadaab kulul aduun iyo aakhiraba, Allaa kuwaas ogsoon idinkuse maya”.

3- In fikradda gurracan la naqdiyo ayaa muhiim ah, sidoo kale halkii qofka ay ka soo fushay shakhsiyaddiisa lagu tiigaali lahaa, in loo naseexeeyo, xidhiidhkiisa aan la go’yn waxa uu ku fiican yahayna lagu ammaano, hadday suuro gal tahayna si maangal ah loola doodo, ayaa ila fiican.

4- In dareenku noolaado oo xumaanta laga gubtaa waa muhiim, in mashruucu hore u jiray jirina doono in la ogsoonaadaana waa muhiim, in ku talo galkiisa iyo hubkiisa kaga horeynta ah iyo ka rogaal celinta ahiba diyaar ahaadaanna waa mumiim, muhiim, muhiim.

Alle dhammaantiin dareenka wanaagsan iyo damiirka nool haydiin barakeeyo, inta habowsan ee maankoodu lumiyey ama maalka nin kale lagu lunsadayna Alle ha soo hanuuniyo sharkoodana muslimka caafimaadka qaba ha ka weeciyo.

Cabdiqani Xuseen Maxamed