Farriin Ku Socota Guddida Cusub Ee Daba-galka Hantida Qarranka ee Wakiillada: “Haddii Ay Daacad Idinka Tahay Dalku Wuu Dhacanyahaye Bal Diiradda Ku Eega Xogtana Iga Hooya” – W/Q: Maxamed Cabdi Xasan (Diridhaba)

Maxamed Xasan
Maxamed Xasan
Maxamed Xasan

Waxaan hambalyo iyo boogaadin gaadhsiinaya guddida daba-galka hantida qarranka ee golaha wakiiladda Somaliland oo uu guddoomiye ka yahay saaxiibkay aan aad ugu kalsoonahay Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi isla markaana ay xubno ka yahiin rag mudakar ah oo golaha ku jira oo uu ka mid yahay Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Xildhibaanadaasi waxaan ku oga  niman  iimaan ahaan iyo dhaqaale ahaanba dhisan isla markaana aan kalsooni badan ku qabo in hadddii ay fursad hellaan wax qaban karaan, 7-dabadii  sannadood ee golahaasi wakiiladda oo ahaa golahii ugu horeeyey ee cod dadweyne ku yimid uu jiray.

Wuxuu ahaa gole fadhiid ah oo aan habayaraate wax alla iyo waxay ku filanyahiin iyo waxay ummadda u qabteen aanay jirin anigu waxaan odhan jiray waa goob loo soo sheeko doonto ayaan darrooyinkaan ku oga waxay ahayd xildhibaan shaqadiisu ahayd inuu sharci iyo dabal sameeyo ayaad arkaysa isago shaqadii ku jira oo ku dhex kaftamaya golaha dhexdiisa ama joornal ku dhex akhrisanaya, aniga agtayda waxay ka tirsanaayeen danbilayaal xag adduunyo iyo xag aakhiraba sababtu waxay tahay qof ku dhaartay kitaabkii ilaahay, isla markaana ilaahii abuuray iyo ummaddii dooratayba wacad u maray inay daacad u noqonayaan inay wacadka ka door bideen inay caloosha buuxsadaan oo ay mushahar qaataan,  waxaan aaminsanahay inay nimanka xilka qaaday ay labadaasiba iloobeen kana door bideen tooda shakhsiyadeed, u malayn maayo maanta inay dalka taallo cadaalad lagula xisaabtama hayeeshe ha ogaadeen badidood in xisaabtii aakhiro ay taallo oo maalin aan maanta ahayn la is xisaabin doono.

Wallow aan la iiga baran maalmahani inaan qoraalo tabiyo sababo ii gaar ah awgeed waxaan qoraalkani igu kelifay inaan dhawr arrimood xasuusiyo guddida maanta aniga qalbigayga yididiiladdda gelisay inay sameeyaan haddii ay inuun doonayaan inay sumcad xummaddii, karaamo beelkii, iyo sharaf darrada ay sida haraga u huwanyahiin inuun iska maydhaan, waxaan idiin qodobayna dhawr arrimood inaad wax ka qabataan haddii aad xilkii ummadda aad u qaadeen sharfaysaan weeyaan:

1.Hantida Ummadda Ee Dalka Dibadiisa Loo Dhoofinayo

Rag Iyo Dumarba Mudanayaal Xil-qaadayaashii qarrankow waxaan sidaan berri inaan dhimanayo u hubo, u huba in aanay jirin maalin musuq maasuqa iyo xatooyada xoolahii ummadda masaakiinta ah ee u badan waxma-garatada lagu kala qaybiyey qabiilka iyo kooxo ay lahaayeen loo dhoofiyo maalin iyo habeen dalka dibadiisa, hantidaasi ha noqoto mid nool oo baanan dibadeed lagu shubto, ha noqoto mid mood ah oo lagu takrifalayo, ha noqoto hanti caalami ah oo sifo khaldan inta dibadda lagu soo gallay la leexsaday, dhawr arrimood oo aan anigu cadayntooda hayo balse ay ii suurtagal noqon wayday inaan guntooda gaadho maadama oo aanan xil ummadeed hayn meelahii aan salka ka gaadhi lahaana ay iga xanibtay arrintaasi ayaan doonaya inaan farta idiinku fiiqo, si kooban oo cilmiyaysana waan idiinku qodobaynaya si jarariiadda uu nuqulku u gaadho.

1. Hantida Ka Soo Gasha Dalka Iibka Heshiisyada Shiidaalka iyo Tamarta

Arrintani waa ta ugu darran ee xita haddii haayadahii ay khusaysay aad weydiiso aanay wax alla iyo waxay kala socdaan jirin ha noqoto inay is yeel-yeelayaan, inay ka baqayaan in xilkooda ay ku waayaan, iyo in iyaga laftigooduba ay gacmaha kula jiraan, sannad iyo badh ka hor wasiirka macdanta iyo  biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale wuxuu bilaabay olole laxaadleh oo heshiisyo lagu iibsanayo lacag (oil and energy contracts) lacagahaasi wasiirka macdanta iyo biyahu ka qaatay shariikadahaasi waxay ku yimaadeen laba dhinac oo aan hayo caddayntooda iyagoo qoraal ah iyo iyagoo cod ah, waxaan tusaale idinka siinaya laba arrimood a) sannadkii 2011 bishii March Ilaa December wasiirka macdanta iyo biyaha Somaliland wuxuu ka qaaday lacag ku dhaw dhawr iyo toban malyuun oo dollar shariikadahani:

1. Ophir Energy waxay bixisay lacag qadar ahaan ku dhaw 2.7 milyan (laba milyan iyo todoba boqol oo kun oo dollar), lacagtaasi 1 Milyan oo ka mid ah waxay Ophir Energy ku bixisay kiradda dhulka ay degayso, shan boqol oo kun oo dollar waxay ku bixiyeen waxay ku tilmaameen inay ku qallabeeyaan waaxda tamarta ee wasaaradda macdanta iyo biyaha (Capacity Building), iyo qaybta seddexaad oo ay ku bixiyeen laaluush casriyaysan oo loo yaqaano afka ingiriisiga (Bribery Probe) oo ay ku bixiyeen inuu wasiirka macdantu u dhameeyey heshiiskani oo aan tartan lagula gelin, waxaanna ay lacagtaasi ku dhacday sanduuq xisaabeed ka furan dalka Emirateka oo aanan jeclayn inaan macluumaadkiisa qoro sababo la xidhiidha dhinaca sharciga,  lacagaasi oo dhan waxay ku  shubeen sanduuq xisaabeed wasiirka macdanta iyo biyaha Somaliland ku leeyahay dalka Emirateka carabta oo ka furan bangiga HSBC

2. Rak Petroluem (Rasul Khaymah UAE) : Waxay bixiyeen laba lacagood oo kala duwan lacag ah $500,000 oo ay ku siiyeen wasiirka inuu dilaal ( ka noqday kala iibinta saami ay iibsatay shariikad la yidhaahdo Jacka Resources oo laga leeyahay dalka Australia, shariikaddani waxay sidoo kale wasiirka ku wareejiyeen lacag labaad oo dhan 450,000 dollarka maraykanka ah oo ay ku siiyeen inuu marlabaad dilaalay isku xidhka shariikadda Jacka Resources iyo shariikad kale oo la yidhaahdo Genel Energy.

3. Jacka Resources: Bishii 5-aad ama May sannadkii 2012 waxaa bilaabmay in shariikadda Jacka Resources ay wasiirka ku xidho shariikad laga leeyahay dalka Turkiga oo la yidhaahdo Genel Energy oo iyaduna bixisay lacag dhan 12.5 Malyuun oo dollarka maraykanka ah oo ay ku bixiyeen lacagahaasi badh ahaan iibsashada heshiiska ceelasha oo qaarkood ay hore ugu jireen heshiisyo kale (Duplicate contracts) lacagtaasi %40 waxaa loo shubay wasiirka macdanta iyo biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo markale haddana lacagtaasi oo todoba jeer oo is xigta loogu soo shubay bangi xisaabeedka uga furan dalka Emirateka weliba qaabka loogu shubay loo yaqaano (Money Wiring Transfer).

4. Nubiya Gold: Bishii June April sannadkii 2012-kii wasiirku wuxuu lacag gaadhaysa 230,000 dollar ka hellay shariikad la yidhaahdo Nubiyan Gold Corporation oo lagu sheegay inay tahay shariikad macdanta iyo dahabka qoda, waxaa la siiyey afar goobood oo ku yaalla meelo u dhaw degmada Abaarso ee galbeedka Hargeysa, waqooyiga gobolka Awdal, iyo dhulka xeebta ah ee u dhexeeya gobolka Hargeysa iyo Saaxil, wasiirku sida u caadada ah lacagtaais waxay ugu soo dhacday bangi xisaabeedkaasi uga furan bangiga HSBC.

5. Intii U Dhexaysay Bishii September Ilaa December 2012-ka xubno uu ka mid yahay wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xasan, wiilka uu madaxweynahu sodoga u yahay Baashe Faarax, nin magaciisa la iigu sheegay Ibraahim oo London degen xidhiidhiyana ka ahaa mashruucii sahaminta dhulka batroolku  kaga jiro Somaliland  oo ay fulinaysay shariikadda Norwagianka ah ee Stat Oil sannadahii sannadkii 2006-dii (offshore and onshore sessimetic surveys) waxay nimankaasi oo is wata London ka aas-aaseen shariikad yar oo nooca qaadata heshiisyada loo yaqaano (Sub Contracts), iyagoo lacago ka qaatay shariikadda Genel Energy mashruucyo ay ka mid yahiin ilaaladda (Security) goobaha batroolka laga qodayo, shaqaalaha (staffing and employment) inay bixiyaan shaqaalaha muruq maalka ah, waxaana shariikadaasi lagu qoray qof magac kale leh waana sababahii wasiirka madaxtooyadu uu u yimid London qaboobahii sannadkii dhamaaday 2012-kii (waxaan haya Registration Number-kii laga sameeyey haayadda diiwangelinta shariikadaha dalka ingiriiska (Company House)””

Dhamaanba Mudanayaal lacagaha aan ka hadlayo waxaa Somaliland ka soo gaadhay lacag dhan 500,000 dollar oo wasiirka macdanta iyo biyaha Somaliland Bishii May 13-keedii ku wareejiyey Cabdicasiis Samaale iyadoo Cheque bangiga HSBC ah ku qoran., waxaan huba inuu wasiirka macdantu Xuseen Cabdi Ducaale maanta ka mid yahay Milyeenaradda qarsoon ee ugu ladan Afrika lacagta uu ka taajirayna ay tahay lacagtii dalkaa fuqaradda ah wixii xoog iyo xoolo ay lahaayeen, waxay ayaan darro ah  mudanayaal ah in ummaddani wixii ay xoog iyo xoolo lahayd ay u baabisay cadaaladd darradii ina siyaad Barre oo daarahii iyo diinaarkeenii ku burburay, maanta oo aynu xornimo hellay waxaa wax laga yaxyaxo ah  ah in tuugaysi ka xun kii laga diriray uu dalka yaallo, waxaan mudanayaal nusqaan idinku ah in idinkoo kitaab alla ku dhaartay aad baylahdii aad la xisaabtami lahaydeen aad dayacdeen, haddii ay idinka dhabtahay waxaan idinku casuumaya inaynu si kal iyo laab ah iskaga kaashano arrimaha aniguna aan xog idinka siiyo anigoon magac iyo adduun midna ku doonayn, waxaan gunta iyo gebo gebada idin leeyahay waar xoolaha ummadda masaakiinta ah ee waxma garatada ah xasiliya, idinku ilaahay idinkala xisaabtimi, idinkay idin doorteen, idinkay idinku aamineen inaad xukuumadda u daba gashaan.

Nimanka wasiiradda ah ee xilalkii loo gartay ka dhigtay mid ay caayaan oo ceebayaan oo ay siday doonaan ugu takri fallaan waxaan leeyahay horta ilaahii idin abuuray ee aad kelmadiisa ku dhaarateenba ka xishoon waydo eh, Bini’aadmi maxaydin ka xishoon bal waxaad inyar uun ku tusaale qaadataan musuq-maasuqayaashii ugu xuma ee dunida soo maray  halkay ku danbeeyeen Mabuto Sasako, Qadafi, Maxamed Xusni Mubarak, Augosto Binochet, Ben Ali  iyo wixii la mid ahaa iyagoo ugu foolxun, oo ugu arag darran oo ugu sumcad xun ayey dunida ka tageen tii aakhirana way u danbaysa, haddi damiirkiinu u tudhi waayey maatida iyo ubadka aradan way iman maalin aan la idin tudhi doonin.

F.G: Wixii macluumaad ah waad igala soo xidhiidhi kartaan.

 

Mohamed Abdi Hassan (Diridhaba)
Coventry University Oil, Gas And Energy Dept
Member International Energy Institute

Severn Trent Energy Westmidland
Energy and Water Advisor.

Barclays Bank Corporate Advisor
Warwickshire , UNITED KINGDOM

diridhaba@gmail.com