Farqiga U Dhaxeeya Taajirka iyo Fiqiika Dunida Oo Sare Aad Ugu Kacay

Hargeysa(SLpost)-Hay’adda Oxfam ayaa warbixin ku sheegtay in dadka dunida ugu taajirsan oo boqolkiiba hal ah ay ka maal badan yihiin dadka kale ee dunida ku nool dhamaantood.

150724040548_mexico_pobreza_4_afp_624

Warbixintii ugu dambeysay ee Oxfam ayaa sheegtay in 63-da ruux ee dunida ugu hodansan ay leeyihiin hanti dhan tan ay haystaan kalabar dadka saboolka ee dunida ku nool.

Hay’adda ayaa sheegtay in dadka taajirka ay leeyihiin hanti dhan 7.5 Trillion oo doollar.

Warbixintan waxay muujinaysaa in farqiga u dhexeeya dadka taajirka ah iyo kuwa saboolka ah uu sare u sii kacayo.