‘Farqiga Taajirka & Faqiirka Ee Sida Weyn u Kala Fog Iyo Camal La’aanta Baahday, Waxay Khatar Ku yihiin Amniga Dunida’

WARBIXIN – Golaha Dhaqaalaha Aduunka

“Dakhli korodhka dadka ee u kobcaya sida aan loo sinayni waa khatarta ugu weyn ee ay  dunidu wajahi karto tobanka sanno ee soo socda.

Waxay degdeg meesha uga saaraysaa dabaqaddii dhexe ee dhamaan waddamada Dunida waxaanay cidhiidhi gallinaysaa dhaqaalaha caalamka,” Sidaas waxa lagu sheegay warbixin digniin ah oo ay soo saareen  golaha dhaqaalaha dunidu (The World Economic Forum [WEF]).

WARBIXINTAWarbixintan, oo diyaarinteeda ay iska kaashadeen in ka badan 700 oo khabiiir oo dunida isaga kala yimid, waxay si ba’an uga digtay dhibaatada ka dhallan karta, farqiga xad dhaafka ah ee u dhexeeya dakhliga soo galla dadka ugu tijaarsan dunida iyo kuwa ugu faqiirsan, waxaanay taasi dhallin kartaa ayaa lagu sheegay warbixinta khatar aan laga soo waaqsan oo dunida soo food-saarta 10-ka sanno ee foodda inagu soo haya.

Cimilada sii xumaanaysa ee ay ka midka yihiin, duufaanada iyo abaaraha, ayay warbixinta ku tilmaantay khatarta labaad ee ay dunidu wajahi karto. “Arintan ayaa ah mid layaab badani ku duugan yahay, Haddii aynu ka eegno dhinaca mashaqada ka dhallan karta,  Biyo yaraanta,  ama biyaha oo si xad dhaaf ama lama filaana ah u soo fataha, waxay sababi karaan arin dareen keeda leh,  walow ay jirto in wakhti xaadirkanba dunidu si dabiici ah biyaha ugu aqoonsan tahay khatar caam ah (dunida oo dhan khal khal ku ah ),” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Shaqo la’aanta adduunka wada saamaysay wakhtigan ayay warbixintu sheegtay inay kaalinta saddexaad kaga jirto mashaqooyinka dunida ku soo fool leh sanadaha soo socda, khaas ahaan camal la’aanta haysata dhallinyarada oo ay warbixintu ugu magac dartay “Fil-guur”(Lost Generation).

Tartanka helida fursadaha shaqo ayaa cirka isku shareeri doona iyada oo aanay meesha ka baxayn sixir bararka goobaha aqoonta laga hello ( dugsiyada iyo jaamacaha ), sida warbixintu tilmaamayso.

“Natiijada burburka dhaqaalaha dunida iyo aduun-edegaynta cusub (globalization), da’yarta gaadhay cimrigii ay suuqa kaga xoogsan lahaayeen waxay ku keenay saa korna usii qaadaysaa hirdan dhinaca fursadaha shaqada ah iyo baahida taageero ee dadka waaweyn,” sidaa waxa yidhi David Cole oo ururkan khubarada madax uga ah qaybta khataraha.

Warbixintani waxa kale oo ay xustay, “Iyadoo ay suuq-yadu marba marka ka dambeysa sii camirmayaan, shaqooyin badana la heli karo, hadana taasi maaha mid meesha ka saaraysa adoonsiga shaqaalaha ee hawl qabadkooda, mana keenayso ku qanacsanaantii loo baahnaa ee xirfadlayaasha.”

Sida warbixintan lagu sheegya, wadamo badan, gaar ahaan Yurub, camal la’aanta da’yartu  waa mid sii kordhaysa maalinba maalinta ka dambeysa  oo xadhkaha sii goosanaysa. Giriiga iyo Spain oo kale waxay shaqo la’aantu cago cagaynaysaa 60 boqolkiiba in dhalinta da’doodu ka hoosayso 25 jirku  bilaa camal noqdaan.

Warbixin gaar ah oo ay soo saartay hay’adda  Credit Swiss, ayaa lagu sheegay in dabaqadaha dadka Ruushka ah ee Bishii October sanadkii tagey (2013 )  ay ahaayeen wadanka ugu sareeya dunida ee sinaan la’aanta qaninimada (Maalka).

Warbixinta oo dheerayd balse aanu soo koobnay,  waxay ku nuux nuuxsatay in Dunida oo dhan, maalqabeenada oo kali ahi haystaan boqolkiiba boqol nolosha isku qoofalan.

Warbixintan waxa Soo Tarjumay Caydaruus Sh. Cumar Geeddi