Fariin Ku Socota Madaxda Kililka Shanaad Ee Soomaalida Ethiopia

Fariintani maaha mid lagu rabo Lacag ama Xil, waa mid ka turjimaysa maslaxada ka Ummadda ku hadasha Af-Soomaaliga meel kasta oo ay joogaan sida Somaliland, Djibouti, Koonfurta Somalia, NFD iyo waliba Kililka Shanaad.

Fariintani waxay xambaarsan tahay Islaanimo iyo Walaaltinimo, sidaa darteed waxaan arabaa in aan saxo Walaalahayga Kililka Shanaad oo aad moodo inay caado ka dhigteen hurinta colaad sokeeye, iyagoo ka tagay Masuuliyadii saarnayd kuna badalay Colaad Qabiil, dhinacna saaray Beesha ay ka soo jeedaan ee Ogaadeeniya, taas oo sababtay inay lumiyaan Ummaddii kale ee la dhalatay ee ay wada degenaayeen Kililka Shanaad.

Gabogabadii waxaan leeyahay Maamulka u badan Dhalinyarada meel ha kaga dhicina haybada iyo Sharafta Dhalinyarada Soomaaliyeed, waayo waxaanu ku faraxnaa marka la yidhaahdo Kililka waxa xukuma Niman Dhalinyaro ah, laakiin dhaqankii-nu wuxuu u muuqanayaa in laga xanaaqo Dhalinyarada oo la yidhaahdo waxba ma xukumi karaan oo Nin yari intuu Geed ka boodo ayuu Talo ka Boodaa, sidaa darteed la jaan-qaada Dhalinyarada Caalamka ee aad isku da’da tihiin ama ku noqda Jaamacadihii aad wax ka badarteen si aad u heshaan Aqoon iyo waayo-aragnimo idinku filin.

ALLE MAHA LEH.

Guddoomiyaha Ururka Afgarad ee Somaliland.

Axmed Maxamuud Cali (Shiine-Gaashaancade)