FARIIN CAAFIMAAD

Cudurada kalyo istaaga ama Kansarka ee ku dhaca xubanaha Bini aadamka

Waxa aan ku sabababayn karanaa iyada oo cimilada dalkeenu aad u wanaagsan tahay sababo la quseeya baadhis la’aanta tayada dawooyinka iyo cuntooyinka ka soo dega dekada dalka. Waana qodobada hoos ku qoran

1. Dadkoo dawadii u isticmaalaya sifo qaldan oo aan tixraac maamul lahayn

2. Goobihii dawooyinka lagu iibinayey oo ku sii badanaya dalka, sida Pharmacy-yada

3. Dawladda oo aan lahayn goob ay ku baadho dawooyinkii iyo cuntooyinkii dalka ka soo degaya ku baadho tayadooda waxtar ama qalab

4. Daawooyinka oo dalka ku imanay sifo khilaafsan sharcigii siyaasadda dawooyinka loogu tala galay

5. Dawadii oo gacanta u gashay ganacsato lacag ku hagaysa oo aan lahayn wax aqoon caafimaad ah oo ay ku maamulaan dawadda iyagoo raadinaya faaiidooyin deg-dega

6. Wacyigelin la’aan ka jirta in dadka loo sheego inaan la isticmaalin dawo aanu dhakhtar ku qorin lagana iibin dadka dawo aanay warqad u sidan

7. Hayda tayda oo dalka ka jirta wali ma haysato qalab ay ku baadho tayda dawadda iyo cuntooyinka ee waddanka imanaya Iyada oo ay jiraan qodoban kor ku xusan oo lumiyey kaalintii siyaasadda dib u eegida tayada daawooyinka dalka soo galaya iyo cuntooyinka iyo iyada oo ganacsatada dawooyinku u dhago nugul yihiin dalabka dadka dawada iibsanaya ee aan fahansanayn, khatarta ay ku keenayso dawadan uu iibsanayo.

Haddaba mawduuceenan waxaynu ku eegi doonaa noocyada dawooyinka waxtarkooda iyo dhibaatadooda.

La soco casharadda Dambe…..

Fariin caafimaad

 

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan