Faraqa U Dhexeeya Somaliland Iyo Somalia – W/Q: Maxamad Cali Muuse

Mohamed AliSida maanta wixii la odhan jiray Somalia tahay laguma tilmaami karo Somalia. Somalia waxay ka koobnayd  Somalida Waqooyi iyo kuwa Konforeed. Somliland markii lagu daray Konforta waxay magaceedi Somaliland ahaa wuxuu raacay isku dharkii wuxuuna noqday Somalida Waqooyi.

Magaca Somalia wuxuu baaba’ay  markii laga tanaasulay NFD, Ogaden,  Jabuutina gooni isu taagtay, Somalilandna xorowday. Waxa soo hadhay Koonfor oo maanta la baxday Somalia. Waxay ahayd koonfortu in ay magac la baxdo iyaga u gaar ah. Waxa adduunwaynaha iyo Soomaaliduba xaqiijiyeen in Somaliland ay noqotay waddanka adduunka ka yaabiyay ee iskaga oon waxtar iyo aqoonsi ka haysan aduunwynaha muujiyey horumar iyo diimoqraadiyad ku dhisan nabad iyo siyaasad ku salaysan hab diimoqaraadi.

Koonfortu waxay noqotay goob dagaal. Waxay u kala baxday boqolaal qaybood oo ku dhisan qabaa’il, mabaad’i diineed oo an horay looga aqoon Somalia. Halka Somaaliland ka tahay waddan kaliya, Konfor waxa loo qaybsaday tobanaan gobol oo mid walba dowlad samaystay. Waxay ku Xarbiyayaan ciddii xukumi lahayd Somaaliya aan jirin.  Koonfortu waxay noqotay tusbax go’ay. Waxay u baahantahay inta ayna Somali raadin in ay iyadu is habayso oo midnimo la yimaadaan. Marxaladda Somaliland marayso kolayba Koonfori ma soo gaadhi doonto muddo dheer. Marka  iyagu isa soo heshiiyaan ee ku noqdaan sidii midnimadii ay Talyaaniga kaga xoroobeen ha kala hadlaan Somaliwayn.

Dadka ilaa hadda rumaysan in ay Somalia jirtu waa dad maan-gaab ah oo xaqiiqada ka fog. Waxaan jirin dad masala Koonfur oo lala xaajoodo sida Somaliland. Kuwa reer Somaaliland ah ee maanta ku abtirsanaya Somalia aan jirin waa kuwa halowsan ee Illaahay ha soo hadeeyo.

Waxa la garan la’ yahay waxa ay rabaan kuwa isku tilmaama indheer garadka ee og taariikhda Somalia iyo waxa Koonfur ku sugan tahay ee haddana rumaysan Somaliwayn. Waxa cad in ay kuwaasi yihiin kuwa daneystayaal ah oo runta ka fog. Waxa ugu sii daran kuwa reer Somaliland ah  ee kala qaybinaya Somaliland ee ku doodaaya Somaliland ha ku soo hoos noqoto Koonfor. Somaliweyn waxa baabi’yay kuwa qabaa’ilka Koonfurta ka tirsan oo rumaysan in ay yihiin shicib Illaahay u doortay in iyaga mooyiyeh cid kale xukumi Karin Somaliya. Waxa la yidhi ninkaan quusani isagaa quus ah. Somaliland marna way quusatay marna way qaan gaadhay. Somailand waxa u dan ah in ayna ku daalin Soomaaliwayn an jirin, jirina doonin.

Qore

Maxamad Cali Muuse ( Canada )