Faransiiska Oo Si Cadho Leh U Sheegay Inaanu U Dulqaadanayn Basaasida Mareykan, Safiirkoodiina Uga Yeedhay

Paris, (SLpost)- Dawladda Faransiiska ayaa sheegtay inaanay u dulqaadanaynin basaasnimada uu Maraykanka ku sameeyey Madaxweyne Hollande.francoishollande

Arrinkan ayaa yimi ka dib markii Wikileaks ay shaacisay in Maraykanku uu faransiiska basaasnimo ku sameeyey.

Waxa uu Faransiisku sheegay inaanu dulqaad ka muujin doonin ficil kasta oo wax u dhimaya ammaanka dalkiisa.

War-baahiyaha Wikileaks ayaa daabacay dokumantiyo uu ku sheegay in laamaha amniga ee Mareykanku ay basaaseen madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, iyo labadii madaxweyne ee isaga ka horeeyay ee (Nicolas Sarkozy iyo Jacques Chirac).

Waxay bartan baahisa siraha hoose sheegaysaa in arrintaas ay dhacday intii u dhexaysay 2006 illaa 2012-kii.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka may xaqiijinin sax ahaanshaha dokumantiyada.

Dhinaca kale, Faransiiska ayaa u yeedhay safiirkoodii Mareykan. Hollande ayaa shir degdeg ah isugu yeeshay golihiisa Ammaanka si ay u darsaan xaqiiqada macluumaadkan.

mas’uuliyiinta Mareykanku weli kama hadal jiritaanka Eedahan loo soo jeediyay

Somalilandpost.net