FARANSIISKA: 42 Qof oo ku Dhintay Shil Gaadhi

 

Bordeaux(SLpost)-Ugu yaraan 42 qof, oo u badan dad howlgab ah, ayaa la rumeysan yahay inay ku geeriyoodeen shil baabuur oo ka dhacay meel u dhow magaalada Bordeaux, taasi oo lagu qeexay shilkii waddo ee ugu xumaa ee dalka France ka dhaca muddo ka badan 30 sano..

Saraakiisha ayaa sheegay in gaadhi xamuul uu ku dhacay bas ay rakaab ka buuxaan, meel u dhow waddada Puisseguin, taasi oo sababtay in labada baabuurba ay holcaan.

Sideed qof oo kaliya ayaa lagu warramay inay ka baxsadeen holaca, ayada oo tobaneeyo saraakiisha xaaladaha deg degga ah ay goobta gaadheen.

Madaxweyne Francois Hollande oo ka hadlay shilka xilli uu safar ku joogo dalka Greece, ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay inay la tacaasho musiibadan aadka u xun.

Shilkan ayaa la rumeysan yahay inuu yahay kii ugu xumaa ee ka dhaca France tan iyo sanaddii 1982-kii markaasi oo shil bas oo ka dhacay bariga dalka France ay ku geeriyoodeen 53 qof oo 44 ka mid ah ay ahaayeen caruur.

Source:VOA