Fannaaniinta Xiddigaha Geeska oo soo Saaray Hees ay ku dhiirri-gelinayaan Bixinta Cashuuraha

Fannaaniinta Xiddigaha Geeska oo soo Saaray Hees ay ku dhiirri-gelinayaan Bixinta CashuurahaHargeysa (SLpost)- Fannaaniinta Xiddigaha Geeska oo ah Hobollo Da’yar oo laga yaqaano Dhulka Soomaalida, xaruntooduna tahay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ayaa soo saaray Hees ay ku dhiirri-gelinayaan Shacabka Bixinta Cashuuraha ku waajibay.

Heestan oo noqonaysa Heestii u dambaysay ee ay soo saaraan, isla markaana ay si wada-jir ah u wada-qaadaan Fannaaniinta Ugu Caansan Kooxda, sida Yurub Geenyo, Cabdi Hani Xaashi, Maxamed Axmed Bakaal (Cirro), Nimcaan Hillaac, Ifraax Hargeysa iyo Qaar kale.

HALKAN KA DAAWO HEESTAN