Fannaaniinta London oo Hees Cajiib ah ku ammaanay Hooyada Fanka iyo Fannaanka Soomaaliyeed

London (SLpost)- Fanaaniinta Cabdikhaaliq Siraad iyo Cabdisalaan Wajaale oo ka mid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London ee Carriga Ingiriiska, ayaa Hees Cajiib ah oo ay ku ammaanayaan u qaaday magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Fannaaniinta London oo Hees Cajiib ah ku ammaanay Hooyada Fanka iyo Fannaanka SoomaaliyeedLabada Fannaan ee Heesta Qaadaya oo ay masraxa ku weheliyaan Fannaaniinta Caanka ah ee ay ka mid yihiin Nimco Degan iyo Nimco Yaasiin, ayaa heestan ka qaaday Bandhig-fanneed loogu magac-daray Shay Mire Dacar (Shay Mire Show) oo wakhtigan booqasho ku jooga magaalada London, waxa ay heestooda ku ammaanayaan Magaca iyo Karaamada Magaalada Hargeysa ku leedahay Fanka Soomaaliyeed iyo inay tahay Xarunta iyo Hooyada Fanka iyo Hobolka/Hobollada Soomaaliyeed.

HALKAN KA DAAWO