Fannaan Maxamed Siciid BK oo shaaciyey inuu ka baxay Fanka iyo farriin uu taageerayaashii u jeediyey

 

Hargeysa (SLpost)- Fanaanka Caanka noqday ee Maxamed Siciid BK oo hore uga tirsanaa kooxda Xiddigaha Geeska ee fadhigoodu yahay magaalada Hargeysa, ayaa Arbacada maanta shaaciyey inuu gebi ahaanba ka fadhiistay, farahana ka qaaday Fanka oo uu muddo dhowr iyo toban sanno ah ku gudo-jiray.

Maxamed Siciid BK oo maanta shaaciyey go’aankiisa, waxa uu sheegay in aanu jirin cadaadis cid kale kaga yimi oo go’aankiisa ka dambsa balse uu fanka uga baxay raalin-gelinta Illaahay (SWT). .

“Ma jiro cid igu cadaadisay in aan ka baxo Fanka balse way i qorshaysnayd ilaa 2015 in aan ka baxo fanka, waxaanan uga baxay ILLAHAY dartii,” ayuu yidhi Maxamed Siciid.

Maxmed Siciid Bk waxa uu taageerayashiisa ugu baaqay inay go’aankiisa oo kale qaataan oo fanka iska daayaan, “taageerayaashaydana waxaan leeyahay isoo raaca,” ayuu yidhi Maxamed Siciid.

Maxamed Siciid BK oo lagu tilmaamo fannaaniinta ugu taageerada badan fanka casriga ah ee bulshada Soomaalida, ayaa bad-weynta fanka kusoo jiray Dhowr iyo tobankii sanno ee u dambeeyey, isagoo muddadaas meel heer sare ah ka gaadhay. Fannaanka ayaa markii u horeysay ku soo caan-baxay heesaha Waddaniga ah iyo kuwa Qaaciga ah.

Haseyeeshee, intii ka dambaysay sannadkii 2010-kii ayuu miisaanka fankiisu gaadhay bulshada Soomaalida kaddib markii uu xubin ka noqday Kooxda Fannaaniinta ee Xiddigaha Geeska oo uu muddo badan ka tirsanaa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net