Fannaan caan ka ah Qaaradda Yurub oo ku biiray Kooxda Daacish

Berlin (SLpost)- Fannaan si weyn looga yaqano waddanka Jarmalka oo lagu magacaabo Denis Cuspert, ayaa ku biiray kooxda Islaamiga ah ee Daacish ee ka dagaalanta Waddamada Ciraaq iyo Suuriya.

Muuqaal ay baahiyeen kooxda ISIS, ayaa lagu arkay fannaankan oo garabka uu ugu jiro qori AK-47 ah, iyada oo muuqaalka lagu arkayey isaga oo ka qayb-qaadanaya dad ay kooxda ISIS laynayso.

silanyoFannaankan oo da’iidiisu tahay 39-jir, ayaa Ciidamada Ammaanka dalka Jarmalku hore ugu dareen liiska dad la baadi-doonayo oo falal budhcadnimo loo haysto.

Denis Cuspert waxa iska dhalay Hooyo u dhalatay dalka Jarmalka iyo Aabbe waddanka Ghana, waxaanu diinta Islaamka qaatay sannadkii 2013-kii oo uu safar ku tagay waddanka Jarmalka, kaddib markii hooyadii guursatay nin u dhashay dalka Maryakanka.

Fannaankan oo markii uu diinta Islaamta Qaatay la magac-baxay Abu Dalxa Al-Almani, ayaa 27-kii bishii January ee sannadii hore lagu daray Liiska Argagixisada, kaddib markii uu goostay inuu ku biiro Kooxda Daacish.

Sirdoonka Jarmalka ayaa aaminsan in ku-dhawaad 500 oo u dhashay dalkaas ay ka barbar dagaalamayaan kooxda ISIS, taasina ay sababi karto in qaar ka mid ah ay dalkooda ku laabtaan, khatarna ku abuuraan ammaanka Jarmalka.

Khabiir ku xeelka dheer arrimaha argagaxisada iyo amniga oo lagu magacaabo Raphael Perl, ayaa sheegay in ninkan uu si fudud u duufsan karo dhalinyarada, maadaama oo si xooggan loo dhagaysto heesihiisa oo la jecel yahay.

SOMALILANDPOST.NET