Fanaaniin Xidigaha Geeska ka Tirsan oo la Xidhay iyo Xukuumadda 0o ka Hadashay

 

 

Hargaysa(SLpost)-Xukumadda Somaliland ayaa xabsiga dhigtay 4 ka mid ah kooxda fannaaniinta Xidigaha Geeska ee fadhigoodu yahay magaalada Hargeysa, kadib markii ay galinkii hore ee Axadda maanta ka soo dageen Madaarka Cigaal ee Hargeysa.

 

Fannaaniinta ayaa maalmo ka hor Ciidii waxay ka dageen magaalada Muqdisho, iyagoo ka horna muddo ku sugnaa Nairobi. Markii ay Muqdisho soo gaadheen saxaafadda waxay u sheegeen inay bandhig faneed balaadhan ku dhigi doonaan Muqdisho, islamarkaana damaashaadka ciida maaweelin doonaan dadka fankooda taageera ee reer Muqdisho.

 

Afarta fannaan ee la xidhay ayaa la kala yidhaa;  Xamda Quen ,Nimcaan Hillaac , Maxamed Axmed Bakaal , iyo Cabdiraxman Caydiid Cabdi {Oday}

Wasiir kuxigeenka dhinaca maamulka gobolada ee wasaaradda daakhiliga Somaliland Axmed Faarax Caddarre, oo xadhiga hobaladan ka hadlaya ayaa BBC-da u sheegay in fannaaniintu ku xadgudbeen shuruucda Somaliland “Hoobalada la xidhay waxay u fasax qaateen Nairobi, waxay ka been sheegeen arrintaasi, dabeed waxay tageen Somalia, iyagoo dabeedna arrimo kale galay oo sidaad Tv-yada ka daawateen Calankii Somalia ay ka muuqanayeen, markaa waxay ku xadgudbeen xeerkii u yaalay Somaliland, sababtaas awgeed ayaa loo xidhay,” ayuu yidhi Wasiir xigeenku.

 

Waxa uu intaasi raaciyay “Fannaaniinta Somaliland ee qaranimada ka turjumaya xeer baa u yaala oo ahaa fannaaniinta iyo siyaasiyiintu waa astaanta metesha qaramada, waxayna ka tirsan yihiin shaqaalaha dawladda waanay xadgudbeen. Waxay ku jiraan shaqaalaha dawladda oo ay mushahar iyo gunno ka qaataan.”

Dhanka kale, fannaanadda Khadra Sinimo oo ka tirsan hogaanka kooxda xidigaha geeska ayaa sidan u sharaxday sidii loo xidhay fannaaniinta “Xalay ayay Fannaaniintu nala soo hadleen oo yidhaahdeen waanu soo soconaa, saaka anagoo ku sugayna Madaarka ayuun baa nalagu yidhi waa la qaaday, xaggee la geeyay markaanu nidhina cidiba way noo sheegi wayday, sidii ayaanu ku soo baxnay, aakhirkiina way xidhan yihiin ayaa nalagu yidhi in Saldhiga su’aalo lagu waydiinayana way ila tahay.”

 

Fannaanada ayaa Khadra Sinimo, waxay sheegtay inay u arkaan in fannaaniintu tagi karaan halkay doonaan islamarkaana xor u yihiin inay fankooda la wadaagaan dadka Soomaalida ah. Waxay sheegtay in ugu yaraan 6 ka mid ah kooxda Xidigaha geesku mushahar ka qaataan dawladda, kana mid yihiin shaqaalaha rasmiga ah ee dawladda.

 

Maalmihii u dambeeyay baraha bulshadu ku kulanto ee Internet-ka ayaa lagu falanqaynayay tagitaanka Kooxdan ee Muqdisho, iyadoo shacabka Somaliland muujinayay siday uga xun yihiin, halka shacabka Muqdisho muujinayay inay astaan u yihiin midnimada Somalia