FALANQEYNTA KHUDBAD SANNADEEDKI 2016 EE MADAXWEYNE SILAANYO

Run ahaanti khudbad sannadeedkan 2016 ee madaxweyne Silaanyo maanta ka hor jeediyey labada gole ee wakiilada iyo guurtida way ka qaab duwaneed shanti khudbadeed ee hore oo wuxu abbaarey mawaadic dareenka dadku tabayeen .Haddaba haddaan mid mid uu taabto :

1-Nabadgelyada: Madaxweyne Silaanyo ma xusin soo afajariddi colaadda kooxda Suldaan Wabar ka wadey Gobolka Awdal iyo nabadgelyo darro ka timid dilal is daba joog ah oo ciidamadda amaanku isu geysteen haddey Police yihiin ama ciidamada qalabka sida, taaso uu baahan tayeeynta ,daryeelka iyo koru u qaadida discipline ka iyo kala dambeynta Ciidamada qaranka S/L .

Madaxweynuhu wuxu sheegey in dawladda Somalia faragelin siyaasadeed ka waddo bariga Somaliland isago uu jeeda dhaqdhaqa iyo shirarka kooxda khaatumo ka waddo degmadda Buuhoodle ee uu hoggaaminaayo Cali Khalif galeydh , kuwaaso doonaya iney carqaladeyaan diwaan gelinta cod bixiyaasha S/L . Su’aashu waxay tahey miyaaney kooxda khaatuumo ku aheyn maamulka Silaanyo boog madow iyo aragti gabnimo madaama ay uu fududeyeen qabsoomidda shirki Taleex ee lagu asaasey kooxda Khaatumo.

Arrimah debedda : Madaxweynuhu wuxu sheegey innu abaabuli doono jaaliyadaha debedda sii ay uga qeyb qaataan ictiraaf raadinta S/L .waana arrin wanaagsan oo barnaamjki kulmiyena ku qorna laakin wa goorma ma lix sannadood ka bacdi oo ay mareyso halki ugu hooseysey kalsoonidi shacabka S/L uu qabeen maamulkisa .taaso ay sababtey eex, musuq maasuq , maamul xumo , cabudhin iyo caga jugleyn uu maamulkisu ku dhaqmo . Waxeynu wada ogsoonahey in siyaasaddi arrimaha dibeddu ay lixda sannadood ku koobneyd siyaasaddi ma dhaleyska aheyd ee wada hadalka Somaliland iyo Somalia ,taaso meqaamki Somaliland geyeeysisey inu gaadho heerki ugu hooseyey abid taarikhda S/L . .

3-Sicir bararka : Muddo dhawr sano ah shacabku wu ka qeylinaayey ,dawladda kulmiyena dhegahay ka fureysatey . Sababaha ugu muhimsan na maaha sidu madaxweynuhu sheegey oo tujaarta oo qudha sida Zaadka iyo E dahab , waayo horey uu jireen nidaamyadan  ee waxa kow ka ah lacagtan si bila xad ah loo soo daabacaayo iyo lacago badan oo dolaar ah  oo masuulinta qurbo jooga ahi dibedda uu xawilaan .

Musuq maasuqa : Madaxweynuhu wu dafirey innu musuq maasuq ka jiro xukuumadisa , haddaba shacabka Somaliland wuxu markhaati cad ka yahey in masuulin badan oo dawladda kulmiye oo intaaney xil qaban suuqa meehanaabey ay maanta yihiin mulkilayaal guryaha iyo gawaadhida igu qaalisan wadanka . Wuxu shacabku markhaati cad ka yahey in hantidi danta guud ee la yidhi wa la iibiyey inaan dariiqi sharci aha sida tartanka qandaraasyada ama gudidi qandaraasyadu aan la soo marin oo qandaraasyada la siiyo cid gaar ah oo madaxtooyadu wadato .  la soco qeybaha kale.

Eng Bashe C Gaboobe.

E-Mail : Gaboobe _3@hotmail .com