Fadliga Salaadda Taraawiixda

Sidaan ogsoonahay Bisha Ramadan, waxaa ka mid ah shicaa’irteeda tukashada Salaada Taraawiixda, waana salaad sunno ah oo la tukado salaadda Cisha dabadeed, waxaana loo tukadaa labo-labo rakco, Nabigana (NNKH) wuxuu xadis saxiix ah ku sheegay: ‘Qofkii tukada Ramadaan isagoo rumeysan oo xisaabsanaya Alaah aktiisa (ajirkeeda) waa loo dambi dhaafaa (dambiyada yar yar, kuwa kabaairta waa in la toobadkeenaa).’  (Bukhari & Muslim).

 

Waxaa Sunno ah  Salaadan in lagu tukado Jamaaco sida soo aroortay in uu nabiga (NNKH) tujiyey saxaabada dhowr habeen kadibna iska daayey cabsi uu ka cabsaday in lagu waajib yeelo ummadiisa. Markii la gaadhey khilaafadii Cumar Bin Khadaab, wuxuu arkay dadka oo koox koox u kala tukanaya taraawiix, wuxuuna bilaabey in uu dib soo nooleeyo sunnada tukashada salaadda Taraawiixda muslimiintana iskugu keenay hal imam inay kudabo tukadaan.
Maxaa lagu Akhriyaa Salaadaan?

 

Kumay soo aroorin salaadan Qur’aan gaar oo la akhriyo. Salafka wey ku dheereyn jireen Qur’aan akhriska, ilaa ay qaar ka mid gaadhsiin jireen wax u dhow salaadda subax, laakin sida fiican waa in lagu tukadaa salaaddan inta ay awoodaan dadka la tukanaya Imaamka.

 

Waxaa haboon in Bisha Ramadaan hal mar ugu yaraan lagu dhameeyo Qur’aanka Kariimka.

 

Immika Rakco ayey ka koobantahay Salaada Taraawiixda?

 

1-Culumada way isku khilaafeen inta rakco ay ka koobantahay salaadaan.
Culumada qaar waxey leeyihiin  waa (11-rakco) 8-rakco iyo 3- racko oo witri ah, waxaanay u soo daliishadeen xadiiska ay caa’‘isha (RDH) oo ahaa:- “Nabiga (SCW) Kamuu  siyaadin jirin 11-rakco ha ahaato Ramadaan ama yaanay ahaan”.

 

2-Culumada qaarkoodna  waxey qabaan in ey tahay 20-rakco iyo 3-racko oo witri  ah, waxeyna u soo daliishadeen ficilkii Saxaabada – Radiya Alaahu Canhum- Xilligii khilaafadii Amiirul mu’miniinta Cumar iyo Cuthmaan.

 

3-Culimada badankoodna waxey isku dayeen in ay isku keenaan labadan ra’yi oo waxay yidhaahdeen waxa Sunno ah  in la tukado 11-rakco, qofkii ka siyaadiyana wax dhib ah kuma jiran oo waa ay banaantahay in latukado inkabadan 11-rakco.

 

Sikastaba ha ahaatee waxaa muhiim ah inuu qofka Muslimka ah ee sooman uu ku dedaalo sidii uu u tukan lahaa Salaadda Taraawiixda inta uu awoodo, laakiin hadduu awoodo inuu la dhamaysto Salaadda Imaamka taasi ay fadli badantahay, sidii uu ku yidhi Nabigeena (SCW) xadiis saxiix ah: “Qofkii la tukada Imaamka ilaa uu ka salaamo noqsado waxaa loo qoraa qiyaamka habeenka oo dhan”.

 

Illaahay ayaan ka baryaynaa inuu naga dhigo kuwii laga aqbalo soonkooda iyo qiyaamkooda, Illaahayna uu naga dhigo kuwo laga xoreeyo Naarta bishan barakaysan ee Ramadaan.
Wasala Allaahu Calaa Nabiyinaa Muxamad waca Aalihi Wasaxbihi wasalam. Wasalamu calaykum warahmatu Allaahi wabarakaatuh.