Fadeexaddaha Diblomaasiyadeed Ee Hadheeyey Qasriga Madaxtooyadda oo Anfariir ku Riday Dawladaha Deriska

“Isfasiraad La’aanta Xilka Qaadista Masuuliyiinta iyo Warsaxaafadeeda Madaxtooyadda oo Noqday Farrimihii Joseph Goebbels‏”

Hargeysa(SLpost)- Waxay ahayd 3-January 2016-ka markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Gaashanle dhexe Axmed Cali Maygaag oo hore uu ahaa Taliyaha Ciidanka ilaalada Madaxtooyadda, iyo sidoo kale, dhamme Cabdi Cismaan Ducaale oo isna ahaa Taliye Ku-xigeenkii Ciidamada ilaalada Madaxtooyadda. Waxa kaloo Madaxweynuhu Masuuliyiinta uu xilka ka qaaday bedelkoodii jagooyinkii ay hayeen uu magacaabay Gaashaanle dhexe Axme Daahir Cali oo noqon doono Taliyaha Ciidanka ilaalada Madaxtooyadda iyo dhamme Axmed Jaamac Ducaale (Olyoos) oo isna buuxin doona jaggada taliye ku-xigeenka ilaaladda Madaxtooyadda. Sidaas waxa lagu sheegay warxasafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda 3-January 2016-ka.

Inkastoo ay tahay sunnaha dawladnimada xilalka qaranka in kolba ciddii hanan karta loo dhiibo, balse haddana waxa sunnaha hanaanka Dimuquraadiyaddu ina farrayaa in Bulshada loo iftiimiyo masuuliyiinta xil gudasho la’aan darteed shaqada looga ruqseeyey, iyo sidoo kale, kuwa awood ahaan u tahli kari waayey gudashada xilkii ay qaranka u hayeen, hase-yeeshee aan waxba iyagu hargaan.

Haddaba, iyadoo ay wax walbaa sida uu kala cad yihiin, waxa wax laala yaabo noqotay in War-saxaafadeeda Xilka qaadista Masuuliyiinta ee kasoo baxa qasriga Madaxtooyaddu haba-yaraatee aanay marna ka run sheegin as-baabaha kalifey xilka qaadista. tusaale ahaan, Warsaxafadeedkan xilalka lagaga qaaday saraakiishan ciidanka Qaranka kuma cada hal qodob oo iftiiminaya faldanbiyeed dhacay ama sidoo kale, mid tilmaamaya anshax daro ciidan oo ay ku tallaabsadeen labadan sarkaal, balse hadii laga tagi waayo qaybta danbe ee Warsaxafadeedka wax cad hadal qoraal micihiisu muujinayo weedho cadho ka muuqato, oo aan garawshiiyo lahayn, kuwaasoo u dhignaa sidan. “..Waxaan gartay inaan Idiinka Bedeelo xilalka Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka ilaalada Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland..”.

Waxa kaloo, baraagaraafka kan xiga isna lagu yidhi, “..Waxaan idinka rajeynayaa inaad si niyadsami ah ugu wareejiseen xilalkii aad haysteen G/dhexe Axmed Daahir Cali aan Xilka isaga ah uu magacaabay iyo Dhamme Axmed Jaamac Ducaale (Olyoos) oo aan xilka Isaga ah uu magacaabay..”.

Sidaas darteed marka xilka qaadista iyo sabab la’aanta Warsaxaafadeedka Madaxtooyadda laga yimaado, baadhitaano Wargeyska Yool uu ku sameeyey arrintan, iyo sidoo kale xil-ka-qaadista Agaasimihii guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda Xasan Cabdi Madar, waxa badhitaanada intooda badani isku waafaqeen in xilka qaadista taliyaha iyo taliye ku-xigeenku ku lug-lahayd dhacdo ka dhex dhacdaay Safaaradda ama Xafiiska Dawladda Itoobiya ku leedahay magaalada Hargeysa iyo Qasriga Madaxtooyadda.

Dhacdadaasoo sida xoggaha Wargeysku helay qaarkood iftiimiyeen ku taxaluqday ama ku xidhiidhsanayd fal ogollaansho la’aan ay ku fuliyeen Askari Xidigle ah iyo afar kale oo darajadoodu Xadhko tahay, kuwaasoo sida la sheegay amar la’aan ku galay Xafiiska Dawlada Itoobiya, iyagoo isticmaalayey Albaab Safaaradda Itoobiya ku leedahay dhinaca danbe ee Madaxtooyadda, albaabkaasoo intaa badan isticmaalkiisu uu khaas uu yahay Saraakiisha safaarada iyo Madaxda sare ee Xukuumadda.

 Waxa kaloo, xoggaha amuurtan la xidhiidha intaa ku dareen in shanta askari ee gudaha u galay Xafiiska Itoobiya ay wadeen Haweenay Xanaansaneysay oo ay rabeen inay Fiise Xafiiska uga qaadan, hase-ahaatee markii Kooxdani ay gaadheen gudaha Xafiiska Fiisaha laga bixiyo, isla markaana ay la kulmeen madaxa Xafiiska Dawladda Itoobiya, masuulkaasoo sida xoggaha qaar tibaaxen ku wargeliyey kooxdan in Fiisihii ay bixin jireen uu hadda xidhan yahay, sidoo kale, Masuulka Madaxda ka ah Xafiiska Dawlada Itoobiya, waxa uu su’aalay shanta Askari cidda siisay ogolaanshaha ay kusoo mareen Albaabka danbe ee isku xidha Madaxtooyadda iyo Xafiiska itoobiya, balse Safiirku ma helin garowshiiyo uu ku qanco.

Dhacdaadan oo ah mid ka baxsan ansha diblumaasiyadda, ayaa noqotay mid ka cadheysiisay Wakiilka iyo Dawladda Itoobiya labadaba, taasoo sida la sheegay aakhirkii cabashadeedu soo gaadhay madaxtooyadda Somaliland, waxana xoggaha qaarkood tilmaameen in cabashada arrinatani ka dhalatay ay sababtay in Madaxweyne Siilaanyo uu muujiyo mawqifkiisa arrintan ku aadan isla markaana uu qaado tallaabooyinka ku haboon ee ku dhayi karo dhaawaca soo gaadhay xidhiidhka ka dhexeeyey Somaliland iyo Itoobiya.

Waxa kaloo, Wararku intaa raaciyeen, iyadoo la eegayo miisaanka arrintani leedahay waxa la go’aamiyey, waxa la isla qaatay in tallaabada keliya ee dhaawaca arrintan ka dhashay lagu bogsiin karaa uu yahay in Xabsiga la dhigo shantii Askari ee amar la’aanta gudaha ugu galay Xafiiska Dawladda Itoobiya, iyo sidoo kale, Taliyaha iyo taliye ku-xigeenka ilaallada Madaxtooyadda oo xilalka laga qaado, sida lagu sheegay xoggo laga helay ilo arrinkan uu dhuun-daloola, ayaa xaqiiqka dhigaya in shantii Askari ee tallaabada ku dhaqaaqay hadda ku xidhan yihiin Xabsiga dhexe ee Magaaladda Hargeysa.

Geesta kale, masaallada labaad ee ku saabsan agaasimihii hore ee Wasaaradda madaxtooyadda Xasan Cabdi Madar, ayaa iyana xoggaha Wargeyska Yool helay waxa ay muujiyeen in xilka qaadista agaasimaha guud Md Xasan Cabdi Madar ay ka dhalaatay ama xidhiidh la lahayd isfahan-waa dhex maray Agaasimaha xilka ka tagay Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Mr Baashe Cawil, oo sidoo kale-na Xidid la ah Qoyska Madaxweynaha. Waxana xoggaha qaar xuseen ismaan dhaafka labada masuul uu ka dhashay Xafiis ku yaala madaxtooyadda oo sida la sheegay uu fadhiisan jiray Wasiir ku-xgeenka Amniga Cabdifataax xilligii uu ahaa lataliyaha Madaxweynaha ee Hay’adaha.

Xafiiskaas oo sida la sheegay Wiilka Madaxweynuhu soddog uu yahay hadda la rabbay Lataliyaha Madaxweynaha dhinaca Saxaafadda Md. Khadar Cali Gaas, ayaa markii ay kulmeen agaasimihii hore iyo Safiir Baashe, waxa la sheegay in agaasimuhu dheg Jalaq u siin waayey arrimaha uu ka hadlaayey Md. Baashe maadaama maamul ahaan aanay jirin wax ka khuseeya arrimahan uu ka hadlayo. Waxa kaloo, xoggaha qaar xilka qaadista agaasimaha guud ku xidhiidhiyeen dalab ka yimi qoyska madaxtooyadda oo uu ka cudur daartay agaasimuhu, kaasoo sida la sheegay ku saabsanaa qorista Buug ka hadlaya Taarikh Siyaasadeedkii Madaxweyne Siilaanyo.

Arrintaas oo Xasan Cabdi Madar fulinteeda ka cudur daartay sababo la xidhiidha dhinaca waqtiga, iyo sidoo kale, Buug ka hadlaya Taarikh Siyaasadeedkii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, oo gacanta ku hayo, isla markaana hadda gabo-gabo ku dhow. Si kastaba ha ahaatee, hadii xukuumaddu caadeysato in arrimuhu sidan kusii socdaan, isla markaana ay is waafiqi waayan asbaabaha dhabta ah ee Xilka qaadista Masuuliyiinta Qaranka iyo Warsaxafadeeda dabo dhahda ah, waxa hubaal ah, marka maalin walba bulshaddu aragto wax aan iswaafaqsanayn oo masuuliyiin xilalka lagaga qaado in aakhirka shacabku ka aaminka bixi doonto Xukuumadda.

 Xigasho Yool