Fadeexad ka dhalatay heshiis laalush ah oo Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Somaliland la galay Gud. Iskaashatada Gaadiidka Towfiiq

Hargeysa (SLpost)- Waxa Warbaahinta Somaliland heshay warqad sir ah oo uu Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland Saleeban Cawad Cali Bukhaari lacag laaluush ah ugu qoondeeyey Guddoomiyaha Iskaashada Gaadiidka ee Towfiiq, lacagtaas oo uu uga qorsheeyey kharashka laga qaadayo Baabuurta Dekedda Berbera badeecadaha ka soo rara oo ay Hay’adda Caymisku ku soo rogtay inay khasab ku qaataan warqada Caymiska oo ay bixinteeda Kooto ugu xidhay Shirkad gaar loo leeyahay oo magaceeda la yidhaahdo Amaano.

Warqadan Caymiska Gaadiidka ee lagu khasbay inay Baabuurlaydu qaataan, cidii aan qaadana aanay Dekedda geli karin laga bilaabo 15 Bishan September, ayey diidmo kala hor yimaadeen Gaadiidku, iyagoo mudaharaad ka dhan ah arrintaasi ay ka sameeyeen Magaalada Berbera.

Gaadiidlayda Iskaashatada Towfiiq waxa ay diiddeen inay qaataan Warqada Caymiska lagu sheegay ee lagu khasbayo, taasoo ay ku tilmaameen go’aan sharci darro ah, waxaanay sidoo kale Xukuumadda ka dalbadeen in la soo faro-geliyo amarkan Hay’adda Caymisku soo rogtay.

Xubno kamida Dallada Towfiiq oo warbaahinta la hadlay waxa ay sheegeen in guddidii dallada iyo guddoomiyahoodiiba culays lagu saaray inay qayb ka noqdaan fulinta go’aankaasi.

Hase yeeshee arrinta fadeexadda ah ee soo baxday ayaa ah in Guddoomiyaha Hay’adda Caymisku warqad heshiis ah oo uu lacag ugu qoondeeyey u qoray Guddoomiyaha Iskaashatada Towfiiq, taasoo looga jarayo lacagta laga qaadayo Gaadiidlayda.

Sida ku cad warqad uu ku socodsiiyey Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Saleeban Cawad Cali (Bukhaari), Guddoomiyaha Iskaashatada Towfiiq, waxa uu qadar lacageed oo dhan (0.5%) lacagta laga qaadayo gaadhi kasta ugu ogolaaday Guddoomiyaha Dalladaasi, kaasoo dhankiisana uu ka dalbaday inuu kala shaqeeyo fududeynta sidii ay Baabuurtu u qaadan lahaayeen warqada Caymiska.

Warqada Guddoomiyuhu qoray oo Warbaahinta Gobanimo heshay nuqul kamida, ayaa waxa kale oo lagu sheegay in Guddoomiyaha Dallada Towfiiq lacagta loo qoondeeyey loogu shubayo Buug-xisaabeedkiisa gaarka ah, taasoo ah arrin lagu heshiiyey.

Guddoomiyaha Iskaashatada Gaadiidka ee Towfiiq oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino heshiiska qadarka lacageed loogu ogolaaday iyo inuu ogolyahay xeerkoodu ayaanay noo suurtogelin in aanu helno, hase ahaatee xubno kamida Gaadiidlayda ayaa ku eedeeyey inuu baal maray sharciga Dallada u yaalla.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadan ayaa abuurtay shaki iyo jahawareer hor leh oo la xidhiidha sharciyada lacagtan caymiska ee Hay’adda Caymisku khasabka kaga dhigtay Gaadiidlayda, taasoo tan iyo markii ay shaacisay abuurtay dood iyo khilaaf gaadhsiisan inay Hay’addaha xukuumadda qaarkood ka hor yimaadaan.

Geesta kale, qaabka Shirkadda Amaano lagu siiyey bixinta shatiga Caymiska oo baal barsan nidaamka qandaraasyada Dawladda, ayuu Guddoomiyaha Bukhaari ku doodday inuu ogolaanshiyahaasi ku bixiyey go’aan isaga ku kooban, isagoo isku difaacay inuu xeerka lagu aasaasay Hay’addaasi awood u siinayo.

Xigasho: Gobanimo News