Faallo:Saamaynta Qurba-Joogtu ku Leedahay Tahriibta

 

Marka aan soo qaadano Mowduucan Tahriibka waa Mid leh dhinacyo badan u baahanayana inaan u soo qaadano Mid mid ,mid walbana Gaarkiisa u gorfayno waana mid soo socotay ilaa kumanaan sano ka hor Mar xalad kasta bini’aadamku ha u tahriibeene Bulshada Soomaaliyeedna waxay ka mid tahay qoomiyadaha uu sida Gaarka ah u taabtay tahriibku sanooyinkii u danbeeyay Waxana ina Hareereyey oo inagu heeryeysan quluubteena iyo qalbiyadeenaba ka hugmaysa,dhalinyaro hayaantay oo ka heerintay hoygoodi iyo hantidii ay lahaayeen una hanqaltaagaya Laac Meel Fog ka baxay.

 

Waxaa la aaminsanyahay in tahriibta iyo hiyi kaca dhallinyarada Soomaaliyeed ay keenaan dhowr sababood oo Mid walba Gaarkiisa saamayn u leeyahay waxayna ka bilaabataa Qalbi hoosta ka Holcaya. Maan hoosta ka hurmaya inaguna aynaan dareemayn .

Waxaa walwal iyo wal bahaar Joogtahi la soo darsan Hooyooyin badan oo habawsan Garan la’na halka ay u raacaan qaybo ka mid ah u badkoodii oo Mar hor u hayaamay dhanka tahriibta naftoodiina ku biimeeyay Saxaraha iyo Badaha Halista ah ee is badbadalka badan waxaana Hogaanka u haysa Naf ,u hiin raagaysa siday hanadkeeda jiho la’aanta ah uga Guul Gaari lahayd.

Dhalintii way hiyi kaceen wayna hanqal taagmeen waxa haleeyey oo himiladoodi,hiigsigoodi,iyo hamuuntii ay hogaanka dalka u qabeenba haleeyey is badallo nafsadeed oo dhinacya badan .

Waa hanado heermaay oo hayaamay oo baraha bulshada iyo bar kulanadaba camiray iyagoo siyaabo kala duwan isugu gacan haatinaya.

Magaca qurbe jog ayaa hantiyey qalbiyada dhalinyaradeena Wuxuu noqday magac laga maamuso dhalinta dhexdeena wuxuuna milgastay hankii iyo haybadii qolqol joogta.

Qurbe joogta ayaa noqotay dadka sida weyn looga maamuso ,magac iyo milgaha miisaniyadeedna laga siiyo dalka gudihiisa Taas badalkeeda Waxa hagaasay oo hoosta maray dhalinyaradii qolqol joogta ahayd waxayna hoos u ragaadiyeen dhalinyaradii aqoonyahankii iyo kii aradayga ahaaba.

Waxay degel madhan ka dhigeen hankii iyo u heelanaanta siyaasada iyo hogaanka dalka laga lahaa Hadaba iyadoo durufahaasi qalafsani jiraan ayaa dhalinyaradii ninba taagtii tahriibay oo ka talaabay xududaha hoygoodi ,hantidoodii iyo haybadoodiba.

Maahmaah soomaliyeed ayaa tiraahda ,wuxuu qayrkaa qabo qosolkaa ku dhan Waxay ku yeelatay saaamayn baban oo la taaban karo dib u soo noqoshada Soomaali badan oo Qurbaha u firxatay xilligii dagaaladii sokeeye.

Dib u soo laabashada boqolaalka qurbo joogta ah ee Bil walba iyo sanad kasta wadatana soo dhawaynta, Maamusida ,sharfida iyo u samaynta Magac weyna,taasi waxay qalbi jab iyo quwad jab ku noqotay dhalinyaradii qolqol jooga ahayd ee Muddo sanooyin adag ah soomaray.

Nin walbaaba wuxuu ku taamaa bal tahriibo wuxuun taranso ,waxaana lasoo dersa maalintaa hammi iyo hanti urursi weyn ,waxaana hoos u dhaca hiigsi iyo han wuxuu lahaaba dabadeedna wuu heerya tuuraa taasina waxay horsed ka tahay hayaanka joogtada ah ee dhalinyarada haybinaysa u heelanaanta wadamo shisheeye u hayaankooda .

W/Q:Muna Qoorsheel.

munaqoorsheel@hotmail.com