Faallo: Xiddigaha Geesku waxay muujiyeen waddaniyad, waxay mudan yihiin bogaadin

Kooxda Xiddigaha Geeska ayaa mar kale muujiyey sida uu sharcigu uga sarreeyo qof kasta oo ku xad-gudba xeerka iyo qawaaniinta u yaalla kooxda kadib markii ay qaateen go’aan adag oo ay kooxda kaga saareen Yurub-Geenyo iyo Nimcaan-Hillaac oo ka mid ahaa xubnaha ugu caansan kooxdan.

Maamulka kooxda Xiddigaha Geeska ayaa sheegay in ay qaraarkan gaadheen kadib markii ay Yurub iyo Nimcaan si ula-kac ah u jabiyeen xeerka kooxda u dejisan oo dhigaya in laga fogaado arrimaha siyaasadda, gaar ahaan wixii wax u dhimaya qaranimada Somaliland.

xidigahaAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Axmed Abokor Axmed ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Facebook-ga ku ammaanay go’aanka ay Xiddigaha Geesku qaateen, wuxuuna soo jeediyey in xirfadleyaasha kale ee Somaliland ku daydaan kooxdan.

Yurub-Geenyo iyo Nimcaan-Hillaac ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyey ku sugnaa Muqdisho iyadoo wararka qaar tibaaxayaan in ka qayb-galeen caleemo-saarkii Farmaajo isla markaana magaalada Muqdisho ku soo bandhigeen heeso iyagoo huwan calanka buluugga ah ee Soomaaliya, taas oo ka dhigan in ay si ficil ah ula safteen xukuumadda Soomaaliya oo aaminsan in ay Somaliland ka mid tahay Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh  Maxamuud ayaa khudbaddiisii ugu dambaysay ee uu baarlamaanka Soomaaliya ka hor jeediyey 2-dii February 2017 markii ku jiray ololaha tartanka madaxweynenimo ku sheegay in ay dawladda Soomaaliya dejisay 9 istitaarijiyadood oo lagu suurtogalinayo midnimada Somaliland iyo Soomaaliya. Istiraatijiyadahaasi waxa ka mid ah kor-u-qaadidda is-dhex-galka bulshada, taas oo ay ka mid tahay in si gaar ah loo soo dhaweeyo, loo buunbuuniyo, loona-naas nuujiyo dadka caanka ah ee Somaliland ee ku dhiirrada in ay yimaaddaan Soomaaliya, gaar ahaan fannaaniinta iyo suxufiyiinta. Sida muuqata Yurub iyo Nimcaan iyo xubin kale oo ka mid ah saxaafadda Somaliland waxay ku dhaceen dabinkan ka dhanka ah jiritaanka Somaliland.

Shir-saxaafadeed ay Kooxda Xiddiga Geesku ku qabteen Xarunta Wasaaradda Warfaafinta 26-kii May 2016 ayay ku sheegeen in qof kasta oo jabiya xeerka u yaalla kooxda sharciga la marin doono lagana saari doono kooxda awoodda faneed ee uu doono ha lahaado’e.

Kooxda Xiddigaha Geeska ayaa sannadahan dambe Bariga Afrika iyo meel kasta oo Soomaalidu joogto ka noqotay sidii ay mar ahaan jireen Hobollada Waaberi. Waxay soo nooleeyeen haybaddii ay Somaliland u lahayd suugaanta, fanka, xikmadda, dhaqanka iyo wacyi-gelinta dadweynaha. Waxay kaga dhabeeyeen murtidii Abwaan Xasan Sheekh Muumin ee ahayd “Dadweynahaan hanuuninaa, haasaawinaa, danta ku hagnaa.”

Xiddigaha Geesku waxay qayb aan la dafiri karin  ka yihiin gurmadka abaaraha, wacyi-gelinta bulshada, la-dagaallanka tahriibka, kobcinta waddaniyadda iyo xusaska maalmaha Qaranka.  Wax-qabadkoodkoodii ugu dambeeyey waxa ka mid ah ciyaartii ay maanta Istaadiyamka Hargeysa kula wadaageen suxufiyiinta Somaliland, taas oo lacagta ka soo baxda loogu deeqayo gurmadka abaaraha Somaliland. Sidoo kale waxay horseed iyo ku-dayasho u yihiin inta hibadoodu tahay fanka iyo suugaanta iyadoo haddaba ay soo saareen dhallinyaro badan oo xirafado kala duwan u leh suugaanta iyo fanka.

Xukuumadda Somaliland waxa la gudboon in ay sida Xiddigaha Geeska meel adag ka joogsato una quus goyso muwaadin kasta oo si toos ah ugu dhiirrada ficillo ka dhan ah jiritaanka qaranimada Somaliland. Sidaas ayay xukuumaddu ku haysan kartaa taageerada shacabka Somaliland oo 97% u codeeyey la-soo-noqoshada madaxbannaanida Somaliland.

XIGASHO: Bandhige