Faallo: Riyaale waxaan ka diiday, Siilaanyo ku Raaci maayo – W/Q: Mubarak Qoorubaxay

Basmiga cumaaniyo,
Ninka boosh cadii cunay,

Burka iyo saliidii

Bakhaarada gunta u dhigay

Suuqana ka baayacay

Beenguurka dabadeed, 

Beystayn ragaan qabin,  

Xabsiyada ka buuxsaday, 

Bulshadu waa arkaysaa !

Aragtida dadka bini-aadmiga ahi way kala duwan tahay, qasabna maaha in dhamaan dadku isku fikrad noqdaan oo aaminaan, wax qof la saxan baa qof la ah qalooc, waana sababta loo yidhaaho “Maanrag waa Mudacyo Afkood”.

Malaa Araar dheer uma baahnine waxaan ka sii afeefanayaa inaanu inta Siilaanyo joogo xil ceebeeyada uu bixiyo hunguri iga haynin.

Xeerbeegtidaay maqal

Xaqa ruuxa sheegaa

Xukun dooni maaye

ku darsada xisaabaha !

Aan bayaamiyo dhaliisha baahday ee nin maalmo loo hanweynaa oo maantana bulshadu ku  hungoowday sidii ilmo saqiirayna samir laga qaatay loo tirinayee. Cid kale maahee waa madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Saylici, waloow la sheegayo inaanu ku xigeenku  la wadaagin fadeexada musuq maasuq ee hadheeyey Madaxtooyda iyo fashilka siyaasadeed ee ku yimi hogaamintii ay qaranka u hayeen.

QAAB DHISMEEDKA XUKUUMADA.

Qaabdhismeedka xukuumada ayaa markii ugu horaysayba laga dheehan karayey inay ahayd iga gee iyo wuu galaa geli, waxaanu ka madhnaa dhinacyada miisaanka beelaha, gobolada iyo waayo aragnimada shaqo ama maamul ee dadka la magacaabay badankooda oo ay u dheerayd u bislaansha wacyiga markaas lagu jiray. Taas oo ay ka madhnayd ama aanay ahayn dad fahamsan waayaha nololeed ama dhaqan dhaqaale ee bulshada somaliland badankooduna ahaa qurbajoog.  Waxaa laga guuray haldoorkii xisbiga guusha u keenay oo dhan.

XULASHADA XUBNAHA 

Xulashada gollaha xukuumadda xubnaheeda inyar mooyaane waxa lagu saleeyey:

  1. Xubintu inay aad u aaminsantahay mabda’a Federaalka oo ah fikirka rasmiga ah ee Madaxweynaha.
  2. Qoyska Madaxweynaha halkuu ka soo galaa, sida xididnimo, dhaleeyo iyo baho bahaysi kale.
  3. shirkad ganacsi ama ma keentay si uu danaheeda u ilaaliyo maadaama kharash badani ka galay Ganacsato waaweyn Madaxweyne Siilaanyo soo bixidiisii.
  4. Xubno lagu soo xulay ka horgeyn shaqsiyaad loo arko inay mucaaradadi kaga iman karto Madaxtooyada.
  5. Xubno kooban oo lagu waqaqeeyey Beelihii madaxweynaha u codeeyey.
  6. Iyo xubnaha ugu daran ee loo arki karo inay is hortaagi karaan Musharaxnimada Madaxweyne ee Muj. Muuse Biixi Cabdi marka ay timaado KULMIYE dhexdiisa.

SIILAANYO MA AAMINSAN YAHAY SOMALILAND

Maadaama oo Madaxweyne Siilaanyo Labo goor dhaartay

  1. Mar wasiir Soomaaliya ah uuna ku cadayeeyey inuu weligii Midnimada dalka Soomaaliya iyo Kacaankii Afweyne Barre daacad u yahay.
  2. Iyo mar Somaliland ah oo Xil Madaxaweyne iyo xil Wasiir ah.

waxaynu odhan karnaa Labo dhaarood isma raacaan isagaa inoo sheegi doona ka runta ahe, waxaynu odhan karnaa inagu Labo meher kii horeeyey uun baa xaq iyo xalaal noqda. 

Taasoo ay u raacdo ku milanka iyo hamuunta u haysa la fadhiisiga Maamulada yaryar ee Soomaaliya ka jira, ee  Cumar-beenaalayntaMandaqadaysani Hagayso.

Sidaa darteed Siilaanyo ma aaminsana Somaliland wuxuuna ku dedaalayaa si qorshihiisa Federaal doonka ahi ugu hirgalo:

  1.  In beellaha somaliland uu u abuuro cadaawad siyaasadeed oo dhexdooda ah iyo mid deriska ahba.
  2. In xidhiidhada siyaasadeed ee dalalka jaarka ah uu ka dhigo kuwo faraha lagaga gubtay oo loo maarayn waayey.
  3. Inuu afkiisa ka dhawro dhaleecaynta iyo wax kasheegida kooxaha halista ku ah amaanka qaranka iyo ta mandaqadaba , sida budhcad badeeda, argagixisada iyo kooxaha nabadiidka ONLF ee carqalada ku ah amaanka dalalka deriska ah, oo uu weliba ka joojiyo u gacan gelinta Itoobiya.
  4. Samaynta iyo abbaabulka maamul goboleedyo ka soo horjeeda qadiyada somaliland oo laga yagleelo beelaha darafyada Somaliland, tusaale ahaan sida ay sheegayaan , xogo sugan oo laga helay Kooxaha khaatumo la baxay, xukuumadda somaliland waxay ku taageertay lagac ku dhow (US$1.000.000) Hal milyan.

SIILAANYO MUXUU KU FAANAA?

Xukuummada Siilaanyo wuxuu ku faanaa 4 qodob oo uu meel kasta ka sheego kuna celceliyo, kuwaasoo ah 3 ka mida uu qabtay wasiirka la eryey. Muj, Maxamed xaashi Cilmi, ka afraadna ku yimi qorshaha Federaal doonka siilaanyo, waxayna kala yihiin.

  1. Mushaharka shaqaalaha la kordhiyey.
  2. Giinbaartii baa Togdheer laga bedelay.
  3. Waxbarashada ayaa bilaash laga dhigay.
  4. Miisaaniyadii baanu kordhinay

RIYAALE  HADDII AAN KA DIIDAY .

  1. Saxaafada oo la xidho lana cabudhiyo
  2. Dadka oo maxkamad la’aan la xidho.
  3. Qoys madaxtooyada lagu ururiyo oo iyagu bakooradaha isla jiidha.
  4. Xuquuqda banaanbaxa iyo cabirka fekerka oo dadka loo diido.
  5. In ciidamada ilaalada Madaxtooyada iyo Boolisku dhayal dhayal shacabka u toogtaan.
  6. In cisbitaalka hubkii cadawga loogu talo galay lala galo.
  7. Xarun xisbi oo la iska xidho ama ciidan Boolis la geliyo
  8. In wadooyinka Magaalada loo xidho markuu dhoofayo iyo markuu soo degayo.
  9. Musuqmaasuq baahsan iyo boobka hantida ummada.
  10. Abaabulka xafladaha lagu amaanayo Madaxweynaha iyo Marwadiisa.
  11. Bixinta laaluushka si loo socodsiisto maslaxadaha qoyska madaxweynaha.
  12. Naasnuujinta cid iyo shirkado gaar ah oo kooto loogu xidhayo ilaha dhaqaale ee wadanka.
  13. kala dhoweysashada beelaha Somaliland.

 

SIILAANYO MUXUU SAMEEYEY

Siilaanyo wuxuu sameeyey wax alla wixii Riyaale lagu eedayn jiray oo Afar laabanta, ka daranta ay u dheertahay Qajilis la’aanta iyo indho adayg ay weheliso difaac u muuqda Jifo hoosaad beelaysan. waxaana tusaale kuugu filan:

  1. Saxaafada oo wadar ahaan loo  xidho hatigaad iyo cabudhina loo geysto.
  2. Urursashada been masheegayaasha hadhow sidii riyaale looga dhaqaaqay uga dhaqaaqi doona.
  3. Colaadinta iyo burburinta xisbiyada Mucaaridka ah.
  4. Qoys ku ururinta Madaxtooyada iyo ilaaladeeda oo qaarkood yihiin kuwii geystay aanno iyo Dil beello kale ah, laguna badbaadinayo shaadhka Siilaanyo.
  5. Dadka oo Maxkamad la’aan la xidho.
  6. Xuquuqda banaanbaxa iyo cabirka Fekerka oo dadka loo diido.
  7. In ciidamada ilaalada Madaxtooyada iyo Boolisku dhayal dhayal shacabka u toogtaan.
  8. In cisbitaalka hubkii cadawga loogu talo galay lala galo.
  9. In wadooyinka Magaalada loo xidho markuu dhoofayo iyo markuu soo degayo.
  10. Musuqmaasuq baahsan iyo boobka hantida Ummada.
  11. Abaabulka xafladaha lagu amaanayo Madaxweynaha iyo Marwadiisa.
  12. Bixinta Laaluushka si loo socodsiisto maslaxadaha qoyska madaxweynaha.
  13. Naasnuujinta cid iyo shirkado gaar ah oo kooto loogu xidhayo ilaha dhaqaale ee wadanka.
  14. kala dhoweysashada Beelaha Somaliland.

Arimahani waxay ceeb iyo Nusqaan ku yihiin ,intii dooratay, intii u codaysay, intii geedkii Garadag tagtay, intii isaga raabo qaadaysay Beellaha somaliland inay u codeeyaan oo Siilaanyo kursiga yimaado.

Markaa illeen gar waa loo islaame sow gar maaha  hadii bulshada somaliland iyo Aniguba  Madaxweyne siilaanyo ugu jawaabno:

Riyaale waxaan ka diidnay, Siilaanyo ku raaci mayno.

Mubarak Qoorubaxay

Sweden.