Faallo: Madaxwayne Siilaanyo iyo Gudoomiye Muuse Biixi iyamaa midba ka kale abaal ku leh?

4Dadku markay jid dheer wada maraan safarkuna ku dheeraado waxay noqdaan kuwo isku abaal-gala inkastoo ay yartahay sida layskugu abaal-gudo

Waxay ahayd 2002 markii Xisbiga Kulmiye lagaga dhawaaqay Cariga Ingiriiska halkaas oo Ahmed Mohamed Siilanyo kasoo kicitimay kadib markii iilka lagu hubsaday allah ha naxariistee Madaxweynihii haykalkan aynu hadhsanayno taagay Mudane Mohamed H. Ibrahim Egal, Mudane Ahmed Siilanyo socdaalkii ugu horeeyey uu Hargeisa ku yimaad waxa uu bartilmaameedsaday inuu Muuse Biixi helo si Xisbiga Kulmiye u jaan qaado iyada oo ay jirtay ururo Muuse Biixi ay isku hayb yihiin uguna waynaa Ururkii Hormood, Muuse Biixi waxa uu garowsaday Siilanyo isgarab taagiisa tolkiina ka dhaadhiciyo inay haboontahay Ninkaa 20 Sano soo jabhadaynayey in wax lala qabto, waxa uu Muuse Tolkii ay u arkeen inuu u faruuro xidhay cid kale oo ayna la dhacsanayn waxna soo kala mareen wakhtigii halganka, eedayn iyo culays kaga yimid tolkii waxa uu Muuse Biixi ku guulaystay inuu tolkii ku sanduleeyo Xisbiga Kulmiye ayna garab iyo gaashanba u noqdaan, Muuse waxa uu ahaa hormoodkii Xisbiga Kulmiye ee guri walba qaraacayey si taageero loogu helo Xisbigaas oo wakhtigaa lahaa mucaaridad adag, jid dheer oo qodxa lahaa kadib waxa la galay doorashadii Golayaasha Deegaanka iyo tii Dadaxtinimada ee 2003-dii, Muuse waxkhtigaas waxa uu ahaa ninka Sanaaduuqda iyo codadka u ilaalinayey Kulmiye wakhti inta kale barkin dheer ay qaateen, isaga oo ahaa ninka Jamaahiirtii UDUB ay ka waaban jirtay, doorashadaa hore markii UDUB loo xukumay Muuse muu noqon mid ka daala Siilanyo u heelanaantiisa iyo hiilkiisaba, waxa jirtay wakhtiyo badan oo Muuse Dowladi UDUB u baaqaysay in uu ku soo biiro lakin dhaxanta iyo cidlada Saxiibkii haysay la joogiisa ayuu doorbiday, Muuse waxa uu Siilanyo la socday 8 Sano oo baalo daymood lagu jiray isaga oo ahaa shamaca Kulmiye ku abuura rajada, markii wakhtiyo adag lasoo maray Shirwaynihii Kulmiye waxa gudoomiye ku-xigeen loogu doortay Muuse Halka sxbkiisa iminka Madaxweynaha ahna Gudoomiye uu ku noqday, waxa dhacday wakhti Musharaxnimada Xisbiga lagu dooranayey oo burco laysla aaday, wakhtigaas Madaxweyne Siilanyo waxa ku soo docfaruurmay niman miisam culus ku leh dalka iyo dadka dhexdiisa oo u hanqal taagay inay Siilanyo la tartamaan kulamaa mar uu guuldaraystay, Muuse waxa uu xiligaa ahaa ninkii dabkaa ka bakhtiiyey Siilanyo una sheegay siyaasiyiintii ay isku haybta ahaayeen in aan Siilanyo lagula tartamin, shirkii burco xili uu Madaxweynuhu watay Saylici ayaa iyana jirta xubno 100 kor u dhaafaya haldoorkii xisbiga Kulmiyana ahaa inay la saftaan Mujaahid Abdirahman Aw Ali oo mudnaa in ixtiraam iyo abaal loo muujiyo, wakhtigaas oo Mudane Siilanyo Dhulku la yaraaday Muuse waxa uu ahaa Ninkii Isgarab taagay haldoorkaa Mujaahidiinta u badnaana candhuuftooda dib u liqsiiyey, Arimahaas dhacay waxa uu Muuse noqday mid godob ugu galay Madaxweyne Siilanyo ujeedadiisuna ahayd in Ahmed Siilanyo Kursiga ugu sareeya lagu hubsado.

2010 waxay ahayd wakhti doorasho inbadan la sugayey la-galay Xisbiga Kulmiyana guushu ku raacday, Mudane Ahmed Siilanyo oo looga fadhiyo xusuusta arimahaa adag ee Muuse lasoo dhalaandhoolay ayaa waxay ku soo ururtay in Muuse Biixi Xisbiga looga tago iyada oo Xisbiga laga yeelay mid ka takooran dowlada manfac iyo talana aan lagu soo celin, Muuse waxa uu ahaa mid lasoo dabaashay duruufo adag oo xisbiga ku soo galiyeystay lakin saxiibkii Ahmed oo waddadaa dheer ay soo wada meereen kagamuu hadhina marba docwareen ayuu kursiga Muuse ku sameeyey isaga oo halmaamsan dhacdooyinkaa inta yar aynu ka xusnay.

In Muuse looga hadho gudoomiyanimada xisbiga oon lagula tartamin waxay ahayd danta Xisbiga iyo jiritaankiisa, dadka Siyaasada odorasaa uma arkaan in Siilanyo ixsaan iyo wanaag uga dhigay Muuse in halkiisa loo daayo lakin xeerbeegtigiisu u sheegeen in aan laysku ogayn in Muuse halkiisa lagu hujuumo iyada oo shaadh dowladeed iyo lacag dowladeed la sito, guurti xeerbeegtiga Siilanyo ah waxay ahaayeen kuwaha soo afmeeray khatar ay u arkeen inay iyaga laftooda waxbadan ka sahayan doonto.

Ku dhawaaqista musharaxnimada Muuse: Mudane Muuse Biixi waxa uu ka gayeysan waayey in hankiisa soo bandhigo isaga oon cidna xagal-daacinayn, waxa uu isku arkay inuu yahay maanta shakhsi ku haboon inuu tartamo, waxa uu is-gayeysiiyey inuu mudanyahay in loogu abaalgudo 9 Sano ku dhawaad uu meel kasta u taagnaa Saxiibkii, waxa uu garwaaqsaday maadama laba jeer uu isbarbartaagay Siilanyo in isna maanta mudanyahay in labadhi taageero, Muuse hankiisa markii uu shaaciyey waxa uu sheegay in isaga iyo madaxweynuhu tartamayaan quruxbadantahayna gudoomiyihii xisbiga iyo madaxweynihii qaranka oo wada tartamay, Muuse waxa uu soo bandhigay in wax lawada leeyahay waxna loo wada simanyahay Madaxweynuhuna Ixtiraam leeyahay inay tartamaanna ayna dhibi ku jirin, arinku markaas waxa qolooyin mashaariic u furantahay qaadeen sas iyo isku buuq iyaga oo xumaato u arkay xeedhadu way inaga dhaxaysaa ee aynu wada tartamno hana laysku haneeyo.

Inta siyaasada quudaraysa iyo xisbiyahanadu waxay dareen soo dhawayn u muujiyeen tartanka Muuse balanqaaday, Siyaasiyiinta ugu mudagarsan Somaliland iyo Qaybaha bulshada kulomo badan waxa fariin dheer ugu sheegeen Madaxweyne Siilanyo in la joogo wakhtigii Uu Muuse Gacanqaban lahaa iyadoo u sababaynayaan labadii term ee Muuse u tafoxatay Saxiibkiisa Siilanyo loogana fadhiyo inuu garowsho celiyo wayahoogii horana uu dib u jaleeco.

Marka dhaqankii lagu noqdo waxa la yidhaah marka hashu ilmaheegu ka dhinto hala sidko sii loo sii maalo dheefteeduna u jirto, arinkaas si u hirgalo waa in neef yar ama harag hiil laga buuxiyey oo la tolay la ogolaysiiyaa sidaas ayey hashu kusii irmaanaataa laguna sii manaacfasado loona tusaa hooyadii dhashay ilmahan iyadu inay tahay. Dad badan oo Siyaasada rog-ragaayi ayaa arinkan soo qaata iyaga oo leh Madaxweynu maanta waa da’ mana aha ninka hamiga iyo hungurigu hayo wixii uu dadkiisa iyo dalkiisa u tarayey qabay waxa ku hadhsani waa talo iyo tusaalayn bulshadiisa u soo jeediyo waxa xagxagashada wadaa yihiin niman Madaxtooyada ku xeersan oo mashaariico badani u furanyihiin, niman wasiiro ah oo xisaabtan adag aan la kulmin, niman raba in hasha maandeeq ee sida guracan uu maalayaani ka gudhin, lakin Madaxweynuhu uuna niyad ahaan waxan la qabin ee ay tahay wax lagu riixayo laguna rabo in bulshadiisa xumaato loo kala dhexdhigo.

Musharaxnimada uu Cukuse ku dhawaaqay: kooxdaa hasha maalaysa ee kor ku xusani waxay is tuseen in Hadalkii Muuse iyo Hankiisaba falaadh laga daba tuuro isaga oo Cukuse aaraar ka dhigtay Madaxweynaha bulshadaa leh soo noqo lakin tallow halkuu kaga soo afti qaaday, tani waxay muujinaysaa damaca qarsoon ee kultadani wadato iyada oon afkiisa Madaxwenaha laga hayn, shirarkii ugu dambeeyey ee Siilanyo soo xaadiro midina ahaa kii Kulmiye iyo Markii uu qudbada Qaran u jeedinayey Bulshadiisa marna hadalkiisa iyo ficilkiisa kumuu muujin in han dambe uu ka hayo kursiga taasina waxay u dhabaynaysaa nimanka Siyaasiyiiinta ah ee qaba Madaxweynuhu waa odey qaran talana ma seegto ee kuwo tafaafulaya ayaa jira.

Bulshadu iyada ayaa xukumaysa Labadan masuul midka abaalka loo galay iyada oo laka wada dharagsanyahay maraaxilkaas la soo wada maray inkastoo ay jiraan niman ul-booc leh ku adimaya oo manasheegasho uga dhigaya Muuse Gudoomiyanimada Xisbiga una haysta hankiisa Siyaasiga ah muujintiisu inay sahayan doonto mansabka gudoomiyanimo, lakin waxay moogyihiin inuu Muuse ka culusyahay nin hankiisa laga hulaysiiyo.

Iswaydiinta kale ee bulshadu ka doodayso ayaa ah Mudane Siilanyo 2 jeer ayuu xisbiga Kulmiye u tartamay mar sadexaad sharcigu muxuu ka qabaa….

W/Q: Xuseen Xasan Xuseen