Faa’iidada Soonka: Deraasaddii ugu dambaysay ee Khubarada Reer-Galbeedka – W/Q. Faysal M. Xasan

[C]ilmi baadhis caafimaad oo dhawaan ay sameeyeen khubaro reer galbeed ah oo u kala dhashay waddamada Talyaaniga iyo Maraykanka ayaa shaaca ka qaadday, faa’iidada caafimaad ee Soonku u leeyahay aadamaha, waxaana daraasaddan lagu soo bandhigay, xanuunada Soonku ka hor tagga u yahay iyo kuwa lagaga bogsado.

Sida lagu daabacay cadadkii ugu danbeeyay ee jariirada todobaadlaha ah ee ka soo baxda dalka Faransiiska ee “Pham Actual” waxa ay daraasadan wada jirka ay u sameeyeen, khabiirada Maraykanka iyo Talyaanigu ka warantay, xanuunada Soonku gaashaanka ugu noqon karo aadamaha, kuwaas oo u badan, xanuunada maskaxda ku dhaca ee saamaynta ku yeesha unugyada difaaca ee dhiiga.

Xanuunadan ayaa waxa ka mid ah ama ugu horeeya, cudurka Asaasaqa ee afka qalaad loogu yeedho, “Alzheimer’s iyo xanuunka dhinac qalalka ee “Parkinson’s disease”, sida cilmi baadhistan lagu ogaaday, laba maalmood oo isku xigta qofka Soomaa, waxa awoodaysta qaybaha difaaca ee caawiya, neerfayaasha, halka hoos u dhac wayni ku dhaco qandhada iyo kor u kaca dhiiga ee aan caadiga ahayn.

Daraasaddan caafimaad ayaa sidoo kale iftiimisay, Soonka Toban maalmood oo is xiga qofku soomaa, inay ka yarayso, xanuunada lafaha ku dhaca ee Roomatiisanka loo yaqaan, kaas oo inta badan ku dhaca dadka waaweyn.

Khabiirradan ayaa la dhaygaga faa’iidooyinka caafimaad ee tirada badan ee Soonka ku jira, kuwaas oo taabanaya dhinac kasta oo nolosha aadamaha khusaysa, heerka waxtarkiisu gaadhsiisan yahay-na aan la qiiyaasi karin.

Xeel dheerayaashan ayaa la amakaagay, heerka aadka u sareeya, ee difaaca jidhku kor ugu kaco, marka qofku sooman yahay, waxa kale oo u qaadan waa ku noqotay, xadiga korodhka unugyada cad cad iyo kuwo cas cas ee difaaca jidhka oo gaadha heerka ugu saraysa ee korodhkoodu gaadhi karo.

Ugu danbayntii cilmi baadhistan ay wada jirka u sameeyeen, khabiirada Maraykanka iyo Talyaanigu waxa ay dhiiri galinaysaa, in qofku bishiiba hal maalin ka soomo, taas oo ay tilmaantay in bishii oo maalin laga soomaa inay boqolkiiba afartan yarayso xanuunka Macaanka, haddii laga sii badiyana kor u kacayso, qiyaastaasi, taas oo ka dhigan in haddii sanadkii hal bil la soomo in qofku ka gaashaaman karo, xanuuno badan oo haleeli lahaa, halka kuwo kale oo hayaana hoos u dhacayaan.

Faysal Maxamed Xasan

Daralla06@gmail.com