Faa’idooyinka Caafimaad ee Geedka MORINGA OLEIFERA – W/Q: A/Fataax

Caafimaadkeenu waa Qaali, isdaaweyn ayaanu qofku u baahan yahay Marka Xaaladiisa Caafimaad wax iska badalaan.Ka hortaga iyo is ilaalinta Ayaana ka wanaagsan Daaweynta danbe.Aduunku  Dib ayuu ugu noqonayaa  Dhirtii iyo dawooyinkii Dabiiciga ahaa ama soo Jireenka ahaa Markii Waxtarkoodii Maanta dib loo ogaadey.Dhinaca kalena Xanuuno badan oo aan waayadii hore Dadka ku dhici Jirin ayaa soo badanaya oo Xitaa da,yartii ku soo badanaya.Xanuunada Dhiigkarka,Macaanka iyo Wadno xanuunka Ayaa xitaa dadkii yaryaraa laga Helayaa.Cuntada wadankeena oo ah inta badan Mid laga sameeyo wax la soo Dhoofiyo oo aan Laheyn tayo badan Ayaa lagu daraa Arimaha ka masuulka ah in Sixada bulshada wax iska badalaan.Jimicsi la,aan iyo Dadkeena oo aan u Hufneyn in ay Naftooda ilaaliyaan ayaa sidoo kale qeyb ka noqon karta Caafimaad darada.

Dhir badan iyo Dawo dhaqameed tiro badan oo Geedaha laga helo Ayaa dhab ahaantii la amaana.Markii ugu horeysey 2012 Ayaan ku arkey isla markaana aan Isticmaalkiisa bilaabey Geedkan Qoraalkeena maantu ku saabsan yahay oo ah geed loo Yaqaano Moringa Oleifera.Moringa Waa Geed ka mid ah Dhirta baxda oo Meelo gaar ah laga helo isla markaasina lagu tilmaamo Geedaha ilaahey abuurey ee Mucjisada ah,Moringa Baadhid badan oo lagu sameeyey waxa lagu ogaadey in uu waxtar iyo faa,idooyin caafimaad oo badan bulshada u leeyahay.

Moringa Waxa aaad ka heleysaa isaga oo la tumey isla markaasina sidaasi lagu Cunaayo Asli Mills iyo Shirkado kale oo keena.Midhaha Geedkan oo la soo qaadey ayaana suurta gal ka dhigtey in lagu beero dhul ka tirsan somaliland oo lagu Habeeyo lagana iiib keeno.Miracle Tree iyo Tree of Life ayey ugu yeedhaan.

Moringa si aad Macluumaad dheerad ah uga hesho,Islamarkaasina Muuqaalka geedka u daawato iyo Waxtarka caafimaad ee ku Jira cunidiisa ama Isticmaalkiisa waxaad Sameyn kartaa in aad Google ku qorto Moringa Oleifera,Dhinaca kale Qeybta Google sawirada Ayaad magaca kaga raadin doontaa si aad u hesho Sawiro badan oo la xidhiidha geedkaasi.Websitekan Ayaad booqan doontaa WWW.LIFEINHEALTH.ORG/MORINGA/.Markaad Baadhidaasi sameyso Waxa ku soo bixi doonta Faa,idooyinka badan ee Geedkana isla markaasi aan halkan lagu soo koobi karin.Asli Mills haddii aad ka iibsatana Waxa aad ka heli doonta Warqad qoraal oo Sharaxeysa waxtarka iyo Faa,idooyinka geedkan laga helo isticmaalkiisa.

 

Abdifataah Mahamed Ahmed

ceelaabe_10@hotmail.com