Faahfaahinta Kulan Madaxweynaha Somaliland la qaatay Shirguddoonka Baarlamaanka iyo Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta isugu yeedhay, isla markaana kulan gaar ah la qaatay shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax iyo gudoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Kulanka uu madaxweynuhu la yeeshay shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada iyo guddoomiyeyaasha axsaabta mucaaridka ah, ayaa daarranaa sidii qaran ahaan talo midaysan looga yeelan lahaa arrimaha ku soo kordhay mandaqadda Geeska Afrika maalmihii u danbeeyey, waxana la isla gorfeeyey sidii meel looga soo wada jeesan lahaa la iskuna duubnaan lahaa qaran iyo shacbi ahaanba.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE

https://www.youtube.com/watch?v=9x4Q8LM-sJ4