Faahfaahin ku Saabsan Doorka Somaliland ku Leedahay Shirweyne Caalami ah oo uu uga Qaybgalayo Wasiirka Macdantu

Cape Town (SLpost)- Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa ka qaybgalay shirweyne caalami ah oo lagaga hadlayo maalgashiga macdanta Afrika, kaasi oo markii u horreysay Somaliland ku kastabatay dadaalka xukuumaddu ugu jirto soo saarista khayraadka dabiiciga ah.

Xuseen-Cabdi-DucaaleShirkan oo ah sannadle uu qabto isku-xidhka maalgashiga macdanta Afrika (Investing in African Mining INDABA) oo magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ka soconaya 1-da ilaa 7-da bishan February ee labada maalmood inaga xigaan, ayaa Somaliland ka mid noqotay 20 dal oo uga qaybgalaya Afrika, kuwaas oo isugu jira qaar ku guulaystay soo saarista iyo ka faa’iidaysiga macdanta iyo kuwo dedaal wayn kugu jira soo saaristeeda sida Somaliland, iyadoo tallaabadaasi ay ka midho-dhalisay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta iyo wasiirkeedu Eng. Xuseen Cabdi Ducaale.

Shirweynahan ayaa lagu siiyey Somaliland meeqaam sare oo la mid ah dalal kale ee lagu martiqaaday, waxaana lagu baahiyey shabakadda isku-xidhka shirweynaha oo la soo geliyey 20-ka dalba ooo u ku jiro magaca Somaliland iyo calankeeda oo dhexda ugu jira waddamada kale, kuwaas oo kala ah; Angola, Botswana, Burundi, Ivory Coast, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Itoobiya, Chana, Guinea, Kenya, Muusaanbiiq, Nigeria, Jamhuuriyadda Congo, Somaliland, Koonfur Afrika, Koonfurta Suudaan, Tansaaniya iyo Saambiya.

Sidoo kale, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale oo shirka ka jeedin doona khudbad ku saabsan khayraadka macdanta Somaliland, ayaa la siiyey waqti la mid ah ka loogu talogalay wasiirrada kale ee Afrika oo mid walba la siiyey waqti 20 daqiiqo ah.

Shirweynahan oo ay ka qaybgalayaan marti sharaf ka kala socota waddamada dhaqaalaha ku horumaray ee dunida, maalgashadayaal, shirkadaha ka shaqeeya soo saarista macdanta iyo shidaalka, khubaro iyo aqoonyahan tiro badan oo kala duwan, ayaa ka qaybgalkiisa Somaliland noqonaysaa guul wayn oo u soo hoyatay, taasi oo ka dhalatay siyaasadda xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo, gaar ahaan Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Eng. Xuseen Cabdi Ducaale ugu jiro sidii loo heli lahaa maalgashi lagu soo saaro khayraadka macdanta iyo shidaalka.

SOMALILANDPOST.NET