Ex-Wasiir Cukuse oo dalka ku soo laabtay, kana hadlay haddii uu Xil-doon Yahay

Hargeysa (SLpost)- Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Warfaafinta iyo Xannaanadaha Xoolaha xukuumaddii Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha ee Egal International Aiport, kaddib muddo sannad iyo Dheeraad ah oo uu ku maqnaa dalka Ingiriiska.

Cabdilaahi Cukuse waxa madaarka ku soo dhaweeyey Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Caafimaadka Saleebaan Ciise Xagla-toosiye, xildhibaanno, dhalinyaro iyo haween. Cabdilaahi Cukuse waxa uu ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin muhiimadda dhismaha qaranimo iyo ilaalinta nabadgelyadu u leedahay wada-noolaanshiyaha iyo isku-duubnimada Shacabka.

 

Cabdilaahi Cukuse oo qaybo ka mid ah saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha, waxa uu sheegay inuu waxbarasho ugu maqnaa dalka Ingiriiska, muddadii uu halkaas joogayna uu door-weyn ka qaatay suulinta Afkaaro iska soo horjeeda iyo kala-duwanaansho saameeyey jaaliyadda oo ka dhashay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay November 2017-kii.

 

Mar Cabdilaahi Cukuse la weydiiyey inuu diyaar u yahay qaadashada ama qabashada Xil uu u magacaabo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay inaanay wax dhibaato ahi ku jirin isla markaana muwaadiniinta dalka ula siman yahay fursadda noocaas oo kale ah.

 

Haddaba hadalka Cukuse iyo Arrimo kale oo uu ka hadlay, kaga bogo Muuqaalkan Hoose

https://youtu.be/WKDmQsNxlfg