EU Oo Cod U Qaadaya Ogolaanshaha Badbaadinta Tahriibeyaasha Oo Sannad Ka Hor Ay Diideen

Belgium, (SLP)-  Hogaamiyeyaasha Midawga Yurub ee sannadkii hore go’aamiyay in la joojiyo badbaadinta tahriibeyaasha kasoo galaya Yurub badda Mediterranean-ka ayaa maanta khamiis ah u codeynaya inay ka noqdaan go’aankoodaa hore, kulan degdega ah oo la isugu yeedhay madaxdaas, ka dib markii ay 2000 oo tahriibe ku dhinteen sannadkan baddaas.

Adduunka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay, markii todobaadkan ay siddeed boqol oo tahriibe ku dhinteen badda Mediterranean-ka , ka dib markii doon ay saarnaayeen la qarqoontay, kuwaasoo kasoo haajiray dhinaca Libya, kuna sii jeeday Yurub, waxaanay kor u kacay dhimashada tahriibeyaasha oo gaadhaya ilaa 1800 qof, sannadkan oo keliya, marka la barbar dhigo sannadkii hore bishan oo kale oo ay dhimashadu ku ekayd 100, iyadoo tirada dadka soo haajirayna aanay waxba iska dhimin.

Talyaagniga ayaa joojiyay sanadkii hore hawl-galada uu ku badbaadinayo tahriibeyaasha, ka dib markii waddamo ka mid ah midawga Yurub ay diideen inay bixiyaan qaybta kaga soo hagaagasa lacagaha lagu fulinayo hawl-galkaas, iyadoo qaar ka mid ah waddamadaasina ay ku dooddeen badbaabdinta tahriibeyaasha inay dhiirigelinayso inay muhaajiriintu sii kordhaan.

EU

Somalialndpost.net