Eritrea oo sheegatay inay 200 Askari ka dileen Ciidamada Dowladda Ethiopia iyo Jawaabta Xukuumadda Addis Ababa

Asmara (SLpost)- Dawladda Eritrea ayaa sheegtay in ciidamadeedu dileen in ka badan 200 oo askar Ethiopian ah, islamarkaana ay dhaawaceen in ka badan 300 oo kale, intii uu socday dagaaal xuduudda ka dhacay Axaddii iyo Isniintii.

Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashadan oo ay dawladda Eritrea ku baahisay war qoraal ah oo ay maanta soo saartay.

Wareysi uu siiyey VOA ayaa wasiirka isgaadhsiinta Ethiopia Getachew Reda waxa ku sheegay in tiradaasi aanay ahayn mid sax ah, hase yeeshee muu  beenin. “Ciidamo dib u garasho ku jira oo jahwareersan ma garan karaan waxa dhacay” ayuu yidhi.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Ethiopia anay wax dan ah ka lahayn inay baahiso khasaariihii ka dhashay dagaalka oo ay qiimeynteeda ku ogaatay.

Labada dhinacba waxa ay sheegteen inay ku gacan sareeyaan dagaalka oo Axaddii iyo Isniintii todobaadkan ka dhacay magaalada xuduudda ku taalla ee Tsorona oo ah magaaladii dhalisay dagaaalkii weynaa ee labada dal dhex maray 1998-kii, in kasta oo markii dambe aaggaas la geeyey ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo sannado badan ku sugan halkaas.