Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo ka hadlay eedeynta kufsi ee ka dhacday xerada AMISOM

Nicholas KayMuqdisho (SLpost)- Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa walaac kulul ka muujiyay eedeymaha ku aaddan kufsi ka dhacay xero militeri ee ay leeyihiin ciidamada AMISOM.

Danire Nicholas waxa uu soo dhoweeyey go’aaanka ay arrintan ka qaateen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM oo si wada-jir ah ugu go’aamiyey guddi loo saaray baadhitaanka eedaymahaas.

“Waxaa muhim ah in baadhitaanku uu noqdo mid qotodheer oo degdeg ah. Waxaan ku faraxsanahay siyaasadda Madaxweynaha Soomaaliya ee ah in aan marna loo adkeysanin kufsiga”, sidaa waxa uu Nicholas Kay ku sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiskiisa Muqdisho.

War-saxafadeedkaas, ayaa u qornaa sidan:  “Haddii uu jiro kiis ama dacwad dhab ah ee u baahan in laga jawaabi, waa in dembiilaha ama eedeysanaha waa in maxkamad la soo taagaa oo lala xisaabtamaa iyadoo xuquuqda asaasiga ahna la ilaalinayo.

Kufsiga ama dhibaatada loo geysto haweenka ee ka dhaca Soomaaliya waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu halista badan waana caqabadaha degdegga ah ee haysta xuquuqda aadanaha ee hortaagan Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Hawlgalka UNSOM wuxuu wadaa hawlihii loo igmaday inuu horumariyo dhowridda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo ku dhaqanka sharciga, gaar ahaan markay timaaddo dhibaatada loo geysto haweenka ama kufsiga. Sidoo kale, UNSOM wuxuu horumarinayaa in si fudud lagu gaaro caddaaladda, kormeeridda iyo warbixin ka gudbinta xadgudubyada loo geysto xuquuqda aadanaha ka dhaca Soomaaliya.

Dadaalladan waxaa ka mid ah taageero tababar oo loo fidiyo ciidamada AMISOM intaan dalka la keenin, taasoo ka mid ah tababar la xidhiidha xuquuqda aadanaha, Sharciga Caalamiga ee Dagaallada iyo Bani’aadanimada iyo Sharciga Qaxootiga.”

Somalilandpost.net