Ergadii Weftiga Dr Xaglo-toosiye oo maanta Hargeysa kula Kulmay madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Ergo ka mid ah Weftigii uu hoggaaminayey Dr Saleebaan Xaglo-toosiye oo xalay safar guure ah ku soo gaadhay magaalada Hargeysa, ayaa maanta qasriga madaxtooyada waxa ku qaabilay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Sida lagu sheegay warsaxafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxweynaha, weftigu waxa ay madax-weynaha soo gaadhsiiyeen aqbalaadda baaqii nabadeed ee madaxweyne Siilaanyo hore ugu soo jeediyey beelaha Buuhoodle.

Warsaxaafadeedkaas oo dhammeystiran ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergo ka mida Wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo reer Buuheedle ah weftigaas oo ujeedada socdaalkoodu ay ahayd in ay madaxweynaha soo gaadhsiyaan aqbalaada ay aqbaleen baaqii nabada iyo weliba fariinta reer buuhoodle.

Madaxweynaha Somaliland oo kulankaa hadal kooban ka jeediyey waxa uu marka hore soo dhaweyey weftiga reer buuhoodle oo uu u sheegay inay dalkoodii joogaan, madaxweynuhu waxa uu weftiga uga mahadnaqay kuwa Hargeysa soo gaadhay iyo kuwa bari ku hadhayba, dedaalka ay u soo mareen nabada waxaanu u sheegay in illaahay ka abaal marin doono qof kasta oo wanaag ka shaqeeya.

Madaxweynuhu waxa uu u sheegay in farsamo ahaan wax kasta oo suurto gelinaya Nabad-gelyada deegaanadaasi uu diyaar u yahay,

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu u mahadnaqaday gudidii dhinaca Somaliland ka socotay oo uu sheegay inay hawl wanaagsan qabteen ugu danbayn madaxweynuhu wax uu kula dardaarmay weftiga reer buuhoodle iyo dawladaba in aan laga hadhin ee hawsha nabad-doonimada la sii wado.

Kulankaa madaxweynaha waxa ku wehelinaayey xubno ka mida golihiisa wasiirada iyo gudoomiyeyaasha labada Xisbi ee Kulmiye iyo UCID.”

 SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net