Erdogan Oo Soo Noqoshada Xidhiidhka Masar Iyo Turkiga Shuruud Uga Dhigay In La Sii Daayo Mursi

Recep_Erdogan_oo_Masar_u_digayAnkara, (SLP)- Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyib Erdogan ayaa ugu baaqay dAwladda Masar inay sii dAyso madaxweynihii la soo doortay ee dalkaas, Maxamed Mursi, ka hor inta aanay xukuumadda Ankara dib u eegin soo celinta xidhiidhkii ay la lahayd Masar.

Turkiga iyo Masar ayaa xidhiidhkooda xumaaday markii hogaamiyaha milateriga Cabdifataax Al-Sisi uu afgambiyay madaxweynihii la doortay ee dalkaas oo ka mid ah xubnaha ururkii Ikhwaanul Muslimiin.

Ciidanka ammaanka Masar ayaa qaaday hawlgalkii ugu ballaadhnaa oo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqa islaamiyiinta, waxaana dibadbaxyo balaadhan oo dalkaas ka dhacay ku dhintay boqolaal qof, halka kumanaan kale oo uu ku jiro madaxweyne Mursi iyo madaxda ururka Ikhwaanul Muslimiin xabsiga loo taxaabay.

“Maxamed Mursi ayaa ku guulaystay codadkii doorashada 52%, waana in laga sii daayo xabsiga,” ayuu yidhi Erdogan oo la hadlay warbaahinta Turkiga; xilli uu kasoo laabanayay safar uu ku tagey dalka Iiraan.

Sarkaal ka tirsan xafiiska Erdogan ayaa xaqiijiyay hadalkan kasoo yeedhay madaxweynaha Turkiga. Isagoo intaas ku daray in xukuumadda Ankara ay ka go’an tahay inay dib u eegto xidhiidhkii ay Masar la lahayd, laakiin taasi ay ku xidhan tahay in Qaahiri ay sii dayso Mursi.

Maxamed Mursi oo ka tirsanaa ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa xidhiidh dhow la lahaa xisbiga talada Turkiga haya ee AK Party. Reccep Erdogan ayaa cambaareeyay markii la a-fgambiyay madaxweyne Mursi, kuna tilmaamay tallaabo aan la aqbali karin oo ay sameeyeen millateriga dalka Masar.

“Waxay nagu yidhaahdeen nama fara-gelin karo Turkigu, waa sax ma fara-galinayno, balse haddii ay wax dhacaan oo waddan dhan xoriyaddiisa lagu xad-gudbo waa inaanu hadalnaa,” ayuu yidhi Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa xusay inay illaa 18,000 oo siyaasiyiin ah la dhigay xabsiga, kuwaasoo laga mamnuucay inay xisbiyada dalka Masar ka mid noqdaan, waxaanu dalbaday in laga qaado xayiraada.

Ugu dambayn, Turkiga ayaa billaabay in safiirkiisii u fadhiyay dalka Masar uu kala soo baxo dalkaas, iyadoo uu ka jawaabayay af-gambigii Madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loosoo doortay iyo tacadiyada ay geysteen ciidanka amniga, iyadoo Masar ay iyaguna safiirkoodii Ankara ay u yeedhatay.

Somalilandpost

Wararka Caalamka