Eng. Xuseen Ibraahim Buuni Oo Ka Mid Ah Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Baaq U Diray Bulshada Xaafadda Daami

Hargeysa, (SLpost)- Eng. Xuseen Ibraahim Buuni oo kamid ah Golaha dhexe ee xisbul xaakimka KULMIYE ayaa ugu baaqay bulshada iyo waxgaradka ku dhaqan xaafadda Daami ee magaalada Hargeysa in ay ilaaliyan oo meel uga soo wada jeestaan nabadgelyada iyo amniga xaafadda.Eng.-Xuseen-310x310

Eng. Xuseen Ibraahin Buuni waxa kale oo uu ka hadlay shaqaaqadii habeen hore ka dhacday xaafadda Daami, shaqaaqadaas oo dhex martay dhalinyarada ku dhaqan degmada Ganaclibaax, gaar ahaan xaafadaha Daami iyo Sheekh Madar, taas oo sababtay dhaawaca laba qof iyo khasaare hantiyeed.

Eng. Xuseen Ibraahin Buuni waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu arrintaasi kaga hadlay oo oo uu warbaahinta ugu talogalay

Qoraalkaasi oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:-

“Asalaamu caleykum waraxmatulaahi wa barakaatu, waxaan jecelahay in aan xoogaa ka idhaahdo shaqaadadii ka dhacdey xalay (habeen hore) xaafada Daami, degmada Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa, shaqaaqadaas oo ku dhex martey dhalinyaro labada xaafadood ee Sheekh Madar iyo Daami, shaqaaqadaas oo sababtay xadhig, dhaawac iyo burbur hantiba, waxaanu xafiiska wasaarada arimaha gudaha kula kulaney saaka (shalay) oo ahayd Jimce Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warance, wasiir ku xigeenka Amniga, Taliyaha ciidamada booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal iyo sarakiiil kale oo ka tirsan wasaarada arimaha gudaha.

Sidoo kale waxaa goobta joogay masuuliiyiintii beelaha Gabooye, sida salaadiin, siyaasiyiin, xildhibaano, odayaal iyo dhalinyaro kale, ayaa waxaanu la qaadaney kulan ku wajahan shaqaaqadiii ka dhacday xaafada Daami, wasiir Cali Warancade, si wanaagsan ayaanu noo soo dhaweeyey wasiirka wasaarada arimaha guduhu oo kulanka fidhiyey, waxaanu kala hadalney dhibta xaafada ka dhacdey, xadhiga dadka la xidhxidhey, dhaawaca soo gaadhay dhalinyarada beesha Gabooye, aflagaado cidaanka booliska laga sheegey in ay gaadhsiyeen bulshada xaafada, burbur loo geystey guryo kamid ah  xaafada Daami iyo bulshada ku dhaqan oo dabcan aan filayo in ay labada dhinacba ka dhacdey.

Haddaba su’aasha isweydiinta mudan baa waxay tahay, waligeed bulsho meel ku wada nool ama xaafado jaar ah wada dagani way isqaban jirtey waanaay isqabaneysaa oo carab iyo labadiisa daan ayaa ugu dhaw oo is qabta lakiin wax walba oo dhacaaba xal ayuu leeyahay. Salaadiinta, culima awdinka siyaasiyiiinta iyo odayaasha reerkuba arinta waanu ka wada hawl galney, caano daateyna dabadeen laqabay ayay Somaalidu tidhaahdaa.

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha waxa uu sheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo galo hawshaas sida ay wax u dhaceen wixii dhaawac ah ee soo gaadhay beeshan sidoo kale dadka xidh xidhan cidii aanan danbi lagu hayn in sida ugu dhakhsaha badan loo sii daayo, wixii kale ee burbur hanti ah ee soo kala gaadhay labada dhinacna sida ugu dhakhsaha badan loo eego oo xal dhakhso badan laga gaadho, dabcan dhalinyaradii meesha ku dhaawacanteyna xalayba waxaa la geeyey cusbitaalka guud ee Hargeysa oo lagu dhayey in iyaga laftooda waa dhalinyarada dhaawacantaye hawshooda sida ugu dhakhsaha badan loo galo.

Hadaba waxaan ugu baaqayaa bulshada aan ka soo jeedo in hadii ay beel kamid ah beelaha ay wada dagaan ay isqabtaan Dawladu waa u dhex bulshada Somaliland guud ahaan, lakiin aan dawlada loo eedeyn ama loo aaneyn wixii dhib ah ee ka dhaca xaafada,  wuxuu wasiirka wasaarada arimaha guduhu odayaasha ku qancinayay in ay dawlad ahaan dhex umada u yihiin, garabna siinayaan cidii laga gar daran yahay. waxaan soo jeedinayaa in arinka sidii caadada ahayd loo galo oo nabad lagu dabaalo  wixi dhib ah ee meesha yaalana aynu isla eegno dawlad ahaan iyo shacab ahaanba.”

Somalilandpost.net