Eng Maxamed Xaashi oo Xukuumadda iyo Goleyaasha Sharci-dejinta ku Eeddeyey inay U Heshiiyeen Xoolaha Umadda

maxamed    xaashiHargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa Goleyaasha Sharci-dejinta ee dalka ku eedeeyey inay ka tallaabsadeen Shuruucdii ay shacabku ku doorteen inay ku metelayeen isla markaana ay dantooda gaar ah ka door-bideen u adeegista Danaha Guud ee Qaranka.

Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo ka hadlay madal Maanta lagu shaaciyey Gole lagu magacaabo ‘Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka oo uu xubin ka yahay, waxa uu sheegay in Xukuumadda iyo Goleyaasha sharci-dejintu u heshiiyeen Xoolihii umadda, isaga oo si adag u dhaliiley Kharashaadka hab-maamuuska ee Baarlamanku ku meel-marsaday in xildhibaannada la siiyo marka xilkoodu dhammaado.

Maxamed Xaashi oo arrimahan ka hadlayey waxa uu yidhi, “Golaha Baarlamaanku intii Muddada loo kordhiyey shan sanno ayay marayan shan sannana waa loo doortay. Markaa dib kordhintiina sidii ayay u sii soconaysaa oo sharci ilaalintii iyo daba joogiina waa laga tagay, markaa waxay noqotay dano ay wada leeyihiin. Kolka aad eegto maamuuska la yidhi ha lasiiyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, Golihii Baarlamaankuna waxa uu yidhi ‘Ninkii doorashada waaya waa in sannad lacagtii la siiyo idinkuna noogu dara’, halkaasna waa iskaashi ay xoolihii Umadda ku heshiyeen oo Baarlamaanka iyo Golaha Guurtiduna qaybtooda ayay helayaan.”

Waxa uu Maxamed Xaashi sheegay inaan loo dul-qaadan karin isla markaana aanay umaddu ka yeeli doonin Golayaasha dawladda inay rabitaankooda fushadaan iskana illaabaan dantii qaranka, waxaanu yidhi, “Haddii iyagu ay wada-tashi doonayaan anagu diyaar ayaanu u nahay haddii ay iyagu yidhaahdaan waxaanu doonayno ayaanu yeelanaynaa wax soconaysa maaha. Markaa dhibaatadu waxay ka soconaysaa waa xaggooda ee xagga Ummada kama soconayso. Madaxdu in iyadu isu-kiishto maaha ee waa in shaqaalaha iyo Ciidamada milicda u taagan ee Dawladu ku socoto in iyaga loo kordhiyo ayay ahayd ee may ahayn inay iyagu korodhsadaan.”

SOMALILANDPOST.NET