Eng. Maxamed Xaashi oo ka hadlay khilaafka Wershadda Sibidhka Berbera iyo Maalgeliga Dalka

Hargeysa, 19 March, 2012 (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ka hadlay talo-bixin uu ka dhiibtay maalgashiga Wershadda Sibidhka Berbera oo muddooyinkii u danbeeyay uu taagnaa khilaaf Cirka isku shareeray oo u dhexeeyo dhinacyo kala duwan, kana dhashay dhismaha Wershadda labaad ee Sibidhka.

Eng. Maxamed Xaashi waxa uu sheegay maalgashiga ka hor loo baahanyahay samaynta sharcigii lagu maamuli lahaa khayraadka dalka ka dibna la kala saaro qaybaha khayraadka ee maalgashiga shirkadaha iyo ta ummadda ka dhaxaysa, waxaanu xusay inuu ka mid ahaa Guddi loo saaray Wershadda Sibidhka Berbera, isla markaana uu isagu ku taliyay in Wershaddu noqoto mid dawladdu gacanta ku hayso oo maalgashigeedana laga wada qaybgeliyo dhammaan shacabka Somaliland.

“Haddii aan ka hadlo WershaddaSibidhka ee Berbera, horta marka hore waxaynu u baahanahay in aynu samayno sharciga maamulka khayraadka (National Resource Act), kaas oo ka hadala wixii khayraad ah sida dahabka iyo sibidhka iyo khayraadka kale ee dalka oo dabadeed inta ummaddu yeelanayso iyo inta shariikadaha la siinayaa ay qeexnaato. Anigu waxaan ka mid ahaa gudidii loo saaray warshada sibidhka, taladayduna waxay ahayd inay dawladu gacanta ku hayso, laakiin sheer yar ha la iibiyo oo dadka reer Somaliland ee dunida oo dhan jooga iyo kuwa dalkaba cidii iibsanaysa ha laga qaado lacagta, marka aynu dhaafno heerkii ay warshadu ku dhismaysayna yeynaan joojine aynu wadno oo shariikado kale aynu ka samayno si dadku shaqo u helo, wadankuna uu u noqdo mid warshado leh.” Sidaa waxa yidhi Eng. Maxamed Xaashi oo maanta ka hadlay munaasibad uu xilka ku wareejiyay Wasiirka cusub ee loo magacaabay Wasaaraddaas Cabdicasiis Maxamed Sammaale, taasoo lagu qabtay xarunta Wasaaradda ee Hargeysa

Maxamed Xaashi oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray, “Horta waxa jira laba shay oo kala duwan haddii aan samaysto warshad  sharaabka samaysa ama mid samaysa saabuunta waa wax aan anigu leeyahay, laakiin buur meel ku taala oo Ilaahay siiyey dadka marka la qodo waa wax dadka ka dhaxeeya oo qofna yeelan karin, laakiin intii ka shaqaysanaysaa wuxuun ay ka kasbani, umadanu wax bay  ka faa’iidi.”

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Eng. Xaashi waxa kale oo uu ku taliyay in qiimayn lagu sammeeyo dhaawaca soo gaadhay Haamaha Kaydka shiidaalka ee Berbera ka hor inta aan tartan loo gelin. “Haamaha shiiidaalka waa in marka hore la qiimeeyo dhaawaca gaadhay iyaga dabadeedna marka aynu hagaajino tartan loo galo oo cida aynu siinayno u helno meel aynu kala bilawno.”ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net