Ehlu Sunna iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo isu Kaashanaya Duullaan ay gobollada Dhexe kaga Cidhib-tirayaan

Dhuusa-Mareeb, 25 March, 2012 (SLpost)– Ciidamada urur-diimeedka Ahlu Sunna oo taagero ka helaya ciidamo Itoobayaan ah ayaa isu bahaysanaya guluf duullaan ah oo ay ku qaadayaan Maleeshiyada Al-Shabaab ee Haysta degmooyin ka mid ah gobollada Dhexe ee Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay ururka Ahlu-Sunna ayaa shaaciyey in iyaga oo kaashanaya ciidamo Itoobiyaan ah ay Duullaan ku qaadayaan degmooyinka ay ka taliyaan Xarakada Al-Shabab oo gacanta ku haysa qaybo badan oo ka tirsan Koonfurta Dalka Soomaaliya.

“Ciidamada Elhu Suna oo garab ka helaya ciidamada Itoobiya, waxay diyaar u yihiin inay deegaammada gobollada Dhexe ka Cidhib tiraan nimankaas (Al-Shabab),” ayuu yidhi Afhayeenku

Waxa kale oo uu Xusay in Ehlu Sunna la dagaalamaysay kooxda Al-Shabab wakhti ku filan inay deegaamadooda ka cidhib-tiraan balse ay tallaabadaasi ugu suurtoobi weyday Dhaqaale-la’aan awgeed, imika oo ay Itoobiya taageero ka heleenna u diyaar garoobayaan inay guluf Duulaan oo aanay ka soo waaqsan ku qaadayaan.

“Haddaanu nahay Ehlu Sunna, wakhti aanu la dagaalamaynay nimankan cadowga u ah Soomaalida wakhti noogu filnaa inaanu waddanka ka cidhib-tiro, laakiin taasi waxay noogu suurtoobi wayday dhaqaale la’aan,” ayuu yidhi Afhayeenka u hadlay koox Diimeedka Ehlu Sunna Wal Jamaaca oo ka taliya deegaamo ka tirsan gobollada Dhexe ee Dalka Soomaaliya.

Maamulka Ehlu Sunna oo xaruntiisu tahay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Gal-gaduud ee Soomaaliya ayaa shacbiga dhulka ay Al-shabab ka taliso ugu baaqay inay soo dhaweeyaan xooggaga Itoobiya ee ay is-garabsanayaan isla markaana ay maamul ku-meel gaadh u dhisayaan deegaamada ay ka saaraan Kooxda Argagixisada Caalamiga ah ku biirtay.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net