EGYPT: Cabdifatax Siisi oo ka hadley murashaxnimadiisa xilka Madaxweynaha

Masar(SLPOST)Hogaamiyaha Militariga Masar Gen.Cabdifataax Siisi ayaa sheegay in dhawaan uu jawaab cad ka bixin doona codsiga uga yimid shacabka Masar.

gan-sisi

Wasiirka Gaashaandhiga ee Masar Gen.Siisi oo ka khudbeenayey xaflad ka dhacday xarunta militariga Masar ayaa sheegay in aanu dhegaha ka xidhan doonin codsiga uga imaanaya shacabka Masar ee doonaya inaan aan isku soo sharaxo xilka Madaxweynaha, ayuu yidhi Gen. Siisi.

Hadaladan ayaa la filayaa inay horudhac u yihiin qorshaha Gen.Siisi oo doonaya inuu si rasmi ah isu diiwaangeliyo inuu kamid noqonayo ragga u taagan xilka Madaxweynaha Masar doorashooyinka soo socda.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland