Duuliyihii Diyaaradda Daallo Oo Madaarka Muqdisho Ku Tilmaamay Mid Ammaankiisu Eber Yahay

Hargeysa(SLpost/AP)-Duuliyaha diyaaraddii Daallo ee bishaan horraanteedii qaraxu haleelay dhowr iyo toban daqiiqo kaddib markii ay ka duushay gegida diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa wareysi ay la yeelatay wakaaladda wararka ee Associated Press (AP) ku sheegay in amaanka gegidadaasi uu “eber” yahay.

Qaraxa oo uu watay qof rakaabka ka mid ah ayaa qarxay diyaaradda oo hawada ku jirta muddo 15 daqiiqo ku dhowaad ah, kuna duulaysay joog 11,000 oo cagood (3,500 mitir) ah.

Waxaa diyaaradda la socday 75 qof oo labo ka mid ah dhaawac ka soo gaadhay qaraxa, waxaana ku dhintay hal qof oo isaga oo gubanaya ka baxay daloolkii qaraxu ka sameeyey dhinaca diyaaradda. Meydka qofka dhintay ayaa goor danbe laga helay bannaanka degmada Balcad oo Xamar kaga aaddan 30 km dhanka woqooyi. “Kolkii aan kor u dhaafnay 10,000 cagood, waxa aannu debcinnay suumanka beelka ah [ee kuraasta], shaqaalaha diyaaradduna waxa ay bilaabeen in ay rakaabka u adeegaan,” ayuu kabtan Vlatko Vodopivec ku yidhi waraysiga, isagoo intaas raaciyay “Qaraxu waxa uu dhacay kolkii aan dhaafnay 11,00 cagood. Horraantii waxa aan moodnay in mid muraayadaha daaqadda ka mid ahi jabtay, hase yeeshee, waxa aan dareennay in wuxu qarax yahay goortii qiiqu shidhka [diyaaradda] noogu soo galay.”

Wuxuu isagoo hadalkiisa sii wata intaas raaciyay “Wax walbaa muddo kooban ayey socdeen,” ayuu yidhi. “Isla markiiba waxan amarnay in degdeg loogu noqdo gegida [Aadan Cadde], maadaama sidaasi xalka keli ah ahayd. Taas waxaa noo dheeraa walaac gooni ah, waayo, nabadgelyadu halkaas aad ayey u hooseysaa waana meel nalaga rabo in aan maalmo ku sii negaanno.”

Duuliyuhu waxa uu rumaysan yahay in joogga hoose ee diyaaraddu ku duulaysay uu ka caawiyey in diyaaradda iyo rakaabkuba badbaadaan, haddii diyaaraddu gaari lahayd jooggii duulimaadkeeda loogu talogalay oo ah ku dhowaad 33,000 oo cagoodna ay xaaladdu aad ugu adkaan lahayd.

“Diyaaraddu waa ay kala daadan lahayd haddii aan joog ser ku duuli lahayn,” ayuu yidhi Vlatko Vodopivec. “Diyaaraddu si caadi ah bay inoogu socotay, degdeg ayaanna wax walbaa inoogu hagaageen. Matoorrada iyo shidaalka midna wax ma gaarin.”

Ammaanka madaarka Muqdisho

Duuliyuhu isagoo ka hadlaya ammaanka madaarka Muqdisho, wuxuu yidhi “Ammaanka madaarku waa Eber, Markii aan garoonka Muqdisho soo cagadhigannay, waxaa soo yaacay 20 ilaa 30 ruux oo soo ag dhoobtay dayaaradda. Dadkaas oo aan xidhneyn calaamad lagu aqoonsado waxay galayeen dayaaradda oo haddana ay ka soo baxayeen. Qofna ma oga waxa uu qofka kale yahay. Wixii ay doonaan ayay dayaaradda dhex dhigi kareen markii ay rakaabku ka degeen.”

Qofka diyaaradda ka dhacay waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdillaahi Cabdisalaam Boodhle, oo 54 jir ah, welina lama bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan halka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.