Duuliye ka tirsan Ciidamada Cirka Sucuudiga oo loo xidhay Duqeynta Kooxda DAACISH oo uu diiday inuu ka qayb-qaato

Jeddah (SLpost)- Duuliye-sare oo ka tirsan Ciidamada Cirka boqortooyada Sucuudiga, ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu diiday inuu ka qayb-qaato duqeynta ay diyaaradaha Xulafada Reer Galbeedka iyo Carabtu ku hayaan Xoogagga dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam (DAACISH) goobaha ay kaga sugan yihiin waddanka Suuriya.

Sida lagu baahiyey bogagga Bulshadu ku kulanto, sarkaalka Ciidamada Cirka Sucuudiga ka tirsan oo lagu magacaabo Kabtan Faysal Al-Ghamdi, ayaa lagu eedeeyey inuu taageersan yahay Kooxaha Xagjirka ah ka dib markii uu diiday inuu ka qayb-qaato Diyaaradaha Sucuudiga ee ka qayb-qaadanaya duqeynta cirka ee lagu bartilmaameedsanayo deegaannada ay Kooxda DAACISH kaga sugan tahay Woqooyiga dalka Suuriya oo ay xoog ku leeyihiin.

DUULIYE SUCUUDIWarkan ayaa lagu baahiyey bogag Facebook iyo Twitter ah oo ay leeyihiin dadka taageera kooxda ISIS, waxaana soo xigtay dadka u dhaq-dhaqaaqa taageerooda ee ku dhaqan waddanka Sucuudiga, taas oo sii xoojisay tuhunno markii hore laga qabay taageero ay boqortooyada Sucuudigu siiso kooxaha Xag-jirka ah.

Haseyeeshee, dawladda sucuudu kama hadal jiritaanka warkan, sidoo kalena Kooxaha warkan faafiyey ma shaacin sawirka iyo aqoonsiga askariga la sheegay in la xidhay.

Dawladda Sucuudiga, ayaa ka mid ah waddamada Carbeed ee taageerada dhaqaale ku caawin jiray Mucaaradka ka dagaalama waddamada Ciraaq iyo Suuriya si ay u ridaan dawladaha labada waddan.

Balse waxa lama filaan noqotay, ka dib markii dawladda Sucuudigu ay dhowaan ogolaatay inay ka mid noqoto isbahaysiga la dagaalamaya kooxda ISIS oo waddamada reer Galbeedku u arkaan inay khatar ku yihiin amniga iyo xasiloonida adduunka.

SOMALILANDPOST.NET