Duuliye Axmed Dheere oo Eedaymo u jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya

 

Hargeysa (SLpost)- Duuliye Axmed Dheere ayaa si weyn ugu dhaliilay Madaxweyne Soomaaliya in aanu ka damqan shacabka Soomaaliya ee argagixisadu ku layso qaraxyada, isla markaana uu garab istaag u muujin ehelada dadkaasi.

Duuliyaha ayaa ugu horeyntii ka tacsiyadeeyay qaraxii dhawaan ka dhacay makhaayadda Gelato Divino oo ku taalla agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho, isagoona ku eedeeyay in Farmaajo uu ka aamusay dhacdadaasi.

Waxa uu sheegay in nasiib darro weyn ay tahay in dowladda Soomaaliya oo uu hogaamiyo Farmaajo ayna marnaba ka fal-celin dhibaatada lagu hayo shacabka, taasi oo loo baahan yahay in laga gudbo, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, waxa uu shaki galiyay in madaxda Soomaaliya ee hadda talada haysa, ay aqoonsan-yihiin mas’uuliyadooda, isagoona shacabka Soomaaliya ugu baaqay inay ka tashadaan aayahooda oo ay doortaan madax daacad ah.

Ugu dambeyntiina waxa uu duuliyuhu ka digay in Soomaaliya loo horseedo burburkii hore uga dhacay, isla markaana wax walba lagu dhameeyo wada-hadal iyo wada-tashi, si meel looga soo wada jeesto qaswadayaasha.

Somalilandpost.net