Duufaanno La filayo inay ku soo beegan yihiin xeebaha Dalka Soomaaliya iyo digniino laga soo saaray

Hargeysa (SLpost)- Duufaan loogu magac daray Tropical Cyclone Four, ayaa maalmaha soo socda ku wejahan xeebaha dalka Soomaaliyaa gaar ahaan xeebaha goballada Bariga iyo Badhtamaha, sida ay sheegayaan Hay’adaha la socda isbeddellada cimilada caalamka.

Dadka ku dhaqan degaamada kulaalaya xeebta badweynta Hindiya gaar ahaan kuwa ku dhaqan xeebaha Gobollada Bari, Nugaal iyo Mudug, ayaa looga digay iney ka feejignaadaan dabeylaha ay duufaantani wadato oo khatar gelin karta guryaha aan dhisme adkeyn iyo waliba kalluumeystada.

na201204Hay’adaha saadaasha hawadu waxa ay intaas ku darayaan in duufaantanu ay tahay ah nooca loo yaqaan (Tropical storm) waxaana la sheegay in dabeysha ay wadato uu xawaaraheeda jarayo saacadii in ku dhaw 80km, iyagoo xusay inaanay ahayn  kuwa khasaaraha badan geysta.

Duufaantan oo ku dhawaatay xeebanaha dalkaasi Soomaaliya, ayaa la sheegayaa in xooggeedu gudaha dalkaas soo gaadhi doonto  Berri Gelinka Dambe.

Warbixin ay shaaciyeen ciidamada badda iyo kuwa cirka ee Maraykanka ee ku sugan xeebaha Geeska Afrika, ayaa iyadana lagu sheegay sheegay in duufaantaasi uu heerkeedu yahay mid hooseeya, haseyeeshee saamaynteeda laga dareemi karo Somaliland iyo Qaybo ka mid ah Bariga Dalka Itoobiya.

SOMALILANDPOST.NET

contact[at]somalilandpost.net