‘DURBA MIYAAD ILLOWDEEN’ – Qormo Khamiis leh ah (Q.1aad) – Qalinkii Boobe Yuusuf Ducaale

wadareed ‘Waar hooy dadkaygow,

Laba daan dhexdoodiyo,

Dalqo bahal qof galayoo,

Dirqi iyo tu’ fool adag,

Dibaddawgu soo baxay,

Halkii shalayto lagu dilay,

Ma dareemi waayee,

 

Durba miyaa illowdeen,

Duunyadeenni dhacantiyo,

In u deynki maqan yahay?

 

Maansadii Dir-sooc ee Ibraahin-gadhle, 6/4/1990kii, Jiidihii hore ee halgankii hubeysnaa,

 

12/12/2013ka, Hargeysa

 

durba-miyaadHaa……Miyaan dheelalaysnahay, mise waan dhadhabayaa? Boqol sannadood kama soo wareegin shalay iyo maanta. Intii labada jeerba joogtay in badan oo ka mid ah ayaa nool. Mudane Axmed Maxamuud Maxamuud (Siilaanyo) iyo aniguba ka mid ayaanu nahay. Bishan Diisambar 7dii, 2013ka, wuxu joogay magaalada Jigjiga oo uu kaga qayb-gelayay maalinta Qowmiyadaha ee Itoobiya. Waxay ahayd sannad-guuradii 8aad. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee uu ka qayb-galo. Meel aan milgihiisa iyo meeqaankiisa ahayn ayaa la fadhiisiyay. Waa dhaqanka qaran-jabka ah ee inta badan ku dhaca wefdiyadeenna habqanka iyo habaqlaha ku baxa. Waxay inta badan ku baxaan: qorshe-la’aan, sahan la’aan, hab-maamuus la’aan iyo tix-gelin la’aan qarannimo. Intooda badan, inta badan dhoofka iyo dayuurad-raaca ayaaba wax weyn la ah. Taasi waa maalin, waana maalintan dhaweyd ee karaamadeennii qarannimo dhulka la jiid-jiiday ee ay madaxdeennu mas’uulka ka ahayd ee aan meel kale looga iman. Hadda afartii sannadood ee ugu dambeeyayba sannad-guurooyinkaa Qowmiyadaha waxa si joogto ah loogu marti-qaadi jiray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ka qayb-geli jiray: Ma Diri-dhabaa, ma Baxar-daar baa, ma Maqalaa, ma Jigjigadan maantaa.

 

Waxa markii ugu horreysay xafladdii ka dul degay wefdi kale oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa la socday Guddoomiye-ku-xigeenkii 1aad ee Golaha Wakiillada ee Somaliland. Bal tabaaladaa iyo habqankaa daya. Malaha Jigjigaba meesha uma ay qabin ee waxay moodayeen in ay Hargeysa joogaan. Ma is-tidhaahdeen in ay dalka ka baxeen waxa keliya ee ay ku gartaan waa dayuurad-raaca. Ha ogaadaan in dalkana baabuur lagaga bixi karo. Waa haddii ay dhaadmo iyo dhugmaba leeyihiin.

 

Waxa jirtay maalin kale oo ka mid ah maalmihii badnaa ee uu Jigjiga in uu joogo waayihii adkaa ee la soo maray baday. Maalmahaa waxa ka mid ahayd 6/4/1984kii oo galabnimadii uu ka furmay Shirweynihii 4aad ee SNM oo loogu doortay Guddoomiyaha SNM muddo laba sannadood ah.

 

In uu xusuusto iyo in kale mooyaan e’, galabtaa taariikhiga ahayd waxa goobtaa sharfanayd maanso nooga mariyay Shahiid Axmed Maxamed Warsame oo loo yaqaannay ‘Genius’, oo muddo yar ka dib ku shahiiday dagaalladii dibuxoreynta qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Maansadaas oo Axmed ‘Genius’ ugu suntanayd Dhayalsi, dadka intiisa badani se waxay u yaqaannaan Dharaaraa na soo maray oo heesta dhex-taal u ah.

Tuduc maansadaa ku jiray ayaa ahaa:

“Waa dharaaro yabloon,

Ka dhammaan agtaydiyo,

Dhacdo waayaheedaba,

Nin kastoo dhegaystaa,

Dhabannada la haystee,

 

Dharaaraa na soo maray

Ku ekeyd dhibaatadu,

Inta dhagar la geystiyo,

Waxa dhacay ma maqasheen?”

 

Markii uu tuducaa marinayay maalintaas, Axmed ‘Genius’ sidii wax uu qof hadalka dhegta u saarayo ayuu cod hoose ku lahaa: “Inta dhagar la geystiyo, waxa dhacay ma maqasheen?” Suudg bunniya ayuu galabtaa xidhnaa.

 

Waa halkii Xaaji Af-qallooc e’: “Iyaba waa tabaalaha adduun, taynu aragnaa.” Guddoomiyihii Jabhaddaa SNM ee xaq-u-dirirka ahayd ee maalintaa uu hoggaaminayay, ayaa maantana Madaxweyne ka ah Jamhuuriyadda Somaliland. Waxay ahayd in uu ku hoggaamiyo isla mabaadiidii Xeerarka SNM ku xardhanayd ee ilaalinta xuquuqda muwaaddiniinta oo maantana Dastuurka Qaranka inoogu taal. Intaas oo keliya kuma koobna ee dhaqan Islaameed, waa dhaqan Soomaaliyeed, waa curfi adduunyada xorriyada jeceli heshiis ku tahay oo aynu ka mid nahay isla markaana ku qasban nahay.

 

Iyada oo xaal sidaa yahay, ayaynu mar kale taagan nahay oo markhaati ka nahay waayahaa uu inooga digayay Axmed Maxamed warsame ‘Genius’ ee uu lahaa “Dharaaraa na soo maray.” Dharaarihii Axmed ka maansoonayay 1984kii, ayaa mar kale ina hor taagan. Hal-abuurku maansada sida qoryaha lagu ordo la isugu dhiibo ayuu isugu dhiibaa. Axmed haddii uu shahiiday Ibraahin-gadhle ayaa ka dambeeyay oo isaguna Ilaahay ha u naxariisto e’, lix sannadood ka dib inoo mariyay maansada Dir-sooc ee ay ku jiraan tuducyada: Durba miyaad illowdeen.

 

“Dharaar na soo maray”, ama maansada “Dhayalsi” ku soo noqo oo ku cabbir ama ku beegba waayaha maanta ka taagan Somaliland iyo fal-xumada ay ku kacayso xukuumadda maanta dalka ka talisaa.

 

Tuduca aynu Axmed ‘Genius’ ka soo qaadannay wuxu ku soo ururayaa oo halkudheggu noqonayaa: ‘Inta dhagar la geystiyo, waxa dhacay ma maqasheen?” Waa 1984kii.

Bal hadda maanta iyo waayaha aynu joogno ku cabbira, ku mitiriya, ku beega, ku cutiya, ku miisaama amaba ku dhereriyaba.

 

In saxaafaddii xorta ahayd la xidhxidhay, ma maqasheen? Waa dhagar. In eedaysanayaashii weerarrada iyo isku-dayga-dil u xidhnaa la sii daayay, ma maqasheen? Waa dahagar. In Murashaxii Xisbiga UCID ciidan ka hor joogsaday in uu Gebilay hawl ugu baxo, ma maqasheen? Waa dhagar. In Aqoonyahan Jaamac Jiir afar sannadood lagu xukumay oo uu xabsiga Mandheera ku buko, ma maqasheen? Waa dhagar. In Xildhibaan Qabille la xabbadeeyay oo eedaysanihii dirqi lagu soo qabtay, ma maqasheen? Waa dhagar. In nabaddii faraha ka sii baxayso oo dadkii u muuqdo wax liisan la isu siiyay, ma maqasheen? Waa dhagar. In xisbiyadii mucaaradka ahaa laga hor joogsaday muddaaharaddadii ay xaqa u lahaayeen, ma maqasheen? Waa dhagar. In Xaruntii Xisbiga UCID ay ciidammadii RRU-du u daateen, ma maqasheen? Waa dhagar.

 

Fandhaal ayaan idiin daray ee qof waliba inta uu og yahay ha ku darsado. Yaa waxaa samaynaya? Waa xukuumad aynu doorannay si ay inoogu adeegto oo ay horumar iyo nabadgelyo inoo gaadhsiiso. Maxay ku dooddiyaysaa ee ay inoogu hanjabaysaa. Waa ciidan ummadeed oo qaran oo aanay hub siinnin ee qof walba qorigiisii lagu ciidameeyay. Bal tan oo dayuurado iyo taangiyo inoo heshaa maxay samayn lahayd.

 

Nabad baa naas la nuugo leh. Nabaddu waa inoo wada dan, weliba waxay dan u sii tahay xukuumadda tamarta daran ee ku fadhida dul-qaadka iyo samirka dadweynaha. Xukuumaddan maanta jirtaa inqilaab millateri kuma iman, qori caaradiina ku sii fadhiyi meyso. Doorasho xaq ah oo xalaal ah oo si nabad ah u dhacda ayay ku sii joogi kartaa ama ku tegi kartaa. Cid maanta xumaan la doonaysaa ma jirto ee iyada ayaa durbaan is-daba sidata. Hal doorasho ayay qabatay oo mas’uul ka ahayd, tiina waa loo wada joogay wixii ka dhacay, tu’ dambe oo caynkaas ahna cidina daafad uma hayso. Aan ku soo xidho Ibraahin-gadhle, waxaanu yidhi:

 

“Mus dalleena baa jira,

Bahal baa duddada tuban,

Demmanaanta ubadkayga,

Iyo Deylo lumisteeda,

Iyo dacawadeer buuxda,

Anigiyo dedaalkayga,

Markaan dayo ammuurtayda,

Daacadoow  laxdaydani,

Dar Allay ku socotaa,”

 

Dhammaad iyo tirsiga 2aad ee Khamiista dambe, haddii Eebbe idmo.