‘DURBA MIYAAD ILLOWDEEN’ [Kulmiye: ma kabmay mise wuu kadmay] – Qormo Khamiis leh ah (Q.5aad) – Qalinkii Boobe Yuusuf Ducaale

Kulmiye: ma kabmay mise wuu kadmay

Xasan Xaaji Cabdillaahi, Ganey ayaa maansadiisii Deelleeyda ku yidhi:

“Ka dartaye ma dibi baa,

Maxay dihatay maansadu,”

Xaaladda uu ku sugan yahay Xisbigii Kulmiye ayaa maanta taas oo kale u taagan. La-ye Madaxweyne-ku-xigeenkii ayaa qoraal rasmiya oo la baahiyay ku dalbaday Shir ay isugu yimaaddaan Hoggaanka Xisbiga Kulmiye. Kaaga daranta waxa warqaddaas ku qornaa saddex xubnood oo Guddida Fulinta ka tirsan oo uu isagu ku jiro. Wax inaga yaabiya ma weyno e’, xubnahaa kala dhantaalan ee uu dalbaday, wuxu ballanta ugu qabtay gurigiisa. Shirkaasi, wuxu ku muddeysnaa 6/1/2014ka oo maalin Isniin ah ahayd.

DURBAIsla habeennimadii waxa shaashadaha ka soo baxay shir-jaraa’id oo ay qabteen Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad, Xoghayaha Guud iyo iyo Guddoomiyaha Golaha ee Kulmiye. Waxaan u malaynayaa in ay fadhiyeen Xarunta Xisbiga Kulmiye. Waa goorma goorta uu is-maan-dhaafkan aan Somaliland dhaqanka u ahayni dhacayaa? Waa xilli loo ballansan yahay Shirweynihii 3aad ee Xisbiga Kulmiye oo ay dhaqan iska noqotay in hadba la yidhaahdo dib ayaa loo dhigay. Waa Xisbiga la leeyahay talada dalka ayuu hayaa, anigu ma aamminsani in uu marna talada dalka qabtay e’. Haa, ma diiddani in uu yahay Xisbigii ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee 2010kii, bal se ma muuqato meel uu kaga jiro hoggaaminta dalku. Madaxweynihii ku soo baxayna markii lagu dhawaaqayba waa kii iska wareejiyay xilkii Guddoomiyannimada, in kasta oo uu weli ku sawiran yahay hoggaamintaa uu ka hulleelay.

Shirkan jaraa’id ee ay qabteen xertan uu madaxa hayay Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye waxyaabaha uu Madaxweyne-ku-xigeenka ku eedeeyay waxa ka mid ah in uu Shirka ugu yeedhay gurigiisa. Oo maxaa loogu eedaynayaa? Goorma ayuu Xisbiga Kulmiye ku shiri jiray xaruntiisa? Miyaanay dhaqan iska ahayn in madaxda Xisbiga Kulmiye ku shirto guryaha: Madaxtooyada, Guriga Madaxweyne-ku-xigeenka, ama guriga Guddoomiyaha Golaha Guurtida.

Madaxweyne-ku-xigeenkaa hoggaankii Kulmiye kula ballamay gurigiisa wax lala yaabo ma aha oo hore ayay u dhici jirtay, dhaqanna u ahayd. Waxa inagu cusubi waa qoraalka warqadda marti-qaadka iyo hoggaanka aan isu dhammayn ee uu u yeedhay. Waxa ka sii daran iyaguna kuwa iyada oo aanay saacado ka soo wareegin Shirka jaraa’id ee cambaaraynta ah qabtay. Hadda Guddoomiyihii Xisbigu waa nool yahay oo waa u joogaa. Madaxweynihii Jamhuuriyaddu is-na waa uu arkayaa, maqlayaa waxa dhacaya. Dhegna jalaq la isu siin maayo, la isuna joojin maayo.

La-ye waa xisbigii talada dalka hayay waxa waxan samaynayaa! Geesta kale haddii aad iska taagto, xukuumaddii ayaan iyaduna ka madhnayn.  Waa wixii ay Soomaalidu odhan jirtay: “Geela duqdiisii durdurisay, aarankiisana maxaad u malayn.” Meeday waayo-aragnimadii SNM ee Somaliland ku soo caano-maashay? Meeday waayo-aragnimadii ka sii shishleyd kana hodansanayd ee Somaliland wixii hore u jiray ku soo dartay? Qof waliba ma duunkaa yeel ayuu ku dhaqaaqayaa? Maye, wixii baadi-sooc SNM iyo Somaliland lagu yaqaannay ee adduunyadu ku majeeranaysay? Xisbi iyo xukuumad kooxdan isku baxsatay maxaa u tix-raac ah? Miyaanay dalka ku noolaan jirin? Ma dhallaan immika dhashay baa mise dawladnimada iyo xisbinnimada ayaa ku cusub? Ma ka bes baa? Oo may iska dhiibaan haddii ay dal iyo dadba u damqanayaan?

Malahayga sidani ka dhab ma aha e’ aan u taxo oo xusuusiyo wixii SNM iyo Somalilandba baadi-soocda u ahaa ee lagaga soo gudbay wixii dhibaato jiray. Miyay illoobeen:

  • Wada-tashigii iyo iska-war-hayntii,
    • Isu-joojintii iyo dulqaadkii,
    • Xadhig-isu-debcintii iyo wada-hadalkii,
    • Isu-tanaasulkii iyo isla-garabsigii,
    • Ladqabadii iyo isa-saamixii,
    • Hubsiimadii iyo dhegta-xeerintii,

Madaxaweyne-ku-xigeen ayaa warqad qoray oo u yeedhay hoggaanka xisbigii uu ka tirsanaa qaar ka mid ah. Miyaan la ogeyn oo aan lala socon markii uu tallaabadaa qaadayay? Madaxweyne-ku-xigeenku marka uu tallaabooyinka noocan ah qaadayo, miyaanu Madaxweynihiisa la socodsiin? Haddii ay dhacdayba ma waxa la kari waayay in lagu yidhaahdo arrinku yaanu halkaa dhaafin ee ha la wada-hadlo?

Miyeynu rumeysannaa Madaxweynaha iyo Madaxtooyada oo aan ka war qabin ayuu Madaxweyne-ku-xigeenku tallaabadan qaaday? Mise innaga ayaan wax ogayn e’ waa la barakeeyay oo waa laga war qabay. Miyeynu rumeysanna qaybtan kale ee hoggaanka Kulmiye ka tirsani iyaduna waa ay iska sibiq-dhaqaaqday? Mise iyagana waa lala ogaa oo waa la barakeeyay? Sidee ayay ugu dhiirradaan in ay tallaaboyinkan is-burinaya qaadaan.

“Virus’-yada ugu daran ee ay Somaliland la tallaabsan la’dahay waxa ka mid ah waxan la eeday ee la dagaalay ee lagu sheego Shirka jaraa’id oo wixii uu milgo iyo maamuusba lahaa laga xayuubiyay. Dhaqan ayay iska noqotay in qof kastaaba goorta ay la noqoto in uu iska qabsado Shir jaraa’id oo aanu garanayn waxa kaga soo bixi doona. Cidina kuma xisaabtanto in ay goolal dhashaynayso iyo in ay iska dhalinayso. Hawlo ay ahayd in xisbi ahaan iyo xukuumad ahaanba loo saxo ayaa shaashadaha lala soo fadhiisanayaa oo la inagu dhego-barjaynayaa. Ma innagii ayaa noqonnay saldhig bilays iyo buuggii dhacdooyinka (OB) ee dhacdooyinka lagu qori jiray? Ma innaga ayay inaga rabaan in aynu u gar-naqno?

Darwiishkii maansayahanka ahaa ee Ismaaciil Mire ayaa maansadiisii kibirka waxa ku jiray beyd tilmaamayay sidii la isugu laayay ee loogu madhay qabaalkan xoolaha lagu waraabiyo oo nin jebiyay. Beyd maansadaas ku jiray ayaa ahaa:

 

“Kasi waaye wuxu qabaal, waanan kabanaaye,”

Aniga maansada la iguma baran, laakiin xaaladdan xisbiga Kulmiye ee taagan waxaan ka odhan lahaa

“Garan waaye wuxu waa Guddiye, meel isugu geeya,

  Garan waaye tashi waa gunnee, hadal is-gaadhsiiya,

  Garan waaye wuxu waa xisbiye, gogol u soo qaata,

  Garan waaye Garan-waaga baas, guusha wada yeesha,”

Bal ka warrama ummaddeenna nimankaa xil u dhiibatay ee ku talo-galay in ay kob caano leh ka soo durduriyaan. Kaaf iyo kala-dheeri. Waxa kaaga daran nimanka caynkaas ah ee dhaqankaa leh ayaa mar kale cod inaga doonaya oo leh dal iyo dadba waanu xukumaynaa. Ma maqli jirteen: “Maba lulatee maxay leeftaa.”

Goorma ayay ahayd goortii aan idin ku idhi ama idiin qoray: “Kulmiye wuu karayaaye: miyuu kabmayaa mise wuu kadmayaa.” Kama aydin soo jawaabin, maanta se malaha jawaabtii waad haysaan.

Dildillaacaa hoggaankii xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda ka dhex bilaabmay cidi ma hadal hayso. In ay wax dhaceenba uma haystaan. Badroolka la qodi doono, suumanka laga jeexi doono iyo Feysal Cali Waraabe ayaan kala mudan oo la hadal-hayaa.

 

Dhammaad. Waa inoo Khamiista dambe haddii Eebbe idmo iyo qormo kale oo xiiso leh.