Duqeymo xoog ah oo caawa lagu ekeeyay Magaalada Baydhabo, xilli uu khilaaf xoogan ka taagan yahay

Bay(SLPOST)Wararka laga helaayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ayaa waxay sheegayaan in caawa lagu garaacay duqeymo xoogan, oo aan la ogayn khasaaraha ka dhashay.

dagaal habeen

Waxaa la sheegay in duqeymaha laga soo tuuray xaafadda Suuqa Xoolaha, oo ku taala geeska Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Dadka reer Baydhabo, ayaa waxay Warbaahinta gudaha u sheegeen in madaafiicda xoogeeda ay ku soo dhaceysay xaafadda Buulo Hadama ee Magaalada Baydhabo.

Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom ee deggan Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa jirin jawaab ay ka bixiyaan duqeymaha caawa loo qaybiyay Magaalada Baydhabo.

Saraakiisha ammaanka ee Magaalada Baydhabo, ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan duqeymaha fiidnimada caawa loo geystay Magaalada Baydhabo.

Inkastoo aan la ogayn khasaaraha ka dhashay duqeymahaan, ayaa waxay hadana baqdin daran ay ku beereen dadweynaha ku dhaqan Magaalada Baydhabo.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland