Dunidii Cusbayd

Adduunyo waa ugub u joog, waa casri iyo war cusub ku nool. Horraad u maqli jirtey diyaarad cidi wadin oo kelideed hawada sabaynaysa ama saaruukh la direy oo cid saarani jirin haddana inooga soo warama oogada sare ee aynu ku noolnahay. Maantase war kalaa jira, nin noolow maxaa aragti kuu laaban, baabuur aan cidi wadin baa soo baxay. Baabuur aan cid jiheysaa jirin oo jibaaxaya wadooyinka jiqda ah baa soo baxay. Baabuur iskii iswada, Iskii is haga, iskii is hogaansha oo waddada halleelaa ayaa soo muuq yidhi. Baabuur toobiyaha toosan kelidii kullaala kay tahay kulayl iyo qabow, habeen iyo maalin, bannaan iyo balanbal ayaa la soo saaray.

Sida ay cadeeyeen dhawaan shirkadii ku guulaysatay inuu soo if baxo baabuurkan cusubi, waxa galay hanti maal iyo maskaxba leh, kuna qaadatay waqtiyo badan . Waxa lagu diyaariyay qaab qorshaysan oo ku dhisan cilmi qotodheer iyo qalab lagu habeeyay nidaam dibadda laga maamulo. Taasoo u saamaxday inuu noqdo hab iyo hannaan isku dhan.

Waxa la sheegay inuu leeyahay dhamaan qaybaha baabuurta caadiga ah sida: shookaan, biriig iyo sheegba. Duwanaanshaha kaliya ee uu kaga soocan yahay baabuurta kalena yahay dareen lagu rakibay. Arrintani suurogal waxay uga dhigtay inuu kala garto dariiq iyo daar, dad iyo duunyo, jar iyo jiq una kala saaro sida ay kala yihiin. Waana sababta aanu ugu baahnayn cid kaxaysa ama hagta.

Muuqaal ahaan aad ayaa loo qurxiyay, magaciisana muddaa loo kitaab dayay, maamuuskisana maalmaa lagu mashquulsanaa si loo baahiyo mucjisada dunida ku soo biirtay. Waxa la shaaciyey adeegyada uu qaban doonno iyo waxtaraha uu u leeyahay ruuxa gata. Sidoo kalena loo bayaamiyo bulshada baabuurkan bani-aadan wadin iyo sida uu uga bixi karo. Waxa sheekada loogu daray in ugu yaraan shan jeer la shiidaalsiiyo xadiyo kooban oo kala duwan.

Horaa loo yidhi: wixii cusub caalamkaa jecel, si degdeg ah ayuu suuqa kala iibsiga u galay. Qiimo qaali ahna loogu diyaariyay. Bandhigyo kala duwan ayaa loo qabtay, Shaashadaha iyo Jaraa’idadada dunidana waa lagu baahiyay si daaha looga qaado siraha qarsoon ee ku gadaaman baabuurkan. Markalena loo sharaxo qaabka uu u shaqaynayo macmiisha u diyaarka ah inay shilimada badan baxshaan.

Ujeedka iyo faa’idada uu leeyahay waxa lagu xusay inuu hawl fududeyn yahay, gaar ahaan qaaditaanka xamuulka. Xiiso gaara ayuu u yeeshay maalqabeenada kuwaasoo had iyo jeer ku daba jira gaadiidkooda maciishada laga maarmaanka sida iyo maalka badan.

Axmed, waa shaqaale u shaqeeya ganacsade Alle maal adduun siiyey. Shaqada uu qabtaana tahay wadida gaadiidka. Hantida uu ugu shaqeeyaana teedsan tahay dacalada dunida, dal iyo dibadba, kuwaasoo u kala goosha berri iyo bad. Dhawaanahan waxa loo sheegay in laga hawl yaraystay dirawalkii shaqadiisa iyo sharaftiisiba ahayd wadista gaadiidka. Dirawalkii wadista gaadiidka ka dhigtay mihnad uu masruufka ka helo mushaharana ku qaato.

Wuxuu xan iyo xogba ku helay in maalqabeenka uu u shaqeeyo soo iibsanayo baabuurkaa cidi wadin. Taasoo isaga ku noqonaysa dhabarjab. Axmed ma yaqaano mihnad kale oon ka ahayn wadista gaadiidka, cimrigiisa nus ka mida wuxuu ku qaatay dirawalnimo. Casriga iyo cilmiyada cusub ayaa carqalad ku noqday inuu iska sii wato camalkuu yaqaano. Isna diyaar uma aha inuu la falgalo waqtiga is gadiyaya, lana socda saacad saacad waxa dunida ka dhacay ama ku soo biiray. Waayo yaraantisii kumuu soo ababin aqoon maanta muraayad ugu noqota uu ku arko kuna fahmo caalamka wax cusub mooyee camalkale aan lahayn. Maskaxdiisana kuma uu beerin cilmi iyo garasho uu goosto miraheeda maalinta uu doono. Balse, nimaan hooyadii iyo aabihii wax barin waqtigaa waxbara, arrintani waxay u noqotay cashar uu darso cishooyin badan.

Habeeno badan iyo maalmo waxay ku dhaafeen fikir iyo faaleyn, faaqidid iyo fiirsi ku foogan arintan soo waajahday. Mar wuu is canaantaa ciillkaanbiyaa, marna cillada oo dhan wuxuu dusha ka saaraa shirkadii soo saartay baabuurka, hoosna wuxuu u yidhaa: nimankaa cadaankii cadowsanaa, camal li’bay nala doonayaan. Markalena su’aalo dhowra ayuu is waydiyaa. Waa’ayo cidda soo saarta baabuurta caadiga ah? oo goorma ayay soo saareen? ujeedooyinka ay ka lahaayeeni maxay ahayd? Jawaabihii u soo baxay waxay noqdeen mid aanu dafiri Karin oo sida cadceeda u cad.

Nimankaa uu haystaa sameeyay samaano hore. Manfaciisana isagaa ka markhaatiya oo mihnad ayuu ka dhigtay uu ku macaasho. Kadib marxalado badana oo ay la soo mareen. Maantana gaadhsiiyey heer aanu u baahnayn in la hago. Yaab iyo amakaag ayay ku noqatay arrimahan sida ay u dhaceen, naftiisana wuxuu ku qanciyay inay la fal gasho adduunkan horumarkiisu hawl fududaynta yahay.

Run wuxuu ku aaminay in haddiiba uu helo shaqo kale oo dirawalnimada uun ah, aanu cago adag ku taagnayn oo cid waliba casriga la jaanqaadi doonto, shaqadiisuna meermeer aanay ka baxayn. Waqtigiisa badi wuxuu ku qaataa inuu kolba arrimaha rogrogo oo xalka raadiyo. Maqaaxi ay saaxiibadii fadhiistaan ayaa u majlisa. Maalin kastana wuxuu la wadaaga saaxiibadii fikiro badan oo uu ka filayo inay furo u noqdaan filinwaaga haysta. Habeenkasta wuxuu ku seexdaa inuu shaqo aan dirawalnimo ahayn raadiyo, waxbarshana galo.

Kalaamu layl maa yamshii nahaar- odhaahyooyinka habeenkii maalinkii ma suuro galaan ayay carabtu ku maahmaahdaaye, habeen mooyee maalin ficil kamuu dayin arrimihii idlaa illaa ay u timid warqadii shaqo fadhiisidku. Muddadii uu haystay uma ay suuro galin inuu xal keeno oo uu shaqo ku helo, calooshana kamuu nixin markii loo sheegay eriska, col hortii jabayeyna muu odhane, balse wuxuu siii waday fikirkii iyo falanqayntii uu saaxiibadii la lahaa.

Arrin aan la rogrogin ragbaan heline, subax kasta arrin cusub buu la soo kallahaa, habeenkiina wuxuu la noqdaa arrinkiiyoo la kala hufay oo uu haadiyay. Wuxuu dadaalaba godkii hel guusha uu ka filaayay. Wuxuu meel dhigtay hadaf iyo hiigsi cad. Qorshe nololeed ayuu u dejistay uu ku gaadho hamigiisa. Go’aana wuxuu ku gaadhay inuu guul mooyee maalin galin keed seexan. Saaxiibadii warka sii, waano tix ahna ugu dar, kuna yidhi:

“Habeen waxaan qorsheeyaba

maalin waxaan hilmaamaba

hanka waxaan fogee yaba

maanka waxaan hawliyaba

waxaan helay heshiiskii

nafta lagu horaayoo

lagu hanuuni naayoo

lagu darayay hal doorkee

yeesha himilo iyo hiigsi

hawl iyo wada shaqooyin

halgan la gala naftiina

u diida hawaarsigeeda

qaada wadadii hanuunka”

Aqoontu waa tilmaane, Axmed noloshii dhamayd wuxuu saaxiibadii ugu tusaaleeyay baabuur. wuxuu isku dayay inuu aqoon iyo aragti ka helo. Fikir ayuu galyay oo maankiisa ayuu ka shaqaysiiyay. Baabuurkii iskii is waday ee uu ciilka iyo cadhada uu u hayay, wuxuu ka helay cilmi iyo cibro- qaadasho.

Saaxiibadii ayuu la wadaagay oo ku yidhi: “Baabuurku inta ugu muhiimsan ee uu ka kooban waa shookaan, biriig, leebar, mashiin iyo taayiro. Midka kastaana muhiim ayuu yahay, midina ka kale kama maarmi karo. Dhamaantoodna waxay tusaale cad u yihiin ruuxa bani-aadamka ah iyo noloshiisa. Shookaantu waa caqliga rabbi inagu galladay, ku hogaamin karno wanaaga iyo waxtarka, ama u leexin karno halaaga iyo hooga. Biriigu waa diinta Rabbi ina siiyay inay inoo noqoto xeer iyo xeegan aan la dhaafi Karin, ayna ka dhigan tahay ruuxa aan ku dhaqmin diinta, baabuur billaa biriiga. Leebarkuna waa aduunyada lana yidhi ku noolaada oo nasiibkiina qaata. Mashiinkuna waa jidhka aan qadada iyo quudka aan ka maarmin sida aanu baabuurkuba billaa shiidaal aanu u shidmin. Taayiraduna waa afarta laxaad (gacmaha iyo lugaha) ee bani aadamka ku dhaqdhaqaaqo hawlihiisana ku guto”.

Axmed, barashadiisa xaga Diinta, haddii dadka saddex darajo loo qaybsho kitaab raac, kitaab jiid iyo kitaab tuur. Ka labaad ayuu galayaa oo waxa marag iyo markhaatiba u ah, maalin dhaweyto oo uu dib ugu noqday kitaab xadiisa oo yaraantiisa xernimada qaatay. Kana helay xadiiskii Rasuulka csw ee da’da nolosha ummadiisa. Da’dii Rasuulku csw uu sheegay ee lixdameeyo ama todobaataneeyaha, Axmed waxa uga baxday waano iyo wax ku qaadasho, una qaybi saddex is leeg oo midiba waajibaad u gooniya leedahay. Labaatanka hore ka dhigay korid jidh iyo maan, labaatanka dhexena kaydsasho aqoon iyo adduun, labaatanka danbana kaalin ka gelid dad iyo dal. Uu ogyahay inuu qolada dhexe ku jiro loogana baahan yahay dadaal iyo dan garasho badan.

Ina rag waa kii kaalintii galee , Axmed hadafkiisu waa inuu abuuro shirkad samaysa baabuurta kana dhiso dalkiisa hooyo (Somaliland). Qorshooyinka uu ku hiigsanayo hadafkiisa waxay ka kooban yahay isla waajibaadkii da’da dhexe u dhigay ee aqoon iyo adduun. Waqtigiisa wuxuu u qaybiyay afar galin, oo habeenkii iyo maalinkii kala ah, kana kooban yihiin min laba. Galin waa u shaqo iyo shilin doonosho. Gallina waa u aqoon iyo aragti u roor. Gallina waa u gacan-dajin iyo geerash tag. Gallina waa nolol iyo nafis. Noloshiisa oo dhan wuu qorsheeyay, wuxuuna u qaabeeyay sida ay ula qumanayd inuu ku gaadhi karo hadafkiisa nololleed. Muddo ayuu qabsaday inuu gaadho yoolkiisa. Taasoo uu ka rajaynayo inay macno u yeesho shakhsinimadiisa, mar haday manfac u leedahay dadkiisa iyo dalkiisaba. Welina wuxuu ku guda jiraa hayaankii dheeraa ee Rabbi ka ilaali hadimada.

Sheeko- Faneed

W/q: Bashiir idiris Aw-Cali.

bashiiridiris@hotmail.com.

Borama/Harg. Somaliland.