Dunida Oo Laga Xusayo Maalinta Ka Hortaga Tubaakada Iyo Hal-kudhegga Sannadkan

Maanta oo axad ah dunida waxa laga xusayaa maalinta ka hortagga dhibaatooyinka tubaakada.Tobacco

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo hay’adaha la shaqeeyaa ayaa samaynaya wacyi-gelin ku saabsan dhibaatada ay leedahay tubaakadu.

Qiyaastii 6 milyan oo qof ayaa sanadkiiba u dhinta cudurada laga qaado sigaarka, halka 600 oo kun oo ka mid ah dadkaasi la sheegay inay yihiin dadka aan sida tooska ah u cabin sigaarka ee jiida qiiqa ka soo baxa dad agtooda ku cabayey.

Sannadka hal-ku dhegga maalinta ka hortaga cabida sigaarka ayaa ah in waddamadu ay si wada-jir uga shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa ka ganacsiga  sharci-darrada ah ee ka ganacsiga tubaakadu.

Marka dhinacyo badan laga eego ka ganacsiga sharci-darrada ah ee tubaakada ayaa mid door weyn oo dhibaato ah ku leh adduunka sida caafimaadka, sharciga iyo dhaqaalaha, dawlad xumada iyo musuqmaasuqa.

Somalilandpost.net