Dumarka iyo Dhaqaalaha Somaliland

Wakhti aan fogayn ayaa waxaan qoray maqaal ku saabsanaa doorka Dumarka iyo siyaasadda Somaliland. Markii maqaalkii aan soo bandhigay ayaa jawaabo badan oo kala duwan aan ka helay dad badan oo dunida daafaheeda ku kala nool, kuwaasi oo ii muujiyay dareenno isugu jira dhiirrigelin, tusaalayn, taageerid iyo talooyin kala duwan.

Haddana waxaan go’aansaday in aan maqaal kale soo saaro, kaas oo aan kaga hadlayo arrimaha Haweenka iyo dhaqaalaha. Haddaan maqaalkayga guda-ogalo, waxaan horta ku yara eegayaa taariikhda dhaw ee Somaliland intii aanay dagaalladu ka dhicin dhulkeenna, waxa jiray hab-nololeed kala gaddisan oo waliba marka aad si u eegto isku sar-go’an. Waxaan uga jeedaa dadkeennu waxay kala ahaayeen reer Miyi, reer magaal iyo Beeralay, nolosha dadku haysteenna mid waliba waxay ahayd mid deggan oo ay ku qanacsan yihiin, balse arrintu waxay is-beddeshay markii ay dalka ka dhaceen dhibaatooyinka iyo dagaalladu, kuwaasi oo si toosa saamayn ugu yeeshay hab-nololeedka bulshada, taas oo dhaxalsiisay ummaddeenna in Dumar badani noloshoodii hore ka tagaan, iyagoo bilaabay inay door muhiima ka qaataan habka dhaqaalaha dalka oo ay Haweenku intay dhexda iska xidheen noqdeen soo saaraha quutal-daruuriga in badan oo ka mid ah qoysaska Somaliland, gaar ahaan inta loo yaqaan muruqmaalka (working class) waxay u badan yihiin Dumar.

Haddaan tusaale soo qaadanno, waxa ka mid ah Haweenka iibiya Jaadka, Khudradda, Caanaha, Dhuxusha, iyo kuwa Dukaannada yaryar haysta, taasi waxay muujinaysaa in Dumarku noqdeen qaar daboola baahiyaha qoysaskooda, waxaana xusid mudan warbixinno kala duwan oo laga soo xigtay hay’adaha Qaramada Midoobay inay tibaaxeen wax soo saarka Haweenku inuu u dhigmo 70%-Kiiba dakhliga ka soo xerooda dalka gudahiisa.

Iyada oo ay caddahay in Dumarku yihiin aasaaska dhaqaalaha dalka, waxa habboon in ay qayb ku yeeshaan hab-socodka siyaasadda dalka, maaddaama oo ay siyaasadda iyo dhaqaaluhu yihiin laba shay oo is-xambaarsan.

Haddaba iyada oo ay sidaa tahay ayaa haddana waxay mar walba qayb ka qaadanayeen nabadda iyo horumarinta dalka, waxa kale oo ay ka qayb qaadanyeen korinta iyo kobcinta Carruurtooda oo ay Waxbarasho iyo nidaam sax inay helaan xoogga saarayeen, iyagoo dhib walba u marayay inay bulshada ku soo kordhiyaan Awlaad tayo leh, Berrina noqda kuwii mustaqbalka dalka si sax ah uga qaybqaadan lahaa, haddaba taariikhda cusub ee Somaliland waxay muujisay in Dumar fara badani ay door mihiim ah oo wax-ku-ool ah ka qaataan hab-socodka dhaqaalaha ee Somaliland, waliba iyagoo abuura shaqooyin kala gaddisan.

Somaliland oo maanta maraysa meel lagu diirsan karo, isla markaana dumarku ka yihiin tiir muhiim ah, waxa isweydiintu tahay; maxaa dumarow inala gudboon? su’aasha jawaabteedu waxay tahay in aynu sida aynu uga qaybqaadanayno dhaqaalaha, aynu uga qaybqaadano siyaasadda, taana waxaynu ku heli karaa inaga oo ka qaybgala hoggaanka tartanka siyaasada ee dalka.

Doodaha ragga qaar yidhaahdaan in aan weli la gaadhiin wakhtigii dumarku ay talin lahaayeen lama joogo oo aqoontooduna uma saamaxayso, ayaa waxaa burinaaya sida qiimaha leh ee muddooyinkan dambe aqoonta dumarku u korodhay. Tusaalena waxaa inoogu filan sannadkii 2011 ardayadii ugu saraysay jaamacadaha Somaliland waxay ahayd gabadh, ardyadii dugsiyada sare ee Somalialnd ugu saraysayna waxay ahayd gabadh, waana wax aan la iska indho tiri karin qaybta laxaadka leh ee ay dumarku ku leeyihiin bulshadeena, ta kale waxaa hubaal ah 20 kii sanno ee u dambeeyey ay aqoonta dumarku sare u kacday, ha ahaato kuwa dalka gudihiisa wax ku bartay iyo kuwa qurbaha wax ku bartayba, taasi oo dumar ahaan noqonaysa mid aynu kalsooni badan kaga heli karno ama kaga helnayba bulshadda Somaliland dhexdeeda.

Maqaalkan iyo maqaalkii ka horreeyeyba waxaan ku iftiimiyay doorka kala duwan ee ay dumarku ku leeyihiin bulshadda, ha ahaato siyaasadda, dhaqaalaha iyo waxbarashada. Markaa waxay iila muuqataa in la gaadhay wakhtigii ay dumarku noqon lahaayeen hormuudka dalka Somaliland ay baahiyaha badani ka jiraan, nuglaanta faraha badanina ay saamaysay oo taasi oo waliba inta badan ka timaad dhinaca ragga qaar, sida ka muuqata dumarka meelihii loo igmaday waxay ka muujiyeen waxqabad lagu faani karo.

Xukuumadda Axmed Siilaanyo oo kursiga ku fadhiday muddo ka badan sannad iyo badh ayaa kursiga uu ku fadhiyo waxaa sababteeda qayb laxaad leh ku lahaa dumarka, iyada oo wakhtigii tartankii ololaha doorshada lagu jiray uu madaxwayne Siilaanyo ku baaqi jiray inay dumarku heli doonaan 25% saamiga dawladdiisa, laakiin se xukuumadiisa maanta kama muuqato 25%, waxaa halkaa inooga muuqata marka dumar ahaan la eego 5% in ka yar.

hadaba madaxwayne Siilaanyo waxaan leeyahay madaxwayne awalbaa waxaanu iskaga qanacsanayn 25%, maantana 5% inkayar baad na siisay oo aanay dumarku u qalmin, taana waxaan u leeyahay markaad dhinac walba ka eegto dumarku waa tiirka ay ku tagan tahay Somaliland, markaa ma la odhan karaa sidii aanu kuugu caano lisnay noogu maad hambayn?

Gabagabadii waxaan leeyahay rag iyo dumarba aan ka wada shaqaysano dalkeena, umadeenan inoo baahana aan wax u wada qabano, inaga oo gacmaha is haysana, shaqadana yaan lagu koobin ragga oo kaliya ee si isku miisaman ha loo qaybiyo, samiga dumarkana ha ka badheedho xukumadaadu in ay si xaq soora ugu qaybiso ragga iyo dumarka.

Dumarkana waxaan odhan lahaa waa inaynu had iyo jeer muujina dedaal xooggan, aqoonteenana kordhina, markaa hadii aqoonteenu korodhana waxaynu helaynaa dhaqaale, maadama uu dhaqaaluhu yahay hagaha nolosha had iyo jeer, siyaasadda iyo dhaqaluhuna is xambaarsan yihiin.

ALLA MAHAD LEH

naciimacabdi3@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.