Dulucda Maanso Siyaasadda, Shirar-beeleedyada, Khiyaamada, Beenta, Gefka iyo Dulmiga ka hadlaysa oo uu Curiyey Abwaan Laab-Saalax

 

“Saw  Gole Lamuu Tagin, Dadkeennii  Gudboonaa, Saw iniba Geesteed, Gaarkeed umay Shirin, Saw Laysma kala Gurin?”Xasan_Dhuxul

Maansadani waxa la yidhaa GOLE-KA BAAN- Waxa Soo Saaray Abwaan Xasan Dhuxul (Laabsaalax) oo si weyn looga yaqaana Dhulka ay degaan dadka AfSoomaaliga ku hadlaa, isla markaana ah Guddoomiyaha Kooxda XIDDIGAHA GEESKA. Maansadan oo si mugle u qeexaysa xaaladaha is dulbarkan ee dalka ka jira, ayaa waxay ku soo beegantay wakhti Qabyaaladdu Madax iyo Mijaba  ka noqotay Caado iyo Dhaqan, isla markaana wuxu Abwaanku kaga hadlay Siyaasiinta guurguura ee kolba  Xisbi ku biira. Sidoo kale, waxay Maansadan Gole-ka-baan taabanaysaa Shirarka ay dhawaanahan danbe Beelaha qaarkood qabsadaan, Kuwaasoo Qarannimada ku ah meel-ka-dhac iyo fadeexad oo dawladnimada wiiqi kara.

Maansadan oo Sarbeeb badani ay ku jirto waxa Abwaanku uu ku faafiyay Xalay bartiisa uu ku leeyahay Shabakadda Bar-kulanka Bulshada ee Facebook. Maansadan oo dhinacyo badan oo kala duwan oo nolosha iyo xaaladaha ku xeeran ah taabanaysa, Xigmad iyo Xiiso bandanna Xambaarsan, waxa Abwaan Laabsaalax ku bilaabay, una dhignayd sidan:- ‘GOLE-KA-BAAN’

“Waxaad Godob Ka Faantaa

Waxad Ceeb ka Gubataa

Waxaad Guul ku Hirataa

Waxaad Talo  Gorfaysaa

Waxaad Garasho Dirirtaa

Waxaad Gole Ka  Baantaa

Ruux Gaya Markaad Tahay

HANKU Meelu Gayn Karo-  .

Dadka Ruuxa Gacan Madhan

In kastuu Go’o Cawalani-

Garabkiisa Sudhanyahay-

Yaanu Waayihii Gabay

Kugu Odhan Gob Maahoo

Waxaad Galinba Aragtiyo

Hadba Dhaayo Guudkood

Yay Garasho Kaa Noqon-

Gobanimo Ha Wada Bidin

Qofaad Galab is Aragteen

Hana Moodin Gacalkaa

Guushaada Ruux Neceb.

Adigoo Gargaar Biday

Ruuxa Gacan Ku Siin Kara

Abaal Maanta U Gabay

Bari Yaanu Kuu Galin-

Garta Eexo Haw u Naqin

Hadba Godobta kii Fala

Ha ka Dhigin in Laga Guday

Danbi uu isagu Galay.

Cimrigiyo Gugaagiyo

Garaadkaaga Kaashoo

Gurac Hadalka Haw Odhan

Haku Waayin Ruux Goba

Eray Aanu Kaa Gayin,-

Gees Qudha Nin Laga Hago-

Wax kastoo dhagaha gala

Lagu Guro War uu Guro

oo gabba  ha noqonine

Xor Ka Noqo Gabraarsiga

Gujo Nacasta Hoosiyo

Goolaaftan  Lagu  Jabo

Yaanu Ficilku Kuu Gayn-

 

Ha ka Guban Walaalkaa

Wuxuu Libin Gudoonsado

Hana noqon Qof Gaasira –

Guusha aadmi taransado

 

Hana Noqon Gar iyo Daw

Ruux Garaadka Loo Sido

Ama Lagu Dan-gaadhoo

Lagu Guuro Waligii-

 

Marna Yaan Go,aan Li,i

Hadba Gees Laguu Wadin

Gadhwadeen laguu Noqon-

Mabda,aaga Garashadu

Gondihiisa yuu Tagin

Nin Ku Gaadha Tuu Rabay

 

Geedi Weeyi  Duunidani

Goblan Bay Ka Tahay Nagi

Waa Dharaaro Gabigeed

Laga Guuri Doonoo

Geeri  Lagu  Sugaayee-

Ha Gaaf Meerin Talo Baas

Galadeeda  Xoogiyo

Ha ku Raadin Giniyaad

Hana Gadin Damiirkaa

Kala Garo Amaanniyo

Waxaad Gaar u Leedahay

Inaad Godob Ka baqatiyo

Kala Daa Gar Eexaad-

Waligaa Ha Tagin Goob

Wixii Ceebo Lagu Galo

Gooni Adiga Kuu Tahay-

Ha u Galin Wanaag Ruux

Bari Adiga Guuttiyo

Kuu Samaysta Geesh culus

Gardaradiyo Eexdiyo

Garabsiga Ka Waynow-

Gafku Yaanu Derajiyo

Kuu Noqonnin Gaashaan

Gobbood Aad Ka Dhigtoo

Uunku Yaanay Kuu Garan

Gardaadshaha waxyeellada-

Inkastood Ahayd Guul-

Qof Dedaal U Gaaryahay

Oon ka Gaabin Tamartii

Wixii Kaa Gedmaday Shalay

Maanka yaanay Gubashiyo

Ku Abuurin Gocoshee

Maantiyo Wixii Gara

Ee Kula Gudboon Yeel-

Hawl Aanad Wali Galin-

Horteed Gogol u sii Xaadh

Wakhtiyada  is gurayee

Maalmaha Is Garab Yaal

Mid waliba Geday Tahay

Dhacdadadeeda kaga Gudub

Afartaa-  Tusmada Guud-

Sheekada Ku Gaabshaye

Googa Dheh Maansooy?

Arimaha Gayiga Jira

Danta Guud Hirgalinteed

Gal-Dalooladeediyo

Markay Tahay Gufaynteed

Lama Gabo Dhankaagoo

Gole Lalama Joogsado

Waxaan Laga Garaabayn

Iyo  Taada Gaarka ah–

Waxaad  Gaar  U saartaan

Waxaad  Gaggo  Ka Caydnaan

Waxaad Geed xajiin badan

Hoostiisa Gaysaan –

Ruux Qabyaalad Aan Galin

Oon Hoos U kala Gurin

Dadkuu Guulaheen Simay

Xil Siyaasi Gudan Karo

Uma Eegtid  Garashiyo

Karti  iyo Go,aankee-

Waxaad Garabka saartaan

Keena Gawska Dhaafsada

Qaranimada  Loo go,ay

 Guno kay La Wayntahay

Geesibaan Ku Sheegnaa

Nin Damiirku Gudhaybaan

Ninka Raga Ag Gaynaa–

Galle Oo Ka Bexe Shalay

Galabtana Ku Soo Noqoy

Xisbiyada U kala Guur

Markuu Joogo Waa Gobe

Gun-ku Sheeg Markuu Tago-

Beentiyo Runtii Goob-

Goor Qudha Ka Wada Sheeg-

Amaaniyo- Dhaliil Guud

Hadalkii Iskugu Gee-

Mabda Gaara Ma Lahee

Shacabkii Wuxu Gudo

wuxuu Gallo Oqoonsaday-

U garaac durbaan Kale.

Iyaguna Gadoodii

Boodhadh Gaara la hor yaac-

Danta Guud Siyaasiga

Tiisa Gaar Ka Doorbiday

Gar Allee Anoon Wali

Go,a aan ka wada rogin

Toban laabna Guudmaray–

Xaajooyinkuu Gaalo

god kalaan shaxdii degay-

Bal Maxaad U Kala Guri

Bal Maxaad U Kala Goyn

Bal Maxaad u Kala Gayn

Bal Maxaad Gumaadkiyo

Goblankooda Uga Talin

Umad Gayi Ku Wada Nool

Dhaqankana Ka Wada Goba

Gibilkana Is-kaga Mida

Af Wadaaga Gooniya

Oo Aan La Kala Garan.

Oon Gaal ku Jirin Qudhii

Bal Maxaad U Hoos Gayn

Nacabkooda Guunka ah

Gobanimo dadkaa qaba

Shacabkaa Go,aan Qudha

Ku Gudoomay Libintii

Bal Maxaad God ugu Ridi

Taladay ku Goosteen-

Kud Ka guur Hadana Gee

Geediga Qanjaha Gee

Waa Gadaynu wada nahay

 

Haldoorkiinu Waa Gudin

Miskiin Gooya Seedaha-

Taladeenu Waa Gees-

Danteenii Ka Gudhanoo

Hadba Keenaa Go,ooya

Ku Jaan gooya Tiisii

Dhalinteenu waa Gaas

Guluub kii u Shidi laa

Sidii Xaabadii Gubo–

Gayigani Markuu Shalay

Dadkiisoo Is Garabsaday

Beelnimo Ka Guureen

Xisbiyana gaardaadsheen-

Rajo Saw Imay Galin

Saw Guusha Maan Filan

Ka gadaal biliyo Bilo

Hankii Aan Lahaa Gaadh

Saw Gaagax Muu Noqon.

Midhahaan lahaa Geed

Beertaye Ka Soo Guro

Garanwaa I Muda Iyo

Saw Gucundho  may noqon–

Saw Qabyaaladaan Go,e

Bari  Hore Garwaaqsaday

 inay tahay Gumaysiga

Ma Gudbuhu Ku Caanyahay

Bulshadeenu gurayoow

saw ma wada gardaadshaan

Misna saw Ma Gaaxshaan

saw uma Guntanayaan-

Guulwade han Liitiyo

ma gabade Xishood Tiray

waxaan maanka gali karin

Oon gurbood ka daadagin

Guudka aan ka iman karin

Gunta Aan ka socon karin

Saw  Gole Lamuu Tagin-

Dadkeenii  Gudboona-

Saw iniba Geesteed-

Gaarkeed umay Shirin

Saw Laysma kala Gurin

Saw Laysma wada Ganin

Saw Guuxi Muu Badan-

Saw gocasho may iman- –

Xisbiyada- lahaa  Gu’gan

Gurmad Weeye Ku Yimid

Saw Godobta Reeraha

Kuwa nabarro  gaystee

Gunaad beeray may noqon

 

Geedigu Intuu Wali

Guuraayo Sahan li,i

intay Goboladeeni

kala Guulo badanyiin

 

Bulsho kala Godoodaay

Bulho Kala Gudaysaay

Bulsho Kala Golaysaay

Dib Intaad U Gurataan

Ha u Guurin Reernimo

Qarankaad Ku Tahay Gobe.”

Dhammaad: