Dugsiyada Dawladda iyo Dayacooda – W/Q: Cabdishakuur Axmed Cabdiraxmaan “RAAGE”

Maalinba maalinta ka dambaysa waxbarashada dunidu way sii horumarraysaa, sii badanaysaa siina durkaysaa, waxanna laga soo bilaabay meel hoose iyadda oo imika la marinayo meel aad u saraysa.

Dalka jamhuuriyadda Somaliland oo isaguna ka soo bilaabay waxbarashadda heer daasaddo lagu fadhiisto, lagunna dhigto geed hoostii iyo kharaabaddo, maadaama oo ay dalka ka dhaceen dagaallo burbur ba’an ku reebay. Waxana imika la soo gaadhsiisay meeqaam sare oo lagu faano. Waxa aad ka garanaysaa inta dugsiyadda iyo jaamacaddaha u dareerta cadceedii soo baxdaba.

Waxa sanadkan (2013) imtixaannada shahaadiga ah ee dugsiyadda hoose/dhexe iyo sare ee JSL  u fadhiistay arday dhan 19452 arday oo isugu jiray 12142 arday oo dugsiyada dhexe ah (36% hablo ah iyo 64% wiilal ah) iyo 7310 arday oo dugsiyada sare ah. Waana wax Illaahay SWT loogu mahad naqo in ardayda intaas leegi inooga aflaxdo dugsiyada. Waxana imtixaanadaas natiijadoodii lagu dhawaaqay 10-september-2013 (shalay) iyadda oo ay dhamaan ardayda dugsiyadda sare wada baaseen ( walaw aanay kuwa dawladu waxba la baasin) 293 arday oo ka habsaantay galista imtixaankaas mooyee. Halka Dugsiyada dhexena ay hadheen (aanay baasin) 193 arday oo u dhiganta 1.5%, waxana ka habsaamay 271 arday oo u dhiganta 2.3%. taa macneheedu wuxuu noqanayaa waxa dugsiyadda sare u soo gudbay 11679 arday una dhiganta 96.2% (boqolkiiba lix iyo sagaashan iyo dheeraad).Islamarkaana waxa la yeedhiyay ardayda ugu saraysa dugsiyada dhexe iyo sareba iyo dugsiyada ay ka soo jeedaan.

HAL-QORHa u fadhiyin, dugsiyadii dawlada la waa, dhagtiina I taagantay maqlina waayey wax dugsi dawladeed ka sheekaynaya oo aan ka ahayn hal dugsi hoose/dhexe oo ku jiray tobanka ugu sareeya dugsiyada hoose/dhexe. Dugsiyadda saranna haba ka sheekayn iyaga, waxaba ku noqnoqday hal dugsi oo mid kalena la jiibinayo  kuwaas oo ah kuwa gaarka loo leeyahay, waliba ku yaala maroodi-jeex oo keliya.

In ardaygu noqdo kuwa ugu sareeyaa micno samayn mayso, laakiin, ta in la dhugto u baahani waa heerka aqoonneed ee ardayga, manhajka iyo sida uu u dhamaystay una dabbaqay, iyo akhlaaqdiisa. Si kastaba ha ahaatee bal waxa aad ila fiirisaa dugsiyada dawlada iyo darajooyinkooda ay imtixaanka ka hanteen sannadkan inta aad ka haleesho. waxa ay indhahaagu qabanayaan arday wada murugaysan, iyo darajooyinkoodii oo aad u wada hooseeya. Waxay indhahaagu qabanayaan arday dedaal badan isu ogayd oo ku muusanaabaysa “Bal maxaan ka xiiqayey”. Waxay indhahaagu qabanayaan darajada koowaad “A” oo ku yar dugsiyada dawladda, qaarkoodna aan lagu hadal haynba.

Maxaa ka si ah dugsiyadda dawladda? Maxaa kuwa gaarka loo leeyahay gobeeyay kuwa danta guudna gumeeyay? Yaa ka masuul ah tabar darada, dayacnaanta, daryeel la’aanta iyo duruufaha dugsiyada dawladu maamusho ee la wada leeyahay? Maxaa u xal ah dib usoo noolayntooda?

Waxyaabaha aan u aanayn karo liitidaa waxa kamid ah in ay dugsiyada dawladda ka jirto;

  1. Maamul xumo
  2. Macalin xumo &
  3. Maamuus xumo xaga dawladda ah.

Macalimiintu waxa ay ka mid yihiin shaqaalaha dawladda, waxaanay waliba ka mushahar hooseeyaan shaqaalaha kale ee ay ka waxsoosaar iyo shaqaba badan yihiin, iyadda oo ay taasi jirto macalinka oo isaguba ah qof danihiisu badan yihiin  oo aanay ku filnayn shilimaadka yare ee ay dawladu siiso islamarkaana macalinkii tayada lahaa uu u gacan haadinayo nin xero yar meel ka ootay lacag wacana bixinaya, taasina ay sababtay inuu macalinku soo saaro ardayda dugsiyadda gaarka loo leeyahay. Waana kharashka ka koowaad ee macalimiintii tayada lahayd eryaday.

Bal dhugo, dugsiyada hoose/dhexe ee ay dawladu maamusho waxaa sanado ka hor laga dhigay lacag la’aan taasoo keentay dayacnaantii ugu badnayd, xaggay wax ka soo kordhin lahayd, dadkiina intii haynta roonayd waxay gaysatay kuwaas gaarka loo leeyahay ee ilmihiisa oo dikriyayaa ka soo qalin jabinnayo. Kii danyarta ahaana talo ku ciirtay qalbigiisana waxa galay “danyarraw waa dantaa” maadaama oo uu arkayo dadkii ka hayn roonaa oo ay waliba hormuud ka yihiin maddaxda iyo masuuliyiinta ku magacaaban waajibaadka waxbarashadan, kuwaasi oo dhamaantood gaysta iskuuladda gaarka loo leeyahay ee lacagta badan.

Haddaba, aragnay darajooyinka hoose ee dugsiyada dawladda iyo buundooyinka sare ee kuwa gaarka loo leeyahaye maxaa xal ah? waxay indhahaygu ku dhaceen arday aad iyo aad u niyad jabsan islamarkaana waxaan is weydiiyey dhibaatada ardaydan badan ee hoosaysa la soo gudboonaanaysa:

  1. Niyad jab keeni kara inuu qofku isu aamino ducuf aan waxba qabsan Karin
  2. Balwada oo uu ardaygu barto
  3. Tahriib iyo inuu ku fikiro ka haajirista waddanka.
  4. Dhibaatooyin amni daro oo uu ku kaco.

Dhamaan dhibaatooyinka la soo darsa ardayda da’yarta ah oo ah tiirka waddankeenani ku dhisan yahay, waa inagu dhabarjab iyo nabar aan bugsad lahayn, damqashadaasina waxay diirinaysaa uun ninkii damiir leh.

Geedna biyo la’aan ma baxo, si kasta oo uu ula tacaalo nafaqadda dhulka ee ka fog xididada hoosena mar uun buu waxba ka gaadhi waayaa hadaan waraab lala gaadhin amma aan Allaha awooda lihi raxmaadkiisa usoo shubin. sidaas waxa ka dhigan ardayda aad ka u caqliga badan ee dugsiyada dawladda dhigta laakiin, aan haysan cid tilmaanta waayey, markii ay dedaal badan iskood u sameeyeena noqda “geesi tol beelay” maadaama oo xataa marka saxa laftiisa lagu jiro aan anigu aaminsanahay inaan dan badanba laga galin miskiinkan dawladu wax u dhoodhoobtay.

Ardayda dugsiyada dawladda ka soo baxdaa waa ardayda ugu maskaxda badan marka loo eego kuwo gaarka loo leeyahay ee lacagta badan lagu khasaariyo, waayo isku fikir ma aha nin dugsiga lagu keenay gaadhi isaga oo wali badh-hurda, iyo nin usoo lugeeyay masaafo aan yarayn isla markaana ay xisaabta ugu jirto “ha is dhigan”. Gabagabadii iyo hadal gunaanadkii xooga ha la saaro dugsiyada waxbarasho ee aynu wada leenahay.

W/Q: Cabdishakuur Axmed Cabdiraxmaan “RAAGE”

Ka tirsan “Bahda hal-abuurka iyo qoraalka ee HAL-QOR”